fredag, mars 29, 2024

Tromsø: Qoyska wiilkii meydkiisa bada laga helay oo saxaafada la hadlay, beeniyeyna wararka sheegaya inuu isdilay

(Foto: Jørn Normann Pedersen/Nordlys)

Waxaa maalintii shaley ahayd saxaafada gurigooda ku casuumay qoyska wiilkii soomaaliga ahaa ee meydkiisa laga helay bada. Iyaga oo ka warbixiyay nolosha iyo taariikhda allah ha u naxariistee Cayduruus Cumar Faarax oo sabtadii lasoo dhaafay meydkiisa laga helay meel aan wax badan ka fogeyn senterka magaalada Tromsø. 

Sida ay sheegeen wiilka geeriyooday walaaladii, waxa uu Caydruus oo 24 sano jir ahaa Norwey yimid bishii Desember sanadkii 2001, isaga oo barnehage, dugsiga hoose dhexe(ung..skole) iyo dugsiga sare(vgs) kaga baxay Norwey. Waxa uuna wixii intaas ka danbeeyay ka shaqeeyay meelo kala duwan oo ay kamid tahay 7-elleven iyo taxi oo mudooyinkii ugu danbeeyay uu ka shaqeynayay. 

Waxa uu qof  fir-fircoon oo aad u shaqo badan, isaga xiliyada uu fasaxa leeyaheyna la qaybsan jiray qoyskiisa. Sidoo kale waxay familka safaaxada u sheegeen in uu Cayduruus xiiseyn jiray kubada cagta, isaga oo taageero u ahaa kooxda kubada cagta ee Arsenal.   Waxa uu sidoo kale ahaa qof jecel inuu dad la dhaqankiisu uu wanaagsanyahay, aad isugu taxalujiyo inuu qof walbaa waqti siiyo. Dunta reerka isku xirta ayuu ahaa maadaama uu mar walbe asagu uu na kulmin jiray ayay hadalkooda raaciyeen, walaalada wiilkan oo u waramayay Wargayska I Tromsø.

-Warar been ah oo suuqa la galiyay:

Familka Cayduruus ayaa beeniyay warar been abuur ah oo suuqa lagaliyay, kuwaas oo sheegaya in wiilkoodu uu isdilay kadib markii sharciga magangalyada wadanka loo diiday. Iyaga oo sheegay in aysan jirin wax dhibaato maskaxeed ah haba yaraatee oo wiilkoodu qabay. Waxay hadalkooda raaciyeen in xitaa hadii sharciga loo diidi lahaa aysan jirteyn sabab uu isku dilo.

Familka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hada aan looga jawaabin su aalo badan oo ku saabsan geerida wiilkooda, iyaga oo raaciyay inay adagtahay in boolisku laga helo jawaabo, maadaama aysan wali sharaxaad ka bixin su aalo badan oo ay jawaabtooda raadinayaan.  Waxay sheegeen inay maqleen in uu muran ka dhacay meesha uu wiilkooda ku sugnaa habeenkaas ugu nolol danbeysay, laakiin aysan boolisku baaritaan kusii sameyn cida uu meeshaas la joogay. Saacada 03:00 habeenimo ayayna ahayd markii ugu danbeysay ay cidi aragto.

Boolisku waxay heleen boorsada jeebka ee wiilka geeriyooday, furayaashiisii iyo dhamaan waxyaabihii uu watay habeenkaas, laakiin waxaan wali la helin telefoonkiisa gacanta. Iyaga oo sheegay in Viberkiisa uu khadka kujiray ilaa isniintii, maalin iyo bar kadib markii meydka wiilka laga soo bixiyay bada. Su aalaha ay iswaydiinayaan geerida wiilkooda ayaa sii kordheysa maalinba maalinta ka danbeysa, oo aysan boolisku usoo jawaabin.  Waxay noo sheegeen inay wixii macluumaad ah oo soo kordha ay noo gudbin doonaan, laakiin ilaa hada booliska kama aanan helin macluumaad waafiya oo nooga jawaabo su aalaha aan qabo. 

[adsenseyu1]

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay wali wadaan baaritaanka ku aadan dhacdadan, iyaga oo sheegay inay kaamerooyinka ku xiran aaga wiilka meydkiisa laga helay ay ka raadinayaan meesha uu bada kaga dhacay.  Waxayna sheegeen inay rapport kasoo saari doonaan dhacdadan, iyaga oo waraysi la yeelan doona cidii ugu danbeysay ee uu la joogay habeenkaas. Ilaa hada ma heyno cadeyn muujinayso in wax fal danbiyeed ah uu dhacay, balse waxaan u furunahay inaan baaritaan sameeno, maadaama ay wax walba dhici karaan, baaritaanka dhacdadana waa mid hada bilow ah, oo aan laga bixin karin jawaab buuxdo.

Booliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay inaan wali la helin telefoonka gacanta ee Cayduruus, ayna si fiican uga baari doonaan gunta bada ee meesha laga helay meydkiisa. Waxayna hadalkooda raaciyeen inaysanba macluumaad ka heynin in Viberka Cayduruus oo khadka kujiray ilaa isniintii danbe. Waxaana laga yaabaa inay jirto qof telefoonka gacanta wiilka heshay. 

Hadii qoyska wiilka ay dareemeen inaan loo jawaabin, waxaan ka bixineynaa raali galin. Hadii ay familku rabaan inay la hadlaan booliska, waa soo dhaweyneynaa ayayna hadalkooda raaciyeen. 

Sida aan kasoo xiganayno qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Tromsø, waxaa lagu wadaa in meydka wiilkan lagu tukado oo la aaso maalinta jimcaha ah ee nagu aadan. 


Broren funnet død i sjøen i Tromsø: – Det verste er å ikke vite.
Aydroos Omar Farah (24) ble lørdag funnet livløs i havnebassenget. Nå vil fami- lien fortelle Aydroos historie..Les mer på norsk her:

Xigasho/kilde: Nordlys,

Itrømso(Papiravis, 7-9-2016 side 16-17) [adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x