To søstre: Buug cusub oo laga qorey labadii gabdhood ee soomaalida ahaa ee ka tagey Bærum, kuna biirey ururka Daacish

0
178

Waxaa warbaahinta Norwey badankeed aad looga hadalhayaa maanta, buug cusub oo laga qorey labadii gabdhood ee walaalaha ahaa ee ka tagey Bærum, kuna biirey ururka Daacish. Haweeney norwiijiyad qoraa ah oo lagu magacaabo Åsne Seierstad ayaa buugan qortey, waxaana muuqato in buuga soo saaristiisa ay gacan weyn ka geysteen qoyska dhaley labada gabdhood, gaar haan Aabaha. 

Buugan laga qorey labadaan gabdhood ee soomaalida ah ayaa noqon doono kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah, maadaama aysan horey u jirin buugaag badan oo laga qorey dhalinyarada ku biirta ururka Daacish. Sidoo kale wuxuu noqon doonaa buugii ugu horeeyay ee laga qorey gabdho heysta dhalashada Norway, kuwaas oo ku biirey kana mid noqdey ururada ka dagaalama caalamka.

Labadan gabdhood ee walaalaha ah ayaa sadex sano kahor dhuuntey qoyskooda oo kunool Bærum, waxeyna si dhuumashaal ah ku galeen wadanka Siiriya oo ilaa iyo hada la rumeysanyahay iney ku suganyihiin. Sida ku xusan buuga labada gabdhoodba waxey hada noqdeen xaasas, waxeyna dhaleen caruur. 

[adsenseyu2]

Qoraaga buuga qortey ayaan waxbo ka tagin, iyada oo xustey dhamaan waxyaabaha saameynta ku lahaa in labadan gabdhood ay xagjiroobaan oo kamid noqdaan ururka Daacish. Ururka dhalinyarada islaamiga ah ee ISLAM NET, macalimiinta dugsi quraanada soomaalida, xirxirnaanta mujtamaca soomaaliyeed, qaab dhismeedka bulshada ajaaniibta ah ee Norwey iyo xiriirka ay la leeyihiin norwiijiga ayay buugeeda ku xustey iney kamid yihiin waxyaabaha dhalinyarada ku keena iney xagjiroobaan.

Aabaha gabdhaha dhaley ayaa sida buuga ku xusan sameeyey dadaal aan joogsi laheyn, isaga oo naftiisa dhowr mar khatar u galiyey, si uu labadiisa gabdhood ugu celin lahaa Norwey. Waxaa ku xusan buuga in aabuhu uu kulan 5 daqiiqo soconayey la kulmey mid kamid gabdhaha, iyada oo u sheegtay inuu iska noqdo, maadaama eysan ayagu dib ugu noqon doonin Norway. Hooyada dhashey labada gabdhood ayaa sidoo kale aabaha gacan weyn ka siisey, dadaalka iyo raadinta uu ugu jirey inuu labadiisa gabdhood dib ula midoobo.

Wargeyska VG ayaa buugan siiyey dhibcaha 100%, isaga oo sheegay inuu yahay mid kamid ah buugaagtii ugu muhiimsanaa ee soo baxey dhawaantan. Aftenposten ayaa dhankooda buugan ku sheegtay mid faa-iido badan leh, wax badana ka iftiimin doono waxyaabo badan oo horey u qarsoonaa. Wargeyska Dagbladet ayaa buugan ku tilmaamey mid loo baahnaa soo bixidiisa, Halka NRK uu sheegay inuu yahay buuga sanadka.

Buugan ayaa sida muuqato noqon doono mid hadalheyntiisu ay badan doonto maalmaha iyo bilaha soo socdo. Iyada oo saxaafadu ay hadba dhinac kasoo qaadan doono, una rogi doono dhinaca kale…

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments