Foto: Siciid-dheere/NorSom News

Ururka Second-class citens oo ah urur ay ku midoobeen dad gaarayo 100 qof oo soomaali ah, kuwaas oo ay soo wajaheen dhibaatooyin xaga sharciyada ah, ayaa maanta kulan la yeeshay qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Norwey ugu jiro xisbiga AP. Xildhibaadan ayaa ka kala socday labada gudi -aarlamaanada kala ah gudiga sharciga(Justiskomiteen) iyo gudiga kommunal og forvaltningkommiteen oo qaabilsan howlo ay kamid yihiin ajaaniibta, dadka laga tiro badanyahay iyo waliba siyaasada dowliga ah ee ku wajahan qofka shaqsiga(personalpolitikk). Kulankan oo ka dhacay xarunta baarlamaanka Norwey ee Stortinget, ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay madaxa hay-ada la dagaalanka faquuqa dowliga ah ee (OMOD), Akhenaton de Leon.

Kulankan ayaa intiisa badan ka koobnaa dhagaysiga ay xildhibaanadan ka tirsan xisbiga AP dhagaysanayeen cabashada, dacwada iyo codsiga ay gudbinayeen qaar kamid ah xubnaha ururkan Second-class citens  . Waxa ayna ka cabanayeen dhibaatooyin ay kamid yihiin: in laanta socdaalka ee UDI-du ay kala noqotay dhalashada wadankan, iyada oo lagu eedaynayo inay asal ahaan ka imaadeen wadamo aan aheyn Soomaaliya, balse aysan UDI-du wali soo bandhigin cadeyn buuxdo oo arintaas xaqiijin karta. Markii ay keeneen cadeyn muujinayso inay Soomaaliya kasoo jeedana, ay UDI-du diiday inay aqoonsato documentiyadooda.

Qaar kamid ah xubnaha kulanka joogay sheegay in dib loogu yeeray intervju iyo waraysi cusub, oo u dhigma kii laga qaaday markii ay wadanka iska dhiibayeen toboneeyo sano kahor.Iyada oo la waydiinayo qaar kamid ah su aalo la waydiiyay dhowr iyo toban sano kahor, oo aysan wada xasuusan jawaabtooda.

Skjermbilde-2012-02-22-kl_-11_59_51

Madaxa hay-ada OMOD Akhenaton de Leon ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay inay tahay arin laga xumaado in qof wadanka degenaa mudo aad u badan sharciga laga xayuubiyo, iyada oo aan marka hore lasoo bandhigin cadeyn la arki karo ama aan lasoo taagin maxkamad. Akhenaton ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay in haystay dhalashada laga dhigo wadan la’aan(statsløs), maadaama ay markii hore oo ay dhalashada Norwey qaadanayeen ka tanaasuleen dhalashada wadankoodi hore. Sidaasna uu qofku wadanka ku noqdo maxbuus, maadaama uusan haysan sharci ama documentiyo uu ku baxo ama ku safro.

 

Arin sidoo kale aad looga hadlay inta uu kulan socday ayaa ah saameynta ay dhibaatada xaga sharciga ah ku yeelanayso caruurta wadanka ku kortay ama ku dhalatay. Waxaa jiro caruur badan oo wadanka ku dhashay, dhalashada wadankana haysta, balse sharciyada lagala noqdey waalidkii dhalay, sidaasna ay dhibaatadii xaga sharciga ahayd isku badasho dhibaato qoys oo saameyn badan reebta.

Xubnaha ururka Second-class citens iyo madaxa hay-ada OMOD ayaa ugu danbeyn ka codsaday xildhibaanadan kulanka joogey in baarlamaanka Norwey uu wax ka qabto arintan. Waxay si gaar ah u codsadeen:

  1. in si cadaalad ah oo sharciga waafaqsan ay boolisku u baaraan dadka laga shakisanyahay dhalashadooda.

  2. In hadiiba la rabo in qofka lagala noqonayo sharciga dhalashada wadanka, la marsiiyo maxkamada inta aan go-aan la gaarin.

  3. In boolisku ama udi-du ay qofka xukumaan hadii la soo bandhigo cadeymo buuxdo.

  4. iyo in la damaanad qaado xaga uu qofku u leeyahay in la sugo amnigiisa.

Xildhibaanada  xisbiga Ap-ga ayaa gudoomay dhamaan documentadii ay soo bandhigeen xubnaha ururkan, iyaga oo sheegay inay dib u eegis ku sameyn doonaan arintan, kulana noqon doonaan xildhibaanada kale ee la fadhiyo gudiyadooda baarlamaanka. laakiin xildhibaanadan ayaa hoosta ka xariiqay inay sharci tahay in qofka lagala noqon karo dhalashada wadanka, hadii la helo cadeymo sax ah oo muujinayo inuu ka been sheegay asalkiisa. Iyaga oo raaciyay in loo baahanyahay in la helo tiro koob sax ah oo ku saabsan arintan iyo saameynta ay leedahay, gaar ahaan dadka lagala noqday sharciga wadanka oo aan heysan wadan kale oo ay u safraan ama documentiyo sharci ah.

Xildhibaanadan ayaa si gaar ah u sheegay inay si fiican ugu dhaba gali doonaan dhibaatooyinka soo wajihi kara caruurta wadanka ku dhalatay ama ku kortay oo ay waalidkii dhalay soo wajahdey dhibaatooyin xaga sharciga ah.

DSC_0350

 

 

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz