(Dhageyso): Ambassador Fiqi: Dowlada soomaaliya awood uma lahan iney hor istaagto soomaalida qaarada yurub laga tarxiilayo

0
127

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aysan horistaagi karin rabitaanka ay dowladaha yurub qaarkood rabaan inay dib u celiyaan qoxootiga soomaaliyeed, ee aan sharciga ku laheyn wadamadaas.

Fiqi oo wareysi siinayay idaacada codka mareykanka ee VOA, qaybteeda afka soomaaliga ayaa sheegay in ka qaanuun ahaan aysan dowlada soomaaliya diidi karin in muwaadiniinta u dhashey dalkeeda dib loogu soo celiyo wadankeeda, hadii wadamada yurub ay go-aansadaan iney dib u celiyaan. Wuxuuna tusaale usoo qaatey in hadii dowlada Soomaaliya ay damacdo iney muwaadin ajnabi ay ka tarxiisho Soomaaliya, aysan ogolaansho ugu baahneen wadanka qofkaas uu u dhashey, ee loo tarxiilayo. 

Ambassadorka ayaa dhankiisa iska fogeeyay in safaarada Soomaaliya ee EU-du ay bixisey ogolaansho dad soomaali ah dib loogulagu celin karo wadankii. Balse wuxuu sheegay inay hada jiraan dowlado qaarada yurub katirsan oo si xatooyo ah dad ugu tarxiilo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamey in jiriraan ififaalo muuqdo oo sheegayo in dadka khasabka loogu tarxiilayo Soomaaliya ay sii kordhi doonaan sanadada soo socdo, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dowlada Soomaaliya iyo dowladaha dadka tarxiilayo ay isla meel dhigaan qorshe iyo nidaam arintan lagu fulin karo, taas oo sahleyso in muwaadinka la tarxiilayo loo eego wixii dantiisa kujirto.

Hadalka Ambassador Fiqi ayaa u eg nin waxbadan og, balse diblomaasiyad ahaan af gobaadsanayo.

Halkan ka dhageyso wareysiga Ambassadorka iyo ridwaan Xaaji Cabdi (VOA):

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments