Wasiirada maaliyada dowlada Norwey Siv Jensen ahna gudoomiyaha xisbiga FRP, ayaa maanta soo bandhigtey soo jeedinta miisaaniyad sanadeedka dowlada ee sanadka 2017.  Miisaaniyada ay dowladu soo bandhigtey ayaa waxaa ka muuqdo isbadalo badan oo ku saabsan xaga canshuurta iyo waliba dhaqaalaha shaqsiga. Waxaan halkan kusoo bandhigeynaa qaar kamid ah waxyaabaha saameynta ku yeelan karo dhaqaalaha qofka ama qoyska soomaaliga ah ee Norwey ku dhaqan:

  1. Frikort: Lacagta uu qofku shaqeysan karo sanadkii, iyada oo aan laga qaadin wax canshuur ah ayaa waxaa lagu kordhiyay 5000. Hada waxa uu qofku shaqeysan karaa sanadkii 50.000 isaga oo aan bixin canshuur, laakiin dowlada ayaa rabta inay wax xoogaa kor u qaado oo ka dhigto 55.000 sanadka 2017.

  2. Skatt: Dowlada ayaa hoos u dhigtey lacagta canshuurta ah uu bixiyo qofka shaqsiga ah iyo waliba shirkadaha. Siv Jensen ayaa sheegtay in canshuur dhimis loo sameyn doono ku dhawaad 97% dadka shaqeeyo. Xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeynayo dowlada inay u xaglineyso in dadka taajiriinta ah, maadaama dadka ugu badan ee faa-iidada ku qaba canshuur dhimista ay yihiin dadka ay soo gasho balaayiin kr sanadkii, halka canshuur dhimistu aysan qiimo weyn u sameyn doonin dadka shaqooyinka caadiga ah heysto oo ay soo gasho sanadkii lacag ka yar 500.000 kr. 

  3. Barnetrygd: Lacagta ay dowladu ku kabto dhaqaalaha qoysaska heysta caruurta kayar 18 sano ayaan waxbo laga badalin, iyada oo aad loo hadalhayey in dowladu ay isbadal ku sameyn doonto. Qoysaska heysta caruurta kayar 18 sano ayaa wali heli doonto lacagtii hore oo aheyd 970 kr bil walbe calaa ilmo, iyada oo isku noqon doonto 11 640 kr sanadkii.

  4. Kontantstøtte: Lacagta la siiyo waalidiinta heysta caruurta da´doodu u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, aana dhigan barnehagayaasha dowlada ay maamusho ayaan waxbo laga badalin. Lacagtan ayaa wali ah inteedii hore oo aheyd 6000 bishii calaa ilmo. Xisbiga Høyre ayaa dadaal weyn u galey sidii uu lacagtan u jari lahaa, laakiin waxaa muuqato inay dib uga noqdeen, maadaama xisbiyada intooda badan, gaar ahaan KRF iyo SV ay arintan si aad ah uga soo horjeedaan. Xisbiga Høyre ayaa sheegay in lacagtan ay guri fadhiid ka dhigtey haween badan oo ajaaniib ah, isla markaana ay curyaamisey jaaniska haweenka ajaaniibta ah ay uga qeybqaadan karaan suuqa shaqada. Sidoo kale waxay sheegeen in caruurta ajaaniibta aan la geynin barnehagaha xili hore, si ay usoo bartaan luuqada norwiijiga iyo dhaqanka guud ee mutjamaca. Waxaa xusid mudan in baarlamaanka Norwey dhawaan la horkeeni doonto sharci cusub oo ah ku saabsan in qofka(gaar haan qoxootiga wadanka ku cusub)aan lacagtan kontantstøtte la siinin, ilaa uu shan sano wadanka joogo.

  5. Lacagta dhalmada: Dowlada ayaa wax xoogaa kor u qaadey lacagta la siiyo haweenka uurka leh xiliga dhalmada, waxaana lagu darey 920 kr , iyada oo sidaas ku noqoneyso 46.920 kr.

  6. Lacagta Bostøttaha oo la kordhin doono: Dowlada ayaa sheegtay iney qorsheynayso in la kordhiyo lacagta lagu kabo dadka danyarta ee aan awoodin iney bixiyaan kirada guryaha. Qiimaha kirada guryaha gaarka loo leeyahay , gaar ahaan magaalada Oslo ayaa cirka isku shareertay sanadkii ugu danbeeyay, waxeyna dowladu sheegaysaa in lacagta la siiyo danyarta kor loo qaadayo si loogu jaangeeyo qiimaha kirada guryaha.

  7. Årsavgiften Bil: Canshuurta baabuurta: Waxaa canshuur dhimis lagu sameeyay canshuurta laga qaado baabuurta sanadkii, waxaana laga dhigi doonaa 2820 sanadkii, iyada oo hada ah 3135.

  8. Shidaalka baabuurta oo qaali noqon doono: Dowlada ayaa kordhisey canshuurta laga qaado shidaalka, taas oo la micno ah in shidaalka baabuurta uu qiimahiisu kor u kici doono.

  9. Lacagta isbaarada sharciyeysan(Bompenger):  Dowlada ayaa sheegtey inay qorsheynayso inay 10% hoos u dhigto lacag bomka baabuurta. Qiimo dhimistan lagu sameynayo lacagta bomka, ma khuseyso magaalooyinka waaweyn.

  10. Stipend og lån: Lacagta deynta ah ah ee la siiyo ardeyda jaamacadaha ayaa waxaa lagu kordhiyey 2600 sanadkii, balse dhan kale waxaa 0,35% kor loo kordhiyey lacagta ribada dulsaarka ah ee ardeyda laga qaado marka ay jaamacadaha dhameeyaan, oo ay lacagta deynta dib usoo gudayaan. Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in sanadka 2020 ay ardeyda jaamacadaha lacag heli doonaan 11 bilood sanadkii( waxaa lagu kordhiyey labada bilood ee fasaxa sommerka).

Dhamaan qodobada aan kor kusoo xusney ma ahan kuwo dhaqan galey oo la isku raacsanyahay. Inta aan la ansixin miisaaniyada dowlada, waxaa ka horeeyo hardan iyo dagaal xisbi walba oo u gali doono in ajandihiisa siyaasadeed uu uga dhex muuqdo miisaaniyada dowlada ee sanadka 2017.

Xigasho: Aftenposten, NRK, e24.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

1 kommentar/ Fikrad celin På "Miisaaniyad sanadeedka 2017: Wax ka ogow Saameynta ay dhaqaalahaaga ku yeelan karto"

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
Mohamed
Guest

Asc Bahda Norwsomnews.com Waad Salmantihiiin Marka Hore
Marka Labad Wll waxaaaan ArkaY Sharci Cusub Oo DhigaYa In Qofkii Singal Ah Ee ShaqeeYa Kalia Loo Ogol YahaY In Uu Hayso 8500 Oo Nolosha Oo Kalia Ah
Halka Famliga ShaqeeYa Kalia Iygana Loo Ogolaandoono 14500
Wixii Intaaa Dheer Ee Falmiga AMA Singalka Labaduba shaqeeyaaan Ay Sitoos aah Cashuur Dheere aah looga Qaaadayo
Markaaa Wlalayaaan Waxaa Aad Ka Ogtihiiin Sharciga Cusub Nala wadaaga
Mahadsanidiin

wpDiscuz