SSB: 13% ajaaniibta tagaasida ka shaqeeyo Norwey waa Soomaali

0
94

Hay-ada qaabilsan xog uruurinta iyo tirakoobka ee SSB ayaa shaley soo saartey warbixin guud oo kaga hadleyso xaalka suuqa tagaasida Norwey. Warbixinta SSB ayaa waxaa guud ahaan ku xusnaa in dadkii qaadan jirey tagaasida ay hoos u dhaceen, balse qiimaha lagu raaco tagaasida uu kor u kacey. 

Sababta qiime kordhinta keentay ayaa lagu tilmaamey iney tahay in shirkadaha bixiya leysinka tagaasida iyo milkiilayaashuba ay isku dayayaan in qarashkii kasoo gali uusan hoos u dhicin. SSB ayaa tilmaameyso in arintan qiimo kordhintu aysan noqon doonin xal waara, sidaas darteed ay milkiilayaasha tagaasida iyo shirkadaha bixiya leysinka tagaasida ay ku qasbanyihiin iney la yimaadaan istiraatiijiyad iyo siyaasad kale oo ay uga hortagi karaan tartanka soo wajahey. Arinta saameynta ugu badan ku yeelatay, kuna yeelan doonto tagaasileyda ayaa ah shirked UBER oo kula jirto tartan qarsoon oo xoogan.  

SSB ayaa warbixinteeda sii raacisey in dadka ugu badan ee tagsiga ka shaqeeyo ay yihiin rag ay heerka aqoontoodu ay ugu sareyso dugsi hoose-dhexe. Waayadii hore raga tagaasida ka shaqeeyo waxey isku cel-celis da´doodu udhaxeysay u badnaayeen 40 ilaa 66. Balse sanadii danbe waxaa suuqa tagaasida aad ugu soo badanayey dhalinyaro da´doodu u dhaxeyso 25 ilaa 39. 

ku dhawaad 33% dadka ka shaqeeyo tagaasida  ajaaniib, sidaas darteed quuqa tagsiga ayaa ah meesha ugu badan oo ay ka shaqeeyaan ajaaniibta, gaar ahaana raga. 65% dadka ka shaqeeyo tagaasida gobolada Oslo iyo Akerhus waa ajaaniib.

Labada qowmiyadood ee ajaaniibta ah ee tagaasida aadka ugu shaqeeyo waa soomaalida iyo Pakistanta. 34% kamid ah ajaaniibta dadka ka shaqeeyo tagaasida oo dhan waa Pakistan, halka soomaaliduna ay yihiin 13%. Pakistanida ayaa sidoo kale ugu badan ajaaniibta inta badan iska leh milkiyada baabuurta tagaasida.

Xigasho/kilde: SSB.NO 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments