Listhaug oo lagu eedeeyay celinta qoxootiga soomaaliyeed, iyada oo norwiijiga looga digayo iney u safraan Soomaaliya

0
153

Ururka Al shabaab ayaa dhawaantan dib ula wareegay maamulka iyo gacan ku heynta degmooyin dhowr ah oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Al shabaab ayaa sidoo kale kujirto heegan buuxo, kaas oo ay rabaan iney kula wareegaan degmooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya, maadaama ay soo baxeen warar sheegayo in ciidamada Ethopia ay isaga bixi doonaan degmooyinkaas, dowlada Soomaaliyana aysan laheyn awood ciidan oo ay ku difaacdo deegaanadaas. 

Labo isbuuc kahor ayey aheyd markii dagaalyahano ka tirsan ururka al shabaab ay la wareegeen gacanta ku heysta degmada Afgooye oo 30 daqiiqo u jirto caasimada, iyaga oo magaalada maamulkeeda heystay saacado dhowr ah, kahor inta aysan ciidan dowlada Soomaaliya dib ugu riixin banaanka magaalada.

[adsenseyu2]

Iyada oo xaalka Soomaaliya uu halkaas marayo ayay dowlada Norway go-aansatey iney dib u qiimeyn ku sameyso sharciyada magangalyada dad soomaali ah oo gaarayo 1600, ayna ku jiraan dumar iyo caruur. Waxaana ay dowlada Norway sheegaysaa in xaalada amaan ee qeybo kamid ah koonfurta iyo bartahama Soomaaliya ay soo hagaagtey, gaar ahaana caasimada Muqdisho. 

Isla dowlada Norway ayaa mudaadineenteeda uga digeyso iney u safraan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama amniga goobahaas uusan aheyn mid la isku aamini karo.

Karin Andersen oo ah xildhibaan kamid ah baarlamaanka Norway, kana mid ah  xisbiga SV, ayaa ku eedeysay wasiirada arimaha soo galootiga Norway iney ayadu tahay qofka go-aamineyso wadanka nabad ah ama aan nabad aheyn. Waxey sheegtay in ay wax muuqdo tahay in fikradaha xisbiyada siyaasada qaarkood ay ka dhex muuqdaan go-aamada ay soo saarayaan heya-adaha UDI iyo UNE, iyada oo aan si dhab ah loo qiimeyneyn xaalada amni ee wadamada lagu sheegayo iney nabad yihiin.  

Xildhibaanadan ayaa sheegtay in baahida xisbiga FRP uu u qabo inuu noqdo mid adag oo laga cabsado, ay tahay arinta ugu weyn ee dabada ka riixeyso go-aanka, iyada oo loo qiimeynin siyaasada arimaha dibada ama amniga. Karin Andersen ayaa hadelkeeda raacisay iney aad ula yaabantahay in xisbiga (AP) uu arintan ilaa hada ka aamusanyahay, oo uusan wax hadal ah kasoo saarin. 

Ann-Magritt Austenå oo ah xogyahay guud ee ururka magangalyo-doonayaasha NOAS ayaa dhankeeda sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay tahay mid aan wali degeneyn, balse ay wax xoogaa kasoo yara roonaatey sidii ay ahaan jirtey sanadadii hore. NOAS ayaa sidoo kale sheegtay in ka biyo diidanyihiin go-aanka UDI-da ee dib u qiimeynta magangalyada qoxootiga soomaaliyeed, iyada oo aan la hubin meesha ay saldhigan doonto xaalada amni ee Soomaaliya. Ann-Magritt Åustena ayaa hadalkeeda raacisay in hadii al shabaab aysan Muqdisho maamulin, aysan micnaheeda aheyn iney magaalada banaanka ka joogaan, oo ay faraha kala baxeen.

Doorashada madaxtinimo oo soo dhow owgeed waxey al shabaab weerar isdaba joog ah ka geystaan caasimada Muqdisho, dhowr bilood kahor unbey aheyd markii ay weerar ka geysteen xarunta hey-ada Norsk Folkehjelp, halkaas oo ay ku dhaawaceen dhowr qof oo shaqaale ah. Ciidamada Ethopia oo Soomaaliya isaga baxayo owgeed, waxey al shabaab isku diyaarinayaan la wareegista maamulka magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxey ku haminayaan iney mar uun dib ula wareegaan caasimada.

Wargeyska Dagbladet ayaa isku dayey inuu jawaab ku saabsan arintan ka helo wasiirada arimaha soo galootiga Sylvi Listahuag, balse kama aysan soo jawaabin sida ay sheegeen. 

UDI-da oo ka jawaabeyso arintan, ayaa sheegtay in wasaarada arima soo galootiga iyo wasaarada amniga aysan faraha kula jirin ka shaqeynta kiisaska shaqsiyada ama qiimeynta ku saabsan in qof ajnabi ah lagu celiyo wadankiisa, tusaala ahaan Somaliya. Waxey sheegeen in qiimeynta ama go-aan gaarista ay tahay howsha UDI-da.

Andreas Skjøld-Lorange oo ah talo bixiye dhanka xiriirka ah oo ka tirsan UDI-da ayaa sheegay in aan la is barbar dhigi karin u digista wasaarada arimaha dibada ay uga digeyso muwaadinta norwiijiga iney u safraan Soomaaliya iyo qiimeynta qofka u baahan magangalyo.  Andreas ayaa sheegayo inaan labadaas arimood uusan wax xiriir ah ka dhaxeynin, aana la is garab dhigi karin. 

Therese-Bergwitz-Larsen waa talo bixiye kale oo katirsan UDI-da. Wargeyska Dagbladet oo arintan su-aal ka weydiiyey waxa uu ku jawaabey : Waa qalad in la isbarbar dhigo talooyinka guud ee safarka muwaadiniinta norwiijiga ah iyo dib u celinta muwaadiniinta u dhashey wadankaas. Wuxuu sheegay in go-aanka UDI-da uu salka ku hayo go-aanada laanta warbixin uruurinta ee Landinfo. Isaga oo sheegay inay heystaan qiimeyn ah in xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay wax badan dib usoo kabatey tan iyo 2011.

Waxaan qabnaa in isbadaalkaas uu u muuqdo mid degan oo waarayo, iyo in dad badan ay nabad u tahay iney dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho

Wuxuu hadalkiisa raaciyey iney ka warqabaan in al shabaab ay wali weeraro ka geystaan Soomaaliya, balse weeraradaas ay yihiin kuwo inta badan ku wajahan shaqsiyaadka u katirsan dowlada, wariyayaasha iyo dadka u shaqeeyo hay-adaha caalamiga ah.  Sidaas darteedna khatarka soo wijihi karta qofka shicibka caadiga ah ay tahay mid aad yar.

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments