onsdag, mars 27, 2024

Aisho: Hooyooyinka soomaaliyeed fadhiga haka kacaan oo ha shaqeystaan

Aisha Ali Mohamed waa mid kamid ah gabdhihii ugu horeeyay oo somaali ah, ee Busska gaadiidka dadweynaha ku dhex wada magaalada Oslo. Waana Hooyo kaligeed ah oo heysato sadex caruur ah. Aisho waxay sheegtay iney dadka soomaaliyeed qaarkood ay kula kulanto dhaleeceyn iyo cay, marka ay arkaan iyada oo xiran surwaalka shaqada. Dhanka kelana ay dhaleeceyn kala kulanto norwiijiga, marka ay arkaan iyada oo xiran xijaabka, busna wado. Laakiin dhaleeceymahaas Aisha kama aysan horistaagin iney sii badato shaqadeeda darawalnimo ee busska. 

[adsenseyu2]

 

Aisha waxay tusaale fiican u noqotay haween badan oo soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhiiradey iney leysinka darawalnimo ee buska qaataan, kadib markii ay arkeen Caisho oo wado busska. Gaar ahaan magaalada Oslo, oo ah meesha ay soomaalida ugu badan wadanka deganyihiin.

Hooyadan soomaaliyeed ayaa sheegtay iney ku dhex nooshahay laba dhaqan oo kala duwan, labada dhinacna ay kala kulanto dhaleeceyn. Dhaqanka soomaali ahaan hadii loo fiiiriyo,: Waxey soomaalidu ku mashquulsanyihiin surweelka ay xirantahay iyo shaqa rageedka ay ka shaqeyso. Waxeyna isweydiinayaan, tolow mey gurigooda joogto oo sadexdooda ilmood korsoto.

Dhanka kalena, markey Norwiijigu arkaan gabar madow oo busska wado, xijaabna xiran, waxey isweydiinayaan tolow amey kamid tirsantahay islaamka xagjirka oo ay isqarxin rabtaa. 

Aad ayey u adagtahay inaan mar walbe bulshada u sharaxo in shaqadan ay tahay mid aan anigu doortey

Aisha waxay sheegteyiney ku kortay magaalo madaxda Mogdishu, yareenteedina ay aad uga fakari jirtay mustaqbalkeeda xirfadeed waxuu noqon doonto. Markii ay timid wadanka Norway 2002, waxay kusoo dagtey magaalada Fauske ee gobolka Nordland iyada iyo qoyskeeda. Dadaal dheer ayay markiiba u gashey sidii ay Cv (Sii vii ) geeda ay u wanaajin lahayd. Waxay ka mid noqotay urrurka haweenka , halkasna luuqada ayay safican ugu baratay abo sano gudahood.

Waxey qaadatey leysinka darawalnimada baabuurta caadiga ah, Kadibna waxay bilowdey inay ka shaqayso shaqooyin kala duwan, sida macalin luuqada somaliga ka caawiyo iskuulada, inay sidoo kale ka shaqayso, xanaanada caruurta, kalkaaliya caafimaad, iyo turjubaan luuqada somaaliga ah.

Aisho waxey sheegtay in mararka qaar ay la kulantaa caqabado iyo erayo iyada lagu liidaayo ama wax looga sheegayo shaqadeeda. Ma fogayn markey la kulantay haweenay Norwajiyaan ah oo inta u soo dhawaatay ku tiri. ‘’Kursigaan ma ahayn inad adigaas ku fariisato’’ iyo erayo kale oo ay ka mid yahiin ‘’Maxad ka qabanaysaa meshan ,xagee ku baratay darawalnimada’’

Xitaa markii ay qaadey leysanka bussska waxay bilowdey inay codsato shaqooyin. Jawabta ay heshaa waxay  badanaa noqon jirtey ‘’diidmo’’. Caqabadaha ugu badan ee ay la kulantay waxaa ka mid ahaa xirashada xijaabka.. Dadaal dheer ka dib waxay hada si joogto ah ugu shaqaysaa shirkada basaska ee Unibuss qaybteeda magalada Oslo.

 

 Aisha ayaa dumarka soomaaliyeed kula talisey iney fadhiga ka kacaan oo ay shaqeystaan. Inaad surweel xirato, micnaheeda ma ahan inaadan muslim fiican aheyn. Dumarka iyo isdhexgalka bulshada

78 % dumarka somaliyeed ee Norway ma shaqeeyaan, sida laga soo xigtay Statistisk sentralbyrå ( waaxda tirikoobka ee Norway).

Halkan ka akhriso sheekada Aisha oo dhameystiran:

Dagbladet, Frifagbevegelsen. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x