lørdag, april 20, 2024

Mandal: Warbaahinta soo galooti diidka ah oo maalmahan aad u hadalhayo sheekada aabe soomaaliyeed oo labo xaasle ah

Warbaahinta Norwey ee u janjeero xaga midigta,  oo ay maamulaan qolyaha aadka uga soo horjeedo soo galootiga ayaa isbuucan aad u hadalhayay sheekada aabe soomaaliyeed oo dib ula midoobay 7 ciyaal ah oo uu dhalay iyo hooyadood oo xaaskiisa ah. Aabahan ayaa xaas kale iyo labo caruur ah ku leh Somalia, isaga oo sheegay inuu dacwad u bilaabay labadaas caruurta ah, si uu iyaga ula midooba oo Norwey u keeno, balse hooyadood ay ku heshiiyeen inay sii joogto Somalia, maadaama sharciga Norwey uu dhigayo in uusan qofku labo xaas wadankan ku wada yeelan karin.

Habarta lagu magacaabo Hege Storhaug(sawirka kore) oo ah gudoomiyaha ururka Human Rights Service oo ah urur aad uga soo horjeedo dadka soo galootiga ah ee wadamada islaamka ka imaanayo ayaa sheekada aabahan iyo qoyskiisa ka sameysay maqaal xaqiiqada laga leexiyay, una badan propagando iyo mala-awaal, iyada oo maqaalkeeda cinwaan uga dhigtay in dowlada Norwey ay aabahan soomaaliga ah u ogolaatay inuu labo xaas wada qabi karo.?

[adsenseyu1]

Propogandada cad oo ay maqaalkeeda ku qortay ayaa waxaa kamid ah: In hadii aabahan loo ogolaado in uu labadaas ilmo ee Soomaaliya joogo uu Norwey keeno, ay iyagana u dacwoon doonaan hooyadood. Sidaasna uu aabahan labadiisa xaasba Norwey ku keensan doono, arintaasna ay xad gudub ku tahay sharciga Norwey.  Habartan ayaa sidoo kale soo xigatay sheekeeyin riwaayad iyo masrixiyad la sameeyay u eg, kuwaas oo ay sheegayso in rag badan oo muslimiin ah ay dhowr xaas u dacwoodaan, iyaga marka ay mid keenaanba UDI-da u sheegaya inay xaaskaas fureen, mid kale oo cusubna u dacwoonaya.

Hege Storhaug ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday laanta socdaalka ee UDI-da iyada oo ku eedaynayso inay jabiyeen sharciga Norwey ee dhigaya in qofka uusan xal xaas ka badan lahaan karin. 

Waxyaabaha kale ee khiyaaliga ah ee maqaalkan habarta ku qoran ayaa waxaa kamid ah in qof kasta oo soomaali ah ee Norwey la keeno ay dowlada Norway ku bixiso lacag gaarayso 9 milyan oo kroner, marka la isku diro guriga uu dagayo, caafimaadkiisa, iskuulkiisa, iyo waxyaabaha kale oo uu u baahanyahay noloshiisa ilaa uu ka gaboobayo. Waa su aale qofka soomaaliga ee Norwey imaado, shimbir meel ku xiran miyaa oo aan shaqaysan karin ama iskiis isku kaafin karin, isaga oo aan dowlad ama kommune ku xirneyn?

Wariye kale oo ka shaqeeyo wargayska lokalka ah ee Fædrelandsvennen ayaa ku dhacay dabinka maqaalka ay habartan qortey, isaga oo eedeyn u jeediyay Hans Fredrik Grøvan oo ah xildhibaan-baarlamaan oo ka tirsan xisbiga KRF, kaas oo soo dhaweynta caruurta iyo hooyadood kala qaybqaatay aabahan soomaaliga ah ee degan magaalada Mandal. 

Mazyar+Keshvari+FrP+bystyre+kandidatMeshvar Kashvari oo ah  siyaasi ka tirsan xisbiga FRP, asalkiisuna uu yahay Iiraani aan Norwey ku dhalan ayaa sidoo kale sheegay in aabahan uusan u baahneyn inuu labadaas ciyaal ee Soomaaliya joogo lasoo wado. Balse ay masuuliyad weyn ka saarantahay, sidii uu todobadan ciyaalka ah ee hada Norwey joogo. 

Meshvari oo caan ah naceybka dadka soo galootiga muslimiinta ah( Hada ogow, isagaba waa soo galooti sheegta inuu muslim yahay) in xisbigiisa FRP ay rabaan in ay wax badan ka badalaan xeerarka qoysaska isku dacwoonaya, si loo yareeyo dadka wadanka kusoo galayo qaabkan isku dacwoodka ah.

 

Fiiro gaar ah: Waxaan go-aansaney inaanan soo bandhigin magacyada iyo sawirada qoyskan soomaaliga ah ee warbaahinta Norwey( kuwooda xaga midigta) aad looga hadalhayo isbuucan, maadaama aanan awood u laheyn inaan xakameyno isticmaalka sawiradan ee warbaahinta kale ee soomaalida ah.  Sidoo kale waxaan dooraney inaanan soo bandhigin meesha aan kasoo xiganay, maadaama halkaas ay kujiraan sawiradooda.

[adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x