fredag, april 19, 2024

(Qormo): Aniga kuma jiro saan u lahaa, ayaa ana la ii yimid: Naxwe Cigaal

Waxaa la sheegay in  masaajid uu soo galay nin mindi xaad ah daabka haysta , ninkan ayaa dalbanayay in loo geeyo imaamka ama cida masaajidka matasha. Dadkii oo baqdin iyo amakaak darteed uu afku isku xirmey, ayaa  farta hadal biday kuna fiiqay nin maantay lagu khasbay in dadka uu salaadda ka saaro. Ninkii oo ay layaab ku noqotay sida loogu heshiiyay, ayaa isna iska bari yeelay masuuliyaddan la galiyay, isagoo oo dhahaya anigu kuma jiro. Laakiin nasiib wanaag ninka mindida watay ma ahayn xumaan doon, ee  waxaa uu ahaa samaan doon. Waxa kaliya oo uu rabay in lagu caawiyo biraynta neef xoolaad qaab waafaqsan shareecadda.

Ujeedka sheekaddaan ayaa ah : yaa nahay ? Maxaase isku nahay?

Su’alahaan kama jawaabayo  balse su’aal kale ayaan ku waydiinayaa taas oo jawaabteeda aan gadaal kaa siin doono:

-Waxaa la yiri dad Somaliyeed oo  transit kusoo maray amaba lacag u dira wadamo dhawr ah ayaa  dhalashadii lagala noqday, waxaan iri kuma jiro anigu.

-Waxaa la yiri dadkii dhalashada haystay ayaa loogu qarayaa la idin ma yaqaan, waxaan iri kuma jiro.

-Waxaa la yiri dadkii dalbaday dhalashada, muddo aan xididnayn ayaa la iska haysanayaa jawaab la’aan dalabkoodii, waxaa iri kuma jiro.

-Waxaa la yiri dadkii sharciga aan lahayn ee  soomaalida ahaa ayaa kaamamka lagu gurayaa, kadibna xamar loo masaafurinayaa. Si ay u galaan muqdishana, damaanad ayay u baahanyihiin.  waxaan iri kuma jiro.

Haddaba su’ aasha aan ku waydiinayo akhristow  ayaa ah kumaan ahay?

Waxaa ahay muwaadin Somaliyeed oo haysta sharci kumeel gaar ah. Kuma fakarin kuwaad ku jirtay ayaa loo soo socdaa, laakiin maantay iyo xilagaan aan qorayo maqaalkaan aniga iyo 1600 oo isugu jira caruur haween iyo qaybaha kale ee bulshadeena ayaa boorsooyinka xiranayna. Anaga oo sii diyaarsan doona damiin askariga airporka muqdisho jooga naga damiinta in aan somaali nahay .
Walal kaad tahay ahow ku jir ama ha ku jirin  waan u simanahay Sylvi listhoug . 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x