Sida la xuso soomaaligii ugu horeeyay ee Norwey yimaada, waxa uu dalkan soo caga dhigtay 1970-tameeyadii, waxaana xilligaasi wixi ka danbeeyay ay soomaalida norwey ugu soo qulquleysay hadba heer iyo xaalada markaasi la taaganyahay.

Soomaalida oo ah qawmiyada ugu badan qawmiyadaha ajaaniibta ah ee ka yimid wadamada loo yaqaan aduunka sadaxaad ee ka baxsan qaarada yurub ee ku nool wadankaan Norwey, iyadoo soomaalida ugu badani ay ku noolyihiin magaalada Oslo ee caasimadda Norwey, iyagoo lagu qiyaaso in ka badan 10 kun oo ruux.

Shirkii isdhaxgalka qaranka ee 2016 ka oo aan ka qeyb galay, waxaa soomaali ku aheyn afar ruux oo mid ka mid ahna uusan ka socon ururada soomaalida ama jaaliyadaha soomaalida ee reer Oslo, iyadoo aan ognahay in soomaalida ugu badan dalkan in ay ku noolyihiin Oslo. Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhaxgalka bulshada iyo wasaarada cadaalada, Waxaa inta badan tusaale fashilmay dhawr jeer loogu soo qaatay soomaalida iyo sida ay tahay xaalada xaafadaha Grønnland iyo Tøyen. tusaalayaashaan oo runtii aanan jecleysan oo aan dhawr jeer ku fakiray in aan shirka isaga tago maadaama sawirka qaldan ee la siyaasadeeyay ee soomaalida laga bixinayo uu ahaa mid la isugu diyaarinaayo doorashada baarlamaanka dalka ee sanadka soo socoto dhaceyso.

Waxaan nasiib u yeeshay in waqti lagu jiray bareega, in aan la kulmo wasiirada soo galootiga iyo isdhaxgalka ee dalka Norway Syvi Lysthaug, iyadoo ay na dhaxmartay dood gaaban. Doodaas oo ku saleysneed in soomaalidu ay yihiin bulsho u badan dad da’yar oo intooda badana ay yihiin dad waxbarta, shaqeysto, qeybna ka ah bulshada. Sidaas darteed aan loo baahneyn in dadka soomaaliyeed lagu raadisto codad, maadaama ay hal sano naga xigto doorashada baarlamaanka Norwey. Sidoo kale waxaan kaga mahad celiyay wasiirada in ay shirkan ku soo dartay sidii looga hadli lahaa la dagaallanka faqriga baahsan ee dalkan ka jira, kaa oo dadka ugu badan ee ku nool ay yihiin ajinabiga, qaasatan soomaalida.

Waxaa wax lagu farxo in dhallinyarada iyo ardayda ururka SSF in ay jawaab dagdag ah ka bixiyeen maqaalkii ku soo baxay VG, balse suaasha dad badani isweydiinayaan waxa ay tahay aaway boqolaalki jaaliyado iyo siyaasiyiinta soomaalida mataleysa Oslo? waa suaal u baahan in loo helo jawaab 10ka kun ee soomaalida ee Oslo dagan ku qanci karaan!

Hadaba maxaa keenay in ummad ka badan 10,000 oo qof in maalin waliba laga dhigo tusaale dhinaca xun?

 Waxaan filaya in aad igu raaci doontaan qodobadaan hoos ku qoran qeyba ka mida:-

* Iyadoo qolo waliba ay dhisatay jaaliyad aan la aqoon cida ay wax u qabato

* Qabiil iyo Qabyaalad

* Isku xirnaansho la’aan ka dhax jirta gudaha bulshada soomaalida ee Norwey\Oslo

* Iyadoo aan lala xisaabtamin siyaasiyiinta la doorto, loona doorto in ay bulshada matalaan.

* Iyadoo la isku taageero burburinta bulshada, la iskagana soo horjeesto horumarinta bulshada soomaalida ee Oslo.

Marka ay umad  weydo wax difaaco, waxaa fursadaasi ka faa’iideysta kuwa shilimaadka yar ka doorbida caayda bulshada sida Amaal Aden oo ku caan baxday wax ka sheega umadda soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan.

Hadaba sidee arrintaan wax looga qaban karaa?

Marka la doonayo mujtamac in la gaarsiiyo horumar, waxaa mudnaanta la siiyaa bulshada inta aqoonta leh iyo inta ku mashquulsan horumarinta danaha umadda. Qawmiyadaha horumarka ballaaran gaaray waxbaa laga bartaa, qawmiyada pakistaaniyiinta oo dalkan horumar ballaaran ka sameeyay waxa aynu kaga dayan karnaa meelo dhawr ah sida qaabka ay horumar ballaaran uga sameeyeen dhinaca siyaasada iyo isdhaxgalka bulshada. Waxaa aan aaminsanahay in la gaaray waqtigii dhallinayarada soomaaliyeed ay hormuud u noqon lahaayeen bulshada soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan. waxaa loo baahanyahay xaaladaha nuucaan oo kale waxa ay tahay dad fahamsan labada dhaqan, waxaana hubanti ah in Oslo ay daganyihiin dhallinyaro badan oo diyaar u ah in ay umadda hogaamiyaan, labada dhaqanna si fiican u wada heysta, hadaba maxaan ku talinayaa?

  1. In la helo isku xirnaansho umadeed, si wadajir loogu difaaco sharafta bulshada soomaaliyeed.
  2. In la helo hogaamiyaal dhallinyaro ah oo ka shaqeeyo danaha umadda.
  3. in la helo siyaasiyiin labada dhaqan si fiican u fahmi kara, taa oo macnaheedu yahay in booska loo banneeyo siyaasiyiinta dhallinyarada ee ka tirsan xizbiyada kala duwan si loo helo dhiig cusub oo ka soo dhax muuqda siyaasada Norwey.
  4. in la helo siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal dan umadeed ka maqantahay oo noqon kara buundo isku xirta dadka soomaaliyeed ee Oslo ku dhaqan iyo dawlada.

Gunaanudka hadalkayga waxaa ku soo koobayaa soomaaliyeey tashta oo ka tashta danihiinna iyo cidda idiin mataleyso fagaarayaasha siyaasada.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz