fredag, mars 29, 2024

Asad Qasim: Waalidiinta ajnabiga ahow , Qof walbe ma noqon karo Ingineer iyo dhakhtar

Waxaan marar badan maqlaa in dhalinyaro badan oo ajaaniib ah, dhigtana dugsiyada sare iyo dugisyada hoose-dhexe ay heystaan labo doorasho oo kali ah marka laga hadlayo waxbarashada, waana dhakhtar iyo ingineer. Kadib markii aan shaqadeyda macalinimo iyo meelo kaleba aan kula kulmey dhalinyaro badan oo arintan ku fakarayo, waxaan ku fakaray bal inaan arintan u kuur-galo, aniga oo xooga saarayo waalidiinta.

Waalidiin badan oo ajaaniib ah waxay waxbarashada ka heystaan fikir ciriiri ah oo aan waasac aheyn. Intooda badan waxay aaminsanyihiin inay muhiim tahay in caruurta ay wada noqdaan ingineer iyo dhakhtar si ay mustaqbal fiican uga helaan gudaha Norwey iyo meelaha kaleba. Laakiin xaqiiqadu waxay ay tahay in dadka oo dhan aysan wada wada noqon karin Ingineer iyo dhakhtar.

Ka macalin ahaan iyo waliba aabe ahaanba, waligey ilmaheyga cadaadis kuma saareen iney noqdaan wax aysan ayagu xiiso u haynin. Caruurtu waa iney ikhtiyaar u helaan iney doortaa waxbarashada ay ayagu xiiseynayaan, oo aysan dooran waxbarashada ay waalidku ilmahooda u rabaan. Ogow ma ahan waalidka ee waa ilmaha waxa la noolaan doono doorashada waxbarasho ee uu qaato. Waxbarashadu waa arin shaqsiyeed, horey ayaana anigu usoo dareemay xanuunka ay leedahay in lagu cadaadiyo inaad noqoto wax aadan xiiso u heynin.

Dhalinyaroow, waxaad noqon kartaan waxa aad rabtiin. Dhalinyarada ajaaniibta ahow, waxaa ikhtiyaar u leedahiin inaad noqotaan waxa aad adigu rabtin inaad idinku noqotaan. Adiga ayaa xilka ugu weyn uu kaa saaranyahay inaad qorsheyso aayaha mustaqbalkaaga u qorsheyso sida aad adiga rabto. Waalidku uma talo taas.

Waxaad noqon kartaa farsamo-yaqaanka tuubooyinka(Rørlegger), korontiiste(elektriker) iyo wax walbe oo aad rabto inaad noqoto. Khasab ma ahan inaad noqoto ingineer iyo dhakhtar.

Markii aad doorato wax aad xiiso u heyso oo aan lagugu qasbin, waxaa kuu fududaaneyso inaad dhameystirto waxbarashada. Nasiib daro dhalinyaro badan oo ajaaniib ah waxay ka  dhacaan iskuulada, sababtoo waxaa la saarey cadaadis nasiib daro ah. Waxaa cad in dhalinyaro badan oo ajaaniib ah ay iskuulada ka dhacaan, sababtoo ah ah waxay waxbarashadu ku noqotaa wax ka duwan wixii ay filanayeen.

Waxaan la hadley dhalinyaro qarka u saaran iney iskuulka ka dhacaan, sababtoo ah waxay waxbasharada ka aaminsanyihiin wax lagu caajiso oo adag. Markaan weydiiyo sababto ku kaliftey iney doortaan waxbarasho ku adagna, waxay farta ku fiiqaan waalidka.

Fariintan waxay ku socotaa waalidiinta. Waalidiinoow, ilmaha ikhtiyaar u siiya inuu doorto waxbarashada uu asagu rabo, kuna qadariya doorashadiisa waxbarasho, si kasta oo waxbarashadaas aysan magac fiican ugu dhexlaheyn bulshada aad la nooshahay. Waalidka ajaaniibtu waxay badanaa ka fakaraan waxyaalaha sumcada fiican ku dhex-leh bulshadooda. Waxay mashquul kuyihiin in ilmahooda uu sumcad wanaagsan ku dhexyeesho bulshada. In mar walbe sumcada waxbarashada laga fakaro muhii miyaa?. Jawaabtu waa maya.

Hadii uu ilmuhu doorto waxbarasho uu jecelyahay, waalidkuna uu taageero ku siiyo, waxaa ilmaha u fududaaneyso inuu waxbarashadaas uu dhameysto, hadhowna uu ku faraxsanaado xirfadiisa shaqo ee waxbarashadaas ka helo.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x