VOA-da oo Baashe Muuse wareysi kala yeelatay arinta 1600 qof ee soomaalida ah

0
153

Idaacada codka mareykanka ee VOA, laanteeda af soomaaliga ayaa warbixin ka diyaarisey xaalada 1600 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dowlada Norway ay rabto iney sharcigooda magangalto dib u qiimeyso. Sahro Cabdi Axmed ayaa wareysi arintaas ku saabsan la yeelatey Baashe Muuse oo ah xubin ka tirsan golaha deegaanka ee Oslo.

Warbixinta VOA-da waxaa kujiro labada arimood oo aan sax aheyn:

1) 1600 qof ee soomaalida ah wali sharciga magangalyada lagalama noqon intooda badan, balse 120 kamid ah ayaa digniin loo soo direy. halka kuwa kalena ay dowladu kujirto qiimeynta sharcigooda magangalyo.

2) Dadka sharciga magangalyadooda la qiimeynayo ma ahan kuwa heysto dhalashada wadanka, balse waa kuwa heysta sharciga magangalyada ee kumeel gaarka(Midlertidig oppholdtillatelse)

Halkan ka dhageyso warbixinta VOA

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments