fredag, april 19, 2024

UDI: Dadka ugu badan ee ka been sheegay dhalashadooda waxay kasoo jeedaan Soomaaliya iyo Falastiin

Arbacadii lasoo dhaafay ayay dowlada Norwey sheegtay inay UDI-da siin doonto lacag gaareyso 177 milyan, lacagtaas oo ay dowlada sheegtay in loogu talogalay in wax looga qabto howlo ay kamid yihiin baaritaanka iyo dabogalka dadka ka sheegay aqoonsigooda, sidaasna ku helay sharciga magangalyada wadanka.

[adsenseyu1]

Agaasimaha UDI-da Frode ForFang ayaa sheegay in maadaama ay yaraadeen dadkii wadanka magangalyada soo weydiisan jirey, ay hada waqti u heli doonaan baaritaanka iyo dabogalka dadka looga shakisanyahay inay dhalashadooda ka been sheegeen. Frode ayaa hadalkiisa raaciyay in lacagta ay dowladu ay UDI-da siisay ay ku isticmaali doonaan tabobarka iyo aqoon kororsi cusub oo loo sameeyo dadka ka shaqeyn doono kiisaska dadka laga shakisanyahay.

Wargeyska Adresseavisen ayaa agaasimaha UDI-da weydiiyay su aal ah inay jiraan dad ka yimid wadamo gooni ah oo ay isha ku hayaan.

Forfang ayaa ku jawaabay inay adagtahay in la ogaado tirada dhabta ah ee dadka ka been sheegay dhalashooda, balse inay jiraan dadka qaar ka been sheegay inay dhalasho ahaan kasoo jeedaan wadamada Soomaaliya iyo Falastiin, sidaasna sharciga magangalyada ku helay. 

Waxaan aragney dad dhowr oo sheeganaya inay Soomaaliya kasoo jeedaan, laakiin dhalasho ahaan ka yimid wadamo kale. Sidoo kale waxaa jiro dad sheeganaya inay Falastiin kasoo jeedaan, laakiin xaqiiqo ahaan ka yimid wadanka Jordan ee dariska la ah Falastiin.

Agaasimaha UDI-da ayaa tusaale ahaan usoo qaatay, Khaled Xaaji Ahmed oo ahaa siyaasi soomaali ah oo ka tirsan ururka dhalinyarada xisbiga AP. Baaritaan kadib ayay UDI-du sheegtay in Khaled uu asal ahaan ka yimid Djabuti, uuna ka been sheegay dhalashadiisa markii uu wadanka iska dhiibayay. Sanadkii 2015 ayaa Norwey laga tarxiiley, sidoo kale waxaa xayiraad laga saarey inuu safar danbe ku yimaado wadanka Norwey ama qaarada yurub oo dhan. Khaled waxa uu la dhashey allah ha naxariistee Ismaaciil Xaaji Axmed oo ahaa wiilkii dhalinyarada ahaa ee ku dhintey xasuuqii Utøya.

Sylvi Listahaug oo ah wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ayaa idaacada P4 u sheegtay in dowladu ay ogtahay in dad badan oo magangalyo doonayaal ahaa ay  ka been sheegay dhalashooda, sidaasna ay sharciga ku heleen. Waxayna sheegtay in dowladu ay dadaal ugu jirto sidii ay ogaan laheyd xaqiiqada dhalashada dadkaas, Kuwii ay ku cadaato inay ka been sheegeen dhalashadoodana sharciga lagala noqdo, loona celiyo wadankoodii ay asal ahaan ka yimaadeen. 

Waxaa sanadkan wax badan hoos u dhacay dadkii magangalyada soo weydiisan jirey Norwey, dad badan ayaana ka warsugayay talaabada xigta ee wasiirad Listhaug oo shaqada ay dowladu ay u xilsaartey ay kamid tahay isdhexgalka bulshada. Dadka qaarkii ayaa islahaa in maadaama ay hada hoos u dhaceen dadkii wadanka iska soo dhiibi jirey ay dowladu waqti gelin doonto dib u dejinta dadka sharciga helay ee wadanka weli ku cusub. Waxaana hadalkan UDI-da iyo wasiirad Listhaug ku cad in dowlada ay xooga saari doonto, sidii looga dabo tagi lahaa dadka sharciga helay, ee looga shakisanyahay inay ka been sheegeen dhalashadooda.


Vi har erfart at enkelte asyl- søkere som opplyser at de kom- mer fra Somalia, ikke gjør det. Forfang viser til saken til AUF- er Khalid Haji Ahmed, som over levde Utøya. Han ble utvist fra landet fordi han løy og sa han kom fra Somalia i stedet for fra Djibouti, da han søkte asyl i Norge.

Listhaug:Vi vet at det er endel som har lurt oss. Vi ønsker å tilbakekalle disse oppholdstillatelsene, slik at de som har løyet til oss må reise ut av Norge.-…les mer på norsk her: 

Xigasho/kilde: Adresseavisen.no 

[adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x