fredag, april 19, 2024

Listhaug: Norwey waxaan cunaa hilib doofaarka, waxaan cabnaa khamriga, indho shareerna ma xirano

Warkii hore waa soo dhaaf. Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dowlada Norwey, Sylvi Listhaug ayaa maanta ku dhawaaqdey hadal qabsadey dhamaan saxaafada Norwey, hadalkaas oo ahaa mid ay ugu duurxuleysay dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub. Listhaug ayaa barteeda facebooga soo dhigtey qoraal ay ku sheegeyso in dadka raba iney wadankan joogaan, ay ku qasbanyihiin iney qaataan ama la qabsadaan  dhaqanka iyo caadooyinka dadka norwiijiga ah. 

Halkan Norwey, waxaan ku cunaa hilib doofaarka, waxaana cabnaa khamriga, wajigeenana ma qarino(indhoshareer ma xirano). Waa inaad la qabsataa sharciyada, caadooyinka iyo dhaqamada Norwey, hadaad halkan timaadey. 

[adsenseyu2]

Qoraalka Listhaug ay kusoo daabacdey barteeda facebooga ayaa kusoo aadey saacado kahor inta uusan furmin shir qarameedka guud ee isdhexgalka, kaas  ku saabsan sidii dadka wadanka ku cusub loo dhexgelin lahaa bulshada inteeda kale. Waxaana shirkaas shirgudoominayey Reysulwasaare Erna Solberg

Hadalka Listhaug ayaa abuurey dood badan, iyada oo dad badan ay Listhaug ku eedeeyeen iney rabto iney dadka ku qasabto iney khamriga cabaan, hilib doofaarkana cunaan. Listhaug ayaa iska difaacdey eedeymahaas, iyada oo sheegtey in hadalkeeda si khaldan loo fasirtey. Waxeyna sheegtey in qoraalkeeda ay uga dan laheyd in dadka wadanka ku cusub xusuusiso iney joogaan wadan cusub, kaas oo leh dhaqan, caadooyin iyo sharciyo ka duwan koodii ay ka yimaadeen, isla markaana ay ku qasbanyihiin iney la qabsadaan.

Listhaug ayaa sheegtey in muhiimada ugu weyn ay tahay in dadka wadanka ku cusub ay nolosheeda iyagu maareeyeen, oo  ayshaqeystaan. Si taas loo helena ay waajib tahay iney xil iska saaraan sidii ay shaqo ku heli lahaayeen. Waxaa jirto in dadka qaarkiis ay diidaan shaqooyinka ay soo dhexgalayaan khamriga iyo doofaarka, sidaas darteedna ku hoos noolaado gacanta dowlada. Ama dad indho shareer dartiis shaqooyin ku waayo.

Erna Solberg ayaa ka daba qaadatey hadalka Sylvi Listhaug, iyada oo sheegtay in hadii aad qabtid indhoshareer ay adagtahay inaad shaqo ku heshid inta badan goobaha shaqooyinka Norwey. Waxey tusaale usoo qaadatey ineysan suurtogal aheyn inaad shaqo ka hesho xafiiska reysulwasaaraha, hadii aad indho shareer qabtid.

Madaxa hey-ada la dagaalanka midabtakoorka(Antirasistisk senter) Rune Berglund, ayaa sheegay in hadalka Listhaug uusan aheyn mid ka turjumayo sababta rasmiga ah ee qoxootiga iyo ajaaniibtu eysan shaqooyinka ku helin. Rune ayaa sheegay in dad badan oo ajaaniib ah aan looga soo jawaabin codsiyadooda shaqada, hadiiba magacooda uu u ekaado mid ajnabi.  Wuxuu raaciyey in wasiiradii dhameyd ee loo xilsaarey in ay arintaas xal ka gaarto ay iyadii qeyb ka noqotey dhibtii jirtey, intii ay xal keeni laheyd. Wuxuuna sheegay in indhoshareerka uusan aheyn dhibaato weyn oo maanta la buun-buuniyo.

Waligey ma maqal qof shaqo raadsadey isaga oo indho shareer qabo, balse waxaan maqley dad badan oo codsiyada shaqooyinka aan looga jawaabin, magacooda dartiis. Dowladu ma ahan iney dhib aan jirin abuurto, ee waa iney xalisaa dhibta rasmiga ah ee hada jirto.

Dadka qaarkiis ayaa aaminsan in hadalada Listhaug ay yihiin kuwo qorsheysan oo dan laga leeyahay. Xisbiga FRP ayaa lumiyey taageerayaal badan, kadib markii ay soo saareen miisaaniyada dowlada sanadka 2016/2017, sidaas darteed waxey loolan adag ugu jiraan sidii ay taageerayaal cusub ku heli lahaayeen, ayaga oo si fiican u isticmaalayo sheekada ajaaniibta oo ah mida kaliya ee maanta iyaga u gadmi karto, maadaama meelihii kale oo dhan ay soo xirxirmeen.

Xigasho/kilde: VG, Aftenposten, NRK, Dagbladet.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x