Denmark: 1200 qof oo soomaali oo qarka u saaran in sharciga laga noqdo, soomaaliyana lagu celiyo.

0
79
Wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Dowlada Denmark, laanteeda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga ayaa soo saartey go-aan cusub oo ku sheegayso iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciga magangalyada dadka soomaali ah oo tiro ahaan gaarayo 1200. 

Dadkan oo sharciga magangalyada lagala noqonayo, ayaa waxaa kamid ah qaar wadanka degenaa 10 sano, iyaga oo ku dhaley caruur, halka qaarkoodna ay wadanka si fast ah uga shaqeynayeen.

Dowlada Denmark ayaa go-aankan ku micneysay, in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo fiicnaatey, sidaas darteedna aysan jirin sabab keenayso in dadkan loo cusbooneysiiyo sharciga magangalyada. Khatarta ururka Al shabaab oo aheyd sababta ugu weyn oo dadkan intooda badan ay ku heleen sharciga magangalyada, ayay Laanta socdaalka ee Denmark ay sheegtay iney meesha ka baxdey. Iyada oo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ay hada gacanta ku heyso inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ururkaas. 

Mid kamid ah soomaalida Denmark oo aan xiriir la sameynay ayaa noo xaqiijiyay iney jiraan dad mar hore loo soo direy warqadaha digniinta kala noqoshada sharciga magangalyada, iyada oo la siiyey mudo gaaban oo ay kaga soo jawaabaan digniintaas.

Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Denmark ayaa sheegeyo in dowlada federaalka ay arinta wax ka ogtahay, maadaama ay wadankaas dhowr mar booqasho ku tageen wasiiro ka socdo dowlada Soomaaliya iyo waliba madaxii hore ee laanta socdaalka ee Soomaaliya  General Abdullahi Gaafow. Sidoo waxaa isbuuc kahor wadankaas socdaal shaqo ku yimid safiirka Soomaaliya u qaabilsan EU, Ambassador Ali Said Fiqi.

Dowlada Denmark ayaa bishii 7-aad ee sanadkan jartey lacagtii la siin jirey dadka qoxootiga ah, iyada oo sidoo kalena sameysay kaamam korka ka xiran oo u sameysan qaab xabsiyeed.

Isku soo wada duuboo, waxaad moodaa in dowlada Denmark ay qaadey wadadii dowlada Norwey, balse arinta ay ku kala duwanyihiin ayaa ah in Denmark uu sharcigan cusub saameyn ku yeelan doono dad wadanka degenaa mudo 10 sano gaareyso.

 

Xigasho/kilde: DR.DK 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments