torsdag, april 25, 2024

Nav: Soomaalida waxey maanta joogaan heerkii veitnamka shaley

Waxaa wali aad loo hadalhayaa maqaalkii ay 2 maalin kahor Amal Aden kusoo daabacdey Wargeyska Dagbladet. Maqaalkaas oo ay Amal ku sheegtay iney jiraan haween soomaali ah oo aan rabin iney suuqa shaqada wadanka kamid qeybqaataan sababo diin la xiriira owgood.. Halkan ka akhri maqaalkeeda.

Anita Mølmesdal Sivertsen oo ah madaxa xafiiska shaqada NAV ayaa wargeyska Dagbladet u sheegtay inay aad yaryihiin dadka arimo diin la xiriiro u diido shaqooyinka loo soo bandhigo, sidaas darteedna aysan aheyn dhibaato weyn oo u baahan in la xaliyo. Balse waxey xaqiijisey iney jiraan dad shaqooyinka praksiska loo soo bandhigo u diido arimo la xiriir  dhaqan, diin ama siyaasad.

Sidoo kale waxey sheegtay in sharciga NAV uu dhigayo in qofka laga jaro lacagta Dagpengerka, hadii uu diido shaqo loo soo bandhigey sababo noocaas oo kale ah.

Anita ayaa sheegtay in dumarka islaamka ay si fiican uga qeybqaataan suuqa shaqada, balse ay jiraan dumar badan oo muslimiin ah oo aan shaqeynin. Tusaale waxey usoo qaadatey dumarka Soomaalida oo ay sheegtay iney yartahay inta shaqeysa, marka la barbardhigo haweenka ka yimid wadamada dariska la ah Soomaaliya ee aan muslimka aheyn. Ma garan karno saameynta diinta ee suuqa shaqada, balse dumarka dumarka soomaalida intooda badan wadanka ayay  ku cusubyihiin. 

Soomaalida waxaa badanaa lagu sheegaa iney yihiin qowmiyad ay adagtahay in dadka lasoo dhexgaliyo. Laakiin anigu waxaan qabaa in sawirka qaldan ee ka qeybqaadashada suuqa shaqada ee soomaalida laga bixinayo, uu yahay kii 1990-yadii laga bixin jirey qowmiyada Vietnamka. Maanta Veitnamku waxey qeyb muhiim ah ka yihiin suuqa shaqada. Ma hayo sabab sheegeyso in xaalka shaqada uu sidaan sii ahaan doono mustaqbalka.

 

Xigasho/kilde: Dagbladet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x