tirsdag, april 23, 2024

Røde kors: 13% ama 30 milyan NOK oo kamid ah lacagta TV-aksjonen, waxaa loo qorsheeyay Somalia

Waxaa meel aad u sareyso mareyso howsha qabanqaabada ololaha TV-aksjonen ee sanadkan 2016. Lacagta kasoo xaroota ololaha ayaa sanadkan lagu wareejin doonaa hay-ada Bisha Cas, taas oo howlo gargaar iyo bini aadanimo kaga fulin doonto wadamo dhowr ah oo ay kamid tahay Somalia.

Wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Finansavisen ayaa sheegay in sanadkan la rajeynayo in ay ololahan kasoo xarooto lacag gaareyso 230 milyan NOK. Somalia ayaa sanadkan loo qorsheeyay iney hesho lacag dhan 30 milyan oo kamid ah 230-ka milyan ee la rajeynayo in lasoo uruuriyo sanadkan. 

Rødekors ayaa sheegtay iney lacagtan u adeegsan doonto iney howlo gar-gaar caafimaad ah ka fulinayaan gudaha wadankeenii Soomaaliya. Waxyaabaha ay magacaabeen iney ku qaban doonaan ayaa waxaa kamid ah: 1) Dhisida xarumo daryeel Caafimaad, maadaama adeega daryeelka ee Soomaaliya uu yahay mid aad u liito. 2) Xarumo lagu xanaaneeyo dadka kusoo dhaawacmo dagaalada. 3) In qoxootiga ku barakacey gudaha Soomaaliya loo sameeyo goobo caafimaad oo lagu dareelo iyo waliba in loo fududeeyo iney helaan biyo nadiif ah.

Wadamada kale ee loo qorsheeyay iney qeyb weyn ka helaan lacagta kasoo xarooto TV-aksjonen ayaa kala ah : Suuriya=38 milyan, Koonfurta Suudaan= 35 milyan, Myanmanr(Burma)=28 milyan, Afgaanistaan= 27 milyan, wadamada dhaca bartahama Afrika= 17 milyan. Sidoo kale qoxootiga reer Norway ayaa qeyb u yeelan doona lacag gaareyso 19 milyan.

Soomaalida reer Norway waxaa la gudboon iney doorka ugu muhiimsan ka qaataan ololeha Tv-aksjonen. Maalinta khamiista ah ee  barito, waxaa Norwey marti noogu ah madaxa hey-ada bisha cas ee Soomaaliya. Kulan looga hadlayo TV-aksjonen ayaa ka dhici doono xarunta bisha cas ee magaalada Oslo. Wixii macluumaad ah ee kulankaas ku saabsan halkan ka aqriso: Facebook

Xigasho/kilde: Finansavisen-papir avis( 19-october 2016, side 4)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x