Hadaad adigu norwiijinimo rabto oo aad jeceshahay, ana soomaalinimo ii ogolow.

Waxaa aad usoo badanayo dhalinyarada soomaalida ah ee guursata ajaaniibta aan soomaalida aheyn, gabdho iyo wiilalba. Waxaa muuqato in bulshadeena aysan sifiican ugu qanacsaneyn arintaas, ayaga oo tilmaamayo in laga dhexli karo dhaqan guur iyo cawaaqib fool xun oo soo wajahda dhaqanka iyo magaca soomaalida.

Dhibta ugu badan waxay heysataa gabdhaha soomaalida ah ee guursada raga ajaaniibta ah, wiilasha ayagu dhib saas u weyn ma qabaan. Waxaaba dhacda iney mararka qaarkood ku faanaan iney qabaan xaasas cadaan ah oo u dhaley caruur cad-cad oo qurux badan. Caruurtii ay hooyadood ajnebi tahay, aabahoodna soomaali, shaki lama saaro soomaalinadooda. Laakiin kuwa ay hooyadood soomaali tahay , aabahoodna uu ajnabi yahay, bulshadeenu uma ogala soomaalinimo, ma aqaan ma dhaqankeenii sidaas ah, mise waxaa nagu cusub ajnabiga la guursado.

Hadaba waxaa warbaahinya NorSom News xiriir lasoo sameysay gabar hooyadeed ay soomaali tahay, aabaheedna uu yahay Morookaan. Waxay noo soo dirtey qoraal e-mail oo af norwiiji ku qoran, ayada oo naga codsatey inaan turjuno una gudbino soomaalida reer Norwey. Gabadhan oo magaceeda aan kusoo gaabineyno Sara ama Sahro(af soomaali haan) ayaa sheegtay iney fasaxii sommerkan lasoo dhaafey, ay safar qaraabo salaan ah ku aadey Somaliland, gaar ahaana magaalada Hargeysa oo ay deganyihiin qoyska hooyadeed.

[adsenseyu2]

Waxaa la ii soo dhaweeyay si fiican oo ay ku dheehantahay kalgaceyl iyo marxabeyn. Mudo 33 cisho ah oo aan halkaas joogey, waxay maalin walbe ii aheyd ciid cusub. Reerka hooyadey waxay ii muujiyeen jaceyl aan marnaba qoraal kusoo goobi karin. Waxaa la isku dagaalayey gabadha caawa anaga nala joogto iyo mayee anaga ayaa xaq u leh iney nala dhaxdo habeen kale. Markaan soo tagayey, waxaan watey 5 boorso ay ka buuxsaan hadiyado ay qaraabada hooyadey isoo siiyeen.

Intaas kuma eka sheekadeyda. Aniga waxaan dhashey sanadkii 1994, hooyadey iyo aabahey waxay isguursadeen iyaga oo aad u dhalinyaro ah, iskumana raagin oo aniga oo sanad jiro ayay kala tageen. Hooyadey iyo caruur aan walaalo nahey oo aabahood uu soomaali yahay ayaan isku meel ku korney. Ku hadalka af soomaaliga sifiican uma aqaan, balse waan fahmaa inta badan marka aan maqlayo soomaali sheekeysaneyso. Caruurta aan walaalaha nahey ayaga laftirkooda ima dhaamaan, balse waxay iiga yara fiicanyihiin ku hadalka ama af-celinta soomaaliga. Midabkeyga xoogaa waa ka yara cadyahay midabka maariinka soomaalida, oo qofkii aan i aqoonin wuxuu ii maleynayaa inaan ahay Laatiin(hispanic).

Inkasta oo hooyadey ay soomaali tahay, aana kusoo korey guri soomaaliyeed, aana lasoo korey caruur aan walaalo nahey oo soomaali ah, hadana waxaa muuqato in aan wali soomaalinimo la ii ogoleyn. Waxaana dareemaa in inta badan la iigu yareeyo moraakaaniyad. Xitaa waxaan soo dhigtey dugsi quraan(malcaamad) uu macalin soomaali ah uu dhigo, ardeyda iyo macalinkuba waxay iigu yeeri jireen marookaaniyad.

Waagii aan yaraa waxaa i gashey xoogaa cuqdad nafsi ah, maadaama aan mar walbe ka dhex tilmaanaa dadka aan lasoo korey. Saaxiibadeydu intooda badan waa soomaali, sidaas darteed waxaan necbaa in mar walbe si gaar ah aniga la ii tilmaamo marka aan joogo guryaha gabdhaha aan saaxiibada nahay. Anigu waxaan isku heystaa soomaali, sababtoo ah nolosheydu min bilow ilaa hada oo aan 22 sano jiro, waxey ku gidaarneyd dad soomaali ah.

Qaraabada hooyadey ee aan Somaliland kula soo kulmey si kal iyo laab ah ayay iisoo dhaweeyeen, ayaga oo i sameeyay wax walbe oo ay ku kasban kareyn kalsoonideyda. Waxay ii muujiyeen xiisaha iyo jaceylka ay uqabeen iney mar-uun i arkaan. Qaarkood ayaa iga codsadey inaan usoo guuro, si aan ayaga uga soo ag dhawaado.

Caruurta aan walaalaha nahey, waxay ka maseyrsanaayeen soo dhaweynta gaarka ah ee aniga la ii sameeyay, balse ana waxaan ka maserysanaa in wali aysan qaraabadeydu iigu yeereyn soomaali, halka ayagana aan su-aal la saarin soomaalinadooda. Qoyska hooyadey iyo dhamaan soomaalidii kale ee aan kula kulmey Somaliland, waxay iigu yeerayeen gabadhii aan dhalney ee carabiyada aheyd. Xumaan kama ahan ee waa dhaqan, waxaan u maleynayaa iney yaryihiin dadka da´deyda oo kale jiro oo hooyadeed ay soomaali tahay, aabahoodna ajnabi.

Inta aanan aan Somaliland u safrin kahor, waxaa Norwey ka socotey dood aad u balaaran oo ka dhalatey kadib markii dowlada Norway ay soo saartey go-aan ah in passportka soomaalida iyo ajaanib kaleba loogu qoro Ukjent(lama yaqaan). Waxaa ka dhalatey dood badan, maadaama shaki la galiyey asalka iyo norwiijinimada dadyow ay soomaalidu ka mid yihiin. Waxaan maqlayey soomaali badan oo leh in Norwey ay tahay dowlad cunsuri ah, maadaama ay norwiijimada u diidantahay ajaaniibta. Ogow dadka saas dhahayo, Norwey kuma dhalan ee waxay imaadeen ayaga oo waaweyn. Hadana ma ogola in shaki iyo muran la galiyo norwiijimadooda, oo waxey rabaan in loola dhaqmo si cadaalad ah, oo aan dadka laga takoorin.

Waxaa halkaas iiga muuqatey laba wajiileynta dadkeyga soomaaliyeed. Haa,Waxaan dhahayaa dadkeyga, sababtoo ah waxaan isku heystaa inaan soomaali ahey. Waxaan isku heystaa kaliya ma ahan, ee waxaan ahay soomaali. Aniga oo 22 sano guri soomaaliyeed ku noolaa, hooyadeyna ay soomaali tahay ayaan wali la ii ogoleyn in soomaali la iigu yeero. Horta soomaalinimadu maxaa weeye, qofkeese soomaali ah?. Soomaalinimadu ma dhaqanbaa, ma diibnaa, ma dhalashaa, ma dhiigbaa mise waa magac loogu yeero dad gaar ah oo leh sifooyin gaar ah. Hadii aniga iyo dadka nooceyga oo kale soomaalinimo loo diidanyahay, adinku maxaad norwiijinimo isugu dhajineysaa, maad soomaalinimadiina ku ekaatiin?

Waxaan qoraalkan idiinku soo direy si soomaalida Norwey ay u ogaadaan in dhibta iyo inkiraada ay ka daayaan ilmaha ay gabdhahoodu dhalaan. Wax ka xun majirto in dadkii dad kuugu xigey aysan kuu ogoleyn inaad ayaga lamid noqoto, oo ay kuu arkaan Ajnabi shisheeye ah. Aniga xanuunkii aan soo marey iyo cuqdadii aan qaadey markii aan yaraa, hada waa iga baxeen maadaama safarkeygii Somaliland aan kasoo bartey in reer abtigey aysan i necbeyn, balse ay ka tahay dhaqan iyo caado soo jireen ah. Hadey i necebyihiin miyey isoo dhaweyn lahaayeen oo waxaas oo qarash ah igu bixin lahaayeen marka koreba?

Markasta oo aan arko gabadh soomaali ah oo heysato caruur ajnebi ah, waxaan isku dayaa inaan siiyo talooyin ku saabsan sida ay u ilaalin laheyd dareenka ilmahooda, maadaama ay soomaali ku dhex kori doonaan.

[adsenseyu2]

1
legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
1 Comment threads
0 Thread replies
0 Followers
 
Most reacted comment
Hottest comment thread
1 Comment authors
Ismail Recent comment authors

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
newest oldest most voted
Notify of
Ismail
Guest
Ismail

walshay waxba lagama haleynin sharci ahaan iyo dhaqan ahaanba diinteyna suuban waxa na fareysa in qofka nasabkiisa loogu yeero mana qadan kartid magaca hooyada ma xaqa alle ku siyay aadan ku qanacsaneyn mida kale (Ukjent) somalidu kama cawaneyso in loo diiday norweginimo ee waxaa la dafirayaa degaan ahaa qofka meesha uu ku dhashay 1000 pass norweji hadii lagu siyo xitaa kuma noqoneysid norweyji waliga waxad ahanee waxad asal ahaan u aheyd ku faraxsanow jinsiya iyo meshad kasoo jeedid mahadsanid