Listhaug oo amaan ugu qubeysay Amal Aden

0
214

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug ayaa barteeda facebook soo dhigtey qoraal ay ku amaaneyso Amal Aden, iyada oo soo raacisey linkiga maqaalkii ay Amal shaley ku qortey wargeyska Dagbladet. Listhaug ayaa sheegtay in maqaalka Amal iyo tusaalooyinka ay soo qaadatey, ay cadeyn u yihiin iney jiraan dad aan rabin iney qeyb ka noqdaan mujtamaca Norwey. Isla markaana ay ayada saxsaneyd markii ay shaley ka hadleysay arintaas.

Mar kale ayaan aragnaa muhiimada ay leedahay in dooda noocan ah miiska la soo saaro, kuwa raba iney mar walbe ku hadlaan hadal aan xajiin laheyn, ha iigu yeeran waxa ay rabaan. Waxaan sii wadi doonaa soo bandhigada mowuucyada adag ee loo baahanyahay inaan ka hadalno. 

Listhaug ayaa ilaa daraad ku jirtey isdifaac, maadaama hadalkii ay talaadada sheegtay uu abuurey dood aad u balaaran. Waxeyna hada u egtahay mid itaal bideyso maqaalka Amal Aden, iyada oo ka marmarsiyooneysa in Amal ay ka warqabto waxyaabo eysan dadka kale ka warqabin. in ka badan 3000 oo qof ayaa Like saarey qoraalka Listhaug, halka ku dhawaad 200 oo qofna ay share dhaheen.

Waa nasiib xumo aad u weyn in wasiirad dhan oo dowlad katirsan ay qoraal noocan oo kale ah ay ka dhigato cadeyn ay u adeegsado ajandaheeda siyaasadeed. Wasiirad dhan oo qaabilsan isdhexgalka bulshada iney maqaal ay gabar dhoodhoobtey ay ku tilmaano mid xaqiiqada ka hadlaya, waa mid sawir fiican ka bixin kara fikirka siyaasadeed ee Sylvi.

Listhaug iyo qoraalkeeda + Amal Aden iyo maqaaladeeda, ayaa si weyn uga qeybqaadan karo naceybka loo qabo  dadka ajaaniibta ah ee Norwey ku cusub, gaar ahaana soomaalida.

Xigasho/kilde: Facebook/Sylvi Listhaug

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments