Warbaahinta NorSom News  oo isbuucyadii ugu danbeeyay xooga saaraysay raadinta iyo soo bandhigista warbixinada la xiriira waxbarashada, ayaa isbuucii hore booqasho ku tagtay Høgskolen i Oslo og Akershus oo ah meesha ardeyda soomaaliyeed ee ugu badan xaga jaamacadaha ay wax bartaan. Waxaa halkaas aan kula balaney oo nagu soo dhaweeyay maamulka ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norwey( Somalisk Studentforening, SSF). SSF oo ah urur ay ardey soomaaliyeed oo jaamacadaha wadanka wax kabarto dhidibada u taageen sanadkii 1993, ayaa waxaa hada maamulkiisa gacanta ku hayo dhalinyaro intooda badan wadanka ku kortay ama ku dhalatay.

(Halkan ka daawo muuqaalka ururka ardeyda iyo NorSom News)

2012: 100 ardey ugu badnaan. 2016: 400 ilaa 500

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib, waxay maamulka ururku nooga warbixiyeen xaalada ardeyda soomaaliyeed hada dhigata jaamacadaha Norwey, iyaga oo ugu horeynba sheegay in tirada ardeyda soomaaliyeed ee hada wax ka barata jaamacahada Norwey, gaar ahaana kuwo Oslo ay sadex jibaar ka badanyihiin intii ay ahaayeen sanadkii 2012. Si gaar ah waxay u magacaabeen Høgskolen i Oslo og Akershus oo hada noqday hoyga aqoonta ardeyda soomaaliyeed ee Oslo kunool.

Ugaaso Barre oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka ardeyda ayaa noo xaqiijisay in markii ay HiOA soo gashay sanadkii 2013 ay ugu badnaan dhigan jireen 50 ilaa 70 ardey soomaali ah, hada tirada ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata Høgskolen i Oslo og Akershu ay kor u dhaafayaan 300. Sidoo kale jaamacada Oslo ee Blindern ayay sheegeen inay dhigtaan ardey aan tiro aan ka yareysan kawa HiOA.

Inkasta oo aysan warbixin buuxdo ka heynin magaalooyinka kale ee wadanka, hadana waxay ardeydu noo sheegeen in jaamacada kuyaalo magaalooyinka Bergen, Stavanger, Trondheim, Fredrikstad, Halden, Elverum iyo Trømso ay dhigtaan ardey soomaaliyeed oo tiradoodu u dhaxeeyo 40 ilaa 100 midkiiba.

Waxaa intaas sii dheer in ardey badan oo soomaaliyeed oo Norwey degan, ay waxbarasho Medisin ama Farmasi ah ay u doontaan wadamada kuyaalo yurubta bari, sida Romania, Poland, Hungry iwm. 

New generation iyo 75% gabdho:

Wixii ka horeeyay sanadkii 2008, waxa ugu badan ee jaamacada wadanka dhigan jiray waxay ahaayeen ardey soomaaliyeed oo da´a ahaan iyaga oo waaweyn wadanka yimid ama meelo wax kusoo bartay oo wax barasho dheeraad sii qaadanayay. Laakiin wixii xiligaas ka danbeeyay waxaa si xowli ah kor ugu kacayay tirada dhalinyarada soomaaliyeed ee halkan ku dhalatay ama ku kortay ee jaamacadaha soo galaya. Hada dhamaan ardeyda wax ka barato jaamacadaha marka laga reebo hal iyo labo, waa ardey wadanka ku kortay ama ku dhalatay.

-Tusaale ahaan maamulka ururka ardeyda ee SSF oo ka kooban 7 qof, waxay 6 kamid ah ku dhasheen wadanka, halka qofka todobaadna uu isaga lix sano kayar wadankan yimid.

-Tobankii(10) ardey oo  soomaaliyeed ee Norwey wax ka barata, todobo(7) kamid ah waa gabdho, ama 70% ardeyda soomaaliyeed ee Norwey wax ka barata waa gabdho wadanka ku dhashay ama ku koray. Badankooduna waxay dhigtaan kuliyadaha caafimaadka sida sykepleier(kalkaaliso caafimaad), Bioingeniør( sheybaariiste), Farmasi(daawo), Tannlege iyo waliba Medisin(dhakhtar caafimaad).

-Maamulka ururka ardeyda oo ka kooban 7 qof, 5 kamid ah waa gabdho.

-Kuliyadaha Ingeniørinka iyo dhaqaalaha ayay inta badan dhigtaan wiilasha ardeyda ah. Gaar ahaan waxaa si xowli ah kor ugu kacayay ardeyda dhigata Ingeniørinka dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

-SSF sanad walbe waxay qabataa Seminar ay dhalinyarada dhigata dugsiyada sare ay waxbarasho heer jaamacadeed ah ku dhiirigaliyaan. Waagii hore waxaa ka qaybqaadan jirey ugu badnaan 80 qof, halka labadii sano ee ugu danbeysay ay kasoo qaybgaleen dhalinyaro gaarayso 500. Arintaasna ay cadeyn u tahay in dhalinayrada soomaaliyeed ee ku haminayso inay waxbarasho heer jaamaceed ay gaaraan ay kor u kacday waxbadan. Ayna tahay sababta ugu weyn oo ay usoo badanayaan ardeyda soomaalida ah ee soo galayso jaamacadaha wadanka.

Waxaan diyaar u nahay inaan dhibaha bulshadeena wax ka qabano:

-Ururka ardeyda iyo dhamaan ardeydii kale ee aan la kulanayba waxay noo sheegeen in waxbarashadooda, aqoontooda iyo waliba khibradoodaba ay rabaan inay wax ku taraan bulshadooda. Gudoomiyaha ururka ardeyga Juwerio Hassan iyo Ugaaso Barre oo ah gudoomiye ku xigeenka waxay labaduba barteen barnevernka. Waxayna sheegeen inay aqoon u leeyihiin dhaqanka soomaalida, kan Norwiijiga ayna barteen sharciyada iyo habdhaqanka hay-ada barnevernka. Sidaas darteed ay iyaga iyo ardeyda kale ee wax ka baratay Norwey ay furo u noqon karaan dhibaatooinka mareegta ah ee ka dhex taagan soomaalida iyo barnevernka.

Waxay kaloo noo sheegeen in aqoontooda ay u adeegsan karaan inay noqdaan buundo isku xirta mujtamac weynaha norwiijiga iyo bulshadeena soomaaliyeed ee wadanka ku dhaqan. 

-In tirada ardeyda soomaaliyeed ay si xowli ah kor ugu socoto waxay ka qayb qaadan kartaa in magac xumada soomaalida Norwey u taalo ay meesha ka baxdo. 3 ilaa 5 sano kacdi hadii ay jaamacad ka banaan 1000 oo soomaali ah, ka waran tirada imisa ayay gaari doontaa 10 sano kadib, maadaama ay wali wadanka joogaan in ka badan 10 000 oo caruur soomaaliyeed ah oo 18 sano kayar.

Ururka ardeyda ayaa hadal hayay warbixin dhawaan lasoo saarey oo sheegaysa iyo 74% caruurta soomaaliyeed ee wadanka ku nool ay kunool yihiin saboolnimo. Waxay sheegeen in arintaas ay hada tahay xaqiiqo jirto aan indhaha laga laaban karin, laakiin 5 ilaa 10 sano ka dib ay meesha ka bixi doonto.

Antall somaliske studenter som tar høyere utdanning i Norge, har økt kraftig i de siste fire årene..nesten en tredobling på tre år ( 2013-2016), i følge somalisk studentforening

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz