torsdag, mars 28, 2024

Idaacada VOA oo mar kale wareysi ka qaaday Axmed Cali Ashkir.

Idaacada codka mareykanka ee VOA-da, laanteeda afka soomaaliga ayaa idaacadii subaxnimo ee maanta ku wareysatay Axmed Cali Ashkir oo kamid ah dadkii soomaalida ahaa ee dhawaantan laga tarxiiley Norwey. Wareysiga Axmed ayaa wax badan u eg kii ay warbaahinta NorSom News la yeelatay labo maalmood kahor, balse waxaan mar kale wareysiga VOA-da u daabaceynaa si dadka eysan wali ka dhaadhicin arintan, ay mar kale dhagahooda u maqlaan.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Axmed Cali Ashkir iyo VOA-da.

[adsenseyu1]

Ilaa maalintii daraad aheyd, waxaa nasoo gaaray fariimo boqolaal gaarayo oo ka imaanayo dad kala duwan, kuwaas oo wax naga weydiinayay arimaha dadka la celiyay. Dadka nala soo xiriirey intooda badan waxay ahaayeen dad dhibaatooyin xaga sharciga ah ay heystaan, kuwaas oo raadinayo macluumaad iyo faah-faahin ka baxsan wararka aan soo daabacno. Waan dareensanahay in arintan ay leedahay wel-wel iyo walaac aad u weyn, balse saaxiibayaal idinma siin karno telefoonada iyo macluumaadka dadka wadanka laga tarxiiley, ama dadka kale ee aan warka kasoo xiganeyno, hadii aysan ayagu raali ka aheyn in telefoonkooda ama macluumaadkooda la siiyo qof kale oo aysan aqoon. Waxaan rejeyneynaa inaad arintaas fahantaan, wixii war ah oo soo kordhana halkan ayaan soo galin doonaa.

Dadka nasoo wacey qaarkood(gaar ahaan haweeney caan ka ah Oslo iyo agagaarkeeda, marna isku soo taagtey doorashada golaha deegaanka Oslo) ayaa nagu tilmaamey inaan nahey beenaalayaal sumcada ka dilayo madaxda Airportka Aden Cade, halka qaar kalena ay nagu eedeeyeen inaan arintan ka neelahay arimo siyaasadeed oo la xiriira doorashada dhawaan ka dhaceyso wadankeenii. Waan dareensanahay in ay jiraan dad asxaabtiina ah ama qaraabadiina ah oo ka shaqeeyo ama maamula xarumaha dowlada  ee lugta ku lahaan karo arintan la xiriirta dadka la tarxiilayo, sidaas darteedna ay jiri karto caadifad ama dareen xoogan oo aad ka qaadeen wararka iyo wareysiyada aan soo daabaceyno. Balse waxaan kaliya oo aan masuul ka nahay waxa aan qorno, sidii aan u fasiraneysaana waa xagiina. NorSom News waa warbaahin lokal ah oo ka waranda dhacdooyinka kusoo kordha jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, arimaha ku leh Soomaaliya iyo siyaasadeeda la xiriiro wax kama qorno. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x