Soomaalida ugu badan ee sharciga dhalashada lagala noqdey, waa la jaajuusey

Waxaa maalintii shaley aheyd ku qabsoomey magaalada Oslo kulan xogbixin ah oo ay soo qabanqaabiyeen urur soomaali ah iyo ururka difaaca magangalyo-doonayaasha ee NOAS. Ururkii soomaalida ahaa ee soo qabanqaabiyey kulankan, waxay diideen in saxaafadu ay sawiro ka qaadaan, wax ka qoraan ama soo tabiyaan wixii halkaas ka dhacey. Inkasta oo aanan fahmin sababta arintaas kaliftey iyo waxa ku qasbey ururkaas  iney diidaan in wax laga qoro kulankaas, hadana waxaan u tixgalineynaa sharcigooda maadaama ay ayagu shirka soo qabanqaabiyeen.

[adsenseyu2]

Warbaahinta NorSom News ayaa xiriir toos ah la sameysay ururka NOAS, anaga oo ka codsaney inay noo diraan warbixintii ay halkaas ka bixiyeen, si aan ugu gudbino dadkii aan awoodin iney goobtaas imaadaan. Wey naga aqbaleen codsigeena, waxayna noo soo direen  documentiyadii iyo warbinaxadii kale oo ay goobta ka  jeediyeen, waxaana halkan af soomaali ahaan kusoo koobeynaa wixii intii ugu muhiimsaneyd:

Sharciga dhalashada wadanka malagaala noqon karaa?

Sidaan ognahay waxaa baryihii ugu danbeeyay la sheegayay iney jiraan dad soomaali ah oo sharciga dhalashada wadanka laga noqdey, kadib markii looga shakiyey iney ka been sheegeen dhalashadooda ama aqoonsigooda shaqsiyeed. Dadkan oo la sheegayo iney boqol ku dhawaad yihiin, ayaa badanaa lagu heystaa ineysan dhalasho ahaan kasoo jeedin Soomaaliya, balse ay ka yimaadeen wadamada dariska la-ah Soomaaliya, sida Jabuuti, Suudaan Etiopía iyo Kenya. Dadkan ayaa waxay la sheegayaa in intooda badan lasoo jaajuusey oo fariimo qarsoodi ah laga gudbiyey, kadibna ay boolisku iyo hay-ada agaasinka ajnabigu ay ku sameeyeen dabagal iyo baaritaan ugu danbeyn sababey in sharciga dhalashada wadanka lagala noqdo ama dib loogu yeeray wareysi iyo intervju cusub. Kaas oo lagu xaqiijinayo aqoonsigooda shaqsiyadeed.  Wareysigan ayaa mararka qaarkood u dhigma wareysigii uu qofku bixiyey tobanaan sano kahor, markii uu wadanka iska dhiibayay. 

Meelaha qofka laga baarayo aqoonsigiisa ayaa waxaa kamid noqon kara baraha bulshada sida Facebook, Snapchat, intsgram iwm. Hadii ay islahaan waayaan warbixinta uu qofka isku dhiibey iyo warbixintiisa ugu qoran bartiisa facebooka, waxay xoojineysaa shakiga laga qabo asalka qofka, taas oo ku biiri karto waxyaalaha adkeynaya in qofka lagala noqdo sharciga dhalashada wadanka.

[adsenseyu2]

Dowlada Norwey waxay xaq u leedahay iney qofka kala noqoto sharciga dhalashada iyo waliba kan degenaanshaha, hadii ay cadaato in qofku uu ka beensheegay asalkiisa dhalashada, sidaasna uu ku helay sharci iyo magangalyo uusan xaq u laheyn. Xitaa hadii ay kasoo wareegato labaatameeyo sano, wali waxaa dib loogu noqon karaa bilowgii codsiga magangalyada qofka, taas oo asal u aheyd in qofku uu labaatan sano Norwey degenaado. Hadii lagaala noqdo sharciga dhalashada, waxaa waayeysaa dhamaan wixii xuquuq ah oo aad laheyd ka muwaadin ahaan, maadaama aad muwaadin ku noqotey sabab been ah oo aan jirin. 

Hadii aad caruur ku dhashey wadanka ama aad qof u dacwoodey intii aad wadanka joogtey, ayagana waa lagala noqonayaa sharciga dhalashada, maadaama ay sharciga ku heleen adiga daraadaa, adna aad sharciga ku heshay sabab aan jirin oo been ah. Hadii qofka marka dhalashada lagala noqdo ay dowladu go-aansato in wadanka laga saaro, caruurtiisa iyo dhamaan dadkii uu asaga u dacwoodey waxaa la raacinayaa. 

Sharciga dowlada Norwey ee ku saabsan arintan waa mid aad u adag, sababtoo ah waxaa mar walbe loo noqonayaa sababta uu qofku ku helay magangalyada markiisi koowaad.  Hadii ay jiraan caruur wadanka ku dhashey, waxay dowladu qiimeyn ku sameyneysaa waxa u fiican ilmaha. Tusaale ahaan hadii uu ilmuhu xanuunsanyahay, daawadiisana aan laga heli karin wadanka waalidka loo celinayo, waxaa laga yaabaa in dowladu ay qiimeyn gaar ah ku sameyso xaalada ilmahaas.  Waxaa laga yaabaa in qofka iyo ilmaha lagala reebo, hadii uu ilmuhu iskiis isku bixin karo, oo uusan ku xirneyn daryeelida waalidka. Mararka qaarkood waxaa dhici kara in qofka lagala noqdo sharciga dhalashada, laakiin la siiyo sharci bini-aadanimo, kaas oo qofka loogu qiimeyn karo sababo isbiirsatey owgood, waxeyna ku xirantahay xaalada shaqsiyeed ee qofka markaas iyo qiimeynta kiiska ee dhinaca dowlada. 

Sidoo kale waxaa sharciga dhalashada wadanka qofka lagala noqon karaa, Hadii lasoo ogaado inuu ka beensheegay macluumaad muhiim ah oo sabab u ahaa inuu sharciga magangalyada helo. Macluumaadkaas waxey noqon karaa waxyaabo badan, waxeyna hadba ku xirantahay qiimeynta dowlada ee asal ahaanshaha magangalyada qofka.

Kala noqoshada iyo dib u qiimeynta sharciga magangalyada.

Wasaarada dastuurta iyo amniga Norwey ayaa 31.3.2016 soo saartey wareegto ay ku amreyso in dib loo qiimeeyo sharciga magangalyada, ee dadka looga shakisanyahay in xaalada amni ee wadankii ay kasoo qaxeen uu soo hagaagey. Sharcigan waxa uu khuseeyaa dalalka ay ka yimaadeen magangalyo doonayaasha oo dhan, balse dowladu waxey go-aansatey iney ku bilowdo dadka ka yimid Soomaaliya. Gaar ahaan waxey xooga la saarey dadka ka yimid caasimada Muqdisho oo ay dowladu sheegeyso in xaaladeeda amni uu soo fiicnaadey mudadii u dhaxeysay 2011 ilaa 2014.

 

Sharciga waxa uu qabanayaa dadkii sharciga magangalyada helay wixii ka horeeyay 1.10.2014. Dadkii sharciga helay wixii ka danbeeyay taariikhdaas kuma jiraan dadka dib loo qiimeynayo sharciga magangalyadooda.

Sidoo kale dadka laga soo qaadey xeryaha qoxootiga ee aan iyagu isa soo dhiibin ama aan soo tahriibin, sharcigaas ma qabanayo.

Dadka sharciga magangalyada ku helay arimo bini-aadanimo, sharcigaas cusub asna wey ka bad-baadayaan. 

Sharciga ayaga helay oo heysto degenaanshaha wadanka, ayagana sharcigaas ma qabanayo.

Arinta layaabka ah ayaa ah in wareegtada wasaarada cadaaladu ay dhigeyso in xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee wadanka la qiimeynayo magangalyada dadkiisa ay ahaato mid stabile ah oo degan. Soomaaliya labadaas shardi midna ma buuxin karto 100%, maadaama xaalkeeda amni iyo kan siyaasideedba uu marayo meel u dhaxeyso cirka iyo dhulka. Saas oo ay tahay waxey UDI-da bilowdey in digniin sharci kala noqosho ay usoo dirto dad badan oo soomaali ah, kuwaas oo magangalyada helay wixii ka horeeyay taariikhdaas. 

Arinta kale ee iyaga la yaabka leh ayaa ah in dadkaan sharciga magangalyadooda la qiimeynayo aysan ku imaan si koox ah ama group ah, balse uu nin walbe iskiis u yimid, isaga oo ay wado dan ama cabsi gooni ah. Hadana UDI-da waxey dadkan xaalkooda u qiimeyneysaa si wadar ahaaneed oo group ahaan ah.

Dadka Soomaaliya ka yimid ee codsadey sharciga magangalyada, xoogaa waqti ayey qaadaneysaa in laga soo jawaabo sharcigooda magangalyada, maadaama dib u qiimeyn lagu sameynayo sharcigooda magangalyada.

Sidoo kale waxaa qofka lagala noqon karaa sharciga dhalashada, hadii uu safar ku tagey wadankii uu sheegay inuu kasoo cararey. Tusaale ahaan hadii aad sheegtay inaad Soomaaliya uga soo carartey Al shabaab darteed, balse aad isla Soomaaliya booqasho ku tagtey waxyar kadib markii aad sharciga heshay. Waxaa su-aal la saarayaa asalka baahidaada magangalyo, taas oo keeni karta in sharciga magangalyada lagaa xayuubiyo.

Sidoo kale hadii aad xiriir la sameyso dowlada ama shaqsiyaad xiriir la leh dowlada, sharciga magangalyada waa lagaala noqon karaa. Waa hadii aad sheegatay oo magangalyo ku heshay, inaad kasoo carartey cabsi kaasoo wajahdey dowlada aad xiriirka la sameysay.

Maxaa sameyn karaa hadii ay arintan igu dhacdo?

Kow inta eysan UDI-du kaala noqon sharciga magangalyada, waxey kuu soo direysaa warqad digniin ah oo ku qorantahay in sharcigaaga magangalyada dib u qiimeyn lagu sameeyay, lana go-aansadey in lagaala noqdo. Waxaa lagu siinayaa mudo aad uga soo jawaabto warqada digniinta UDI-da, waxaadna xaq u leedahay inaad hesho xeeryaqaan bilaash ah(Gratis Advokathjelp).

Markii aad kasoo jawaabto warqada digniinta UDI-da, waxey UDI-du qiimeyn ku sameyn doontaa jawaabtaada, ayaga oo intaas kadib go-aan gaari doono. Go-aankaas oo noqon karo in la aqbalo jawaabtaada ama sharciga magangalyada dib lagaala noqdo.

Go-aanka UDI-da kadib, waxaad mar labaad xaq u leedahay inaad hesho xeeryaqaan lacag la-aan, adiga oo racfaan ka qaadan karo go-aanka UDI-da. Racfaankaas waxaa loo dirayaa hey-ada dib u eegista go-aanada UDI-da ee UNE, ayaga oo dib u qiimeyn ku sameyn doono in go-aanka UDI-da uu ahaa mid sax ah mise mid khaldan. Hadii ay UDI iyo UNE isku raacaan in go-aankaa uu ahaa mid saxan, waxaa halkaas kusoo xirmayo kiiskaada.

Laakiin waxaad wali xaq u leedahay inaad gudbiso dacwad maxkamadeed oo aad adiga qarashkeeda la baxeyso. Badanaa lacagta kirada garyaqaanada maxkamadu waa mid aad u qaali ah, weyna adagtahay in laga guuleysto go-aanka ay isku raacaan hay-adaha UNE iyo UDI.

 

-Gunaanad, la soco qeybta labaad ee warbixintan.

-Hadii aad qabto su aal qaas ah oo ku saabsan arimahan sharciyada, fadlan la xiriir hay-ada NOAS AMA TLF NR: 2236 5660

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz