Nasashada jimcaha: Wax ka ogow shanta qof ee ugu taajirsan Norwey iyo sida ay bilyan dheero ku noqdeen

0
2420

Jariirada ka waranta arimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Kapital ayaa maalintii shaley ahayd soo saartey liiska 400 qof ee ugu taajirsan Norwey. Jariirada ayaa sanad walbe baaritaan ku samayso ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa hantiyeed ee kunka qof ee ugu taajirsan Norwey, iyada oo kasoo dhex saarta afarta boqol ee ugu hanti badan. 

[adsenseyu2]

Liiska afarta boqol ee ugu hanti badan Norwey ayaa waxay ka koobanyihiin 251 qof oo bilyan dheerayaal ah(milliardærer) iyo 149 qof oo milyan dheerayaal ah. 

Waxaa sanadkan markii ugu horeysay taariikhda, liiska bilyan dheerada Norwey kusoo biirtey haweenay.  Naagta lagu magacaabo Hilde Midthjell oo ah milkiilaha shirkada leh shirkada Dale of Norway ayaa booskaas isku caleemo saartey, iyada oo kasoo bilowdey EBER ilaa ay kasoo gaartey Bilyan dheer.  Ninka lagu magacaabo Rasiah Ranjith Leon oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Srilanka, ahna aas-aasa shirkada Mycall(Lebara) ayaa ah qofka kali ah ee ajnabi ah ee kujirto liiska bilyan dheerada reer Norwey.

Hantida hantiilayaashan ay jariiradu soo bandhigtay ayaa isugu jirto mid ganacsi shaqeeyo ah, mid hanti ma guurto ah iyo waliba mid loo qiimeeyay saamiga ay ku leeyihiin shirkadaha ay wax ku leeyihiin

Shanta qof ee ugu hanti badan ee Norwey waa:

0320_john-fredriksen-frontline_400x4001) John Fredriksen      Hanti: 92 bilyan NOK  Da: 72 sano

John Fredriksen wuxuu sanadkii 15-aad ee isku xiga noqdey qofka ugu taajirsan Norwey. Fredriksen waa badmaax, iska leh milkiyada boqolaal maraakiib ah oo inta badan ka shaqeeyo qaadista shidaalka iyo agabka lagu qodo shidaalka. Sidoo kale waxa uu leeyahay shirkado maalgashi oo ka shaqeeyo dayactirka, dhisida iyo iibinta hantida maguurtada ah. Wuxuu saamiyo ku leeyahay shirkado ciidaas le-eg oo dhamaan daafaha caalamka kuyaal.

Fredriksen waxa uu yaraantiisii ahaa saaqid iskuulka neceb, laakiin ilaahay siiyay hibo ganacsi iyo maareyn. Cidna hantida kama dhexlin ee asagaa shaqeystay dhamaan hantidiisa. Waxa uu qaatay dhalasho wadanka Qubrus ah, si uu uga cararo canshuurta xadhaafka ah ee laga qaado ganacsata reer Norwey, laakiin ganacsigiisa waxa uu inta bada ka shaqeeyaa Norwey. 

 

 

 220px-odd_2  2) Odd reitan.    Hanti: 43 bilyan    Da: 65 sano

Odd Reitan waxaa milkiilaha dukaamada REMA 1000, waana mujaahid-ganacsi oo dhagaxba dhagax dulsaar ku noqdey bilyan dheer. Waxa uu ku korey magalada Trondheim, halkaas oo isaga iyo aabihii ay ku lahaan jireen dukaan-xaafadeed yar. Odd ayaa yarantiisa bartay xirfada ganacsiga dukaamada, isaga oo sanadkii 1979  furey dukaankiisii ugu horeeyay oo asagu milkiyadiisa leeyahay. Waxa uu ugu magac darey REMA 1000, oo laga soo gaabiyay REITAN iyo MAT, halka numberka 1000 uu tilmaamayo meesha uu rabay waagaas inuu higsado oo ahayd inuu furo 1000 dukaan oo magacaas leh. Lacagta faa-iidada uu ka helay dukaankii koobaad, ayuu ku furay dukaan labaad, isaga oo ku xijey mid 3-aad, 4-aad ilaa uu maanta soo gaarsiiyay in ka badan 700 oo dukaan oo kuyaalo dhamaan wadamada Scandanevianka. 

Odd Reitan iyo shirkadiisa Reitangruppen waxa ay gateen milkiyada dukaamada kala ah 7-Elleven, Narvesen, kaalinta shidaalka ee UNO-X,  Pressbyrån (Sweden), R-kioski(Finland). Odd Reitan waxaa ka garab shaqeeyo laba wiil oo uu dhaley, oo inta badan la wareegay maamulka dhamaan shirkadiisa iyo ganacsigiisa kale.

 

johan_johannson-234x300

3) Johan Johannson   Hanti: 35,5  bilyan         Da: 49 sano

John Johannson waxa uu kasoo jeedaa qoyska iska leh shirkada Norgesgruppen oo ah shirkada isla leh milkiyada dukaamada Kiwi, Meny, Spar, Joker, Deli de luca, Eurospar, MIX-kioskene,  Dolly Dimple’s  iyo waliba shirkada kafeega sameyso ee Kaffebrenneriet. Qoyskan iska leh milkiyada intaas oo dukaan waxay maamulaan 43% suuqa cuntada iyo daruuriga Norwey.  Waxaa la sheegaa in maalin walbe qof walbe oo Norwey kunool oo ugu yaraan qoyskan jeebkooda galiyo 200 kroner.  

Waa reer ganacsi oo ilaa afar generation ganacsi ka shaqey jirey, caana ku ah inay hantida kala dhexlaan. Johan Johannson hal krone ma shaqeysan isagu, ee waxa uu hantida ka dhexlay aabihii iyo adeerkii, oo iyaga kasii dhexlay aabahood, oo isna kasii dhexlay aabihiis. 

 

johan_til_nettsiden_lite

 4)  Johan Henrik Andresen     hanti: 27 bilyan   da: 56 sano

Johan Henrik Andresen waa mulkiilaha shirkada maalgashi ee Ferd. Hantidiisa inyar ma ahaane inta kale, waxa uu ka dhexlay aabihii iyo qoyskiisa. Qoyskan Andresen waxay iska lahaayeen oo boqolaal sano ka shaqeyn jireen shirkada tubaakada iyo sigaarka ee  J. L. Tiedemanns Tobaksfabrik ilaa sanadkii 2003 ay ka iibiyeen shirkada weyn ee  British American Tobacco. Lacagtii iyo hantadii kale oo ka dhaliyeen ganacsiga iyo sameynta tubaakada iyo sigaarka ayay galiyeen shirkada maalgashiga FERD, taas oo saamiyo aad u badan ku leh shirkado ganacsi oo kala duwan. 

Johan Henrik ayaa caan ku ah inuu maalgashi ku sameysto shirkadaha kacay ee qalka kala lusho, isaga oo maalgalin iyo dib u habeyn kadib ku iibiya qiimo labo jibaar ka badan kii uu ku iibsaday ama ku maalgashtay. 

Iibinta iyo ka ganacsiga tubaakada iyo sigaarka waxay qoyskan usoo jiiday magac xumo ah inay hantidooda ka dhaliyeen wax caafimaadka dadweynaha khatar ku ah.

 

7bbbc88cae01a7ba8f6e8e5ee2a8b5be5)  Ole Andreas Halvorsen: Hanti: 26,4 da: 

Ole Andreas Halvorsen waa Norwiiji mareykan, horey uga tirsanaan jirey ciidamada marinka wadanka Norwey.  Sanadkii 1999 ayuu u guuray wadanka Mareykanka isaga oo halkaas ka aas-aasay shirkada cel-celinta iyo maalgashiga hantida ee Viking Global Investor. Inkasta uusan Norwey dib ugu soo noqon, hadana waxa uu ganacsi iyo shirkado kala duwan ku leeyahay Norwey.

 

stein_erik_hagen_chairman_of_the_board6) Stein Eirik Hagen   Hanti: 24 Bilyan   Da: 60 

Stein Eirik waa mulkiilaha inta badan saamiyada shirkada Orkla oo ah mid kamid ah shirkadaha wax soo saar ee ugu waaweyn Norwey. Stein waxa uu dhalinyaranimadiisii u shaqeyn jirey shirkada NorgesGruppen ilaa uu sanadkii 1980 ka baxay oo iskiis u furtay dukaan uu u magac daray RIMI. Stein ayaa dhagaxba dhagax dulsaar ku yeeshay in kabadan 300 oo dukaan oo kuwa cuntada ah, oo magaca RIMI wato. 

Sanadkii 2014 ayuu Dukaamadiisa iyo waliba magaca RIMI ka iibiyay shirkada COOP, isaga oo isugu wareegay shirkada Orkla oo uu ka yahay maamule iyo mirkiile. Hagen ayaa sidoo kale iska leh shirkada internetka wax ku iibiso  ee Komplett.no. Inkasta oo uu caruur dhowr ah leeyahay, xaasas labo ahna soo yeeshay, hadana sanadkii 2015 ayuu sheegay inuu yahay laga roone ama gay.

Shirkada Orkla ayaa ah mid wax soo saar oo meel walbe cagta kula jirto. Ma rabtaa inaad ogaato baaxada iyo weynida shirkada Orkla: Waxaad gashaa dukaanka kuugu dhow ee laga adeegto, oo fiiri magaca shirkada soo saartay alaabta halkaas taalo. 50% ama ka badan waxaad ku arki doontaa magaca Orkla.

 

Bulshadeenu hadey qabiilka, fadhi ku dirirka iyo muranka siyaasadeed ee aan loo joogin ay meel iska dhigi lahayd, oo ay ka faa-iideysan laheyd fursadaha ganacsi ee wadankan kajiro, waa horaan milyan dheero noqon laheyn, maadaama aan nahay dad leh karti hal abuur ganacsiyeed.- Aaway hee??

Liiska oo dhamestyiran halkan ka daalaco:

Xigasho/kilde: Hegnar.no 

[adsenseyu2][adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments