Norwiijigu ma jecla inay maqlaan in cunsurinimo ay kajirto suuqa shaqada

wiil 18 jir soomaali ah oo lagu magacaabo Abdirahman Hassan ayaa maanta maqaal ka hadlayo cunsuriyada ka jirto suuqa shaqada kusoo daabacay wargeyska Aftenpostenka. Isaga oo maqaalkiisa ku cadeeyay in dadka norwiijiga aysan rabin iney maqlaan ama qirtaan in cunsurinimo baahsan ay kajirto suuqa shaqada:

maqaalkan oo aan isleenahay inuu dhab ka hadal ayaan dooranay inaan af soomaali ku turjuno

-Waxaan rabaa inaan idinla qeybsato khibradeyda iyo dareenkeyga ku aadan suuqa shaqada Norwey. Waxaan dhawaantan dhameeyay dugsiga sare, aniga oo hada wax ka barto jaamacada. sida dhalinyarada kale oo dhan, waxaan dhib ku qabay inaan helo shaqo delltid ah. Waxaan dareemay inaan la iiga soo jawaabeyn codsiyada shaqooyinka aan diro, hadii intervjue la iigu yeerana waxaan mar walbe maqlaa inaan shaqada heleynin. 

Hadii aan nahay dadka soo galootiga ah, waxaa mar walbe nalaga codsadaa inaan jaamacado ka baxno, shaqooyina aan raadsano, si aanan ugu noolaan systemka ceyrta oo badanaa nalagu xanto inaan ku noolnahay. Anigu dugsi sare waan dhameeyay, hadana jaamacad ayaan dhigtaa. Waxaan aqaanaa dad badan oo suuqa shaqada kala kulmey cunsurinimo iyo faquuq toos ah, sababtoo ah magacooda ayaa ah magac ajnabi.

Mar hada laga joogo dhowr isbuuc ayaan boos shaqo oo banaan ka codsaday urur, laakiin waa la ii diiday. sidii caadada aheydba waxaa la ii soo direy fariin ay ku qorantahay: Waxaa booskan shaqada banaan soo codsaday dad badan oo ku haboon inay qabtaan shaqadan, sidaas darteed waan ka xunahay shaqadan ma ahan mid aad helaysidma helayso. nasiib daro wax cusub iguma aheyn taas, oo marar badan ayaan helay fariin noocaas oo kale ah. Waxaan isku dayay inaan qariyo carada iyo wareerka aan ka qaaday jawaabtii aan helay, wax walbe oo aan awoodeyna waan sameeyay. 

Maalmo kadib ayaan saaxiibkey aan aqoono oo norwiiji ah kula taliyay inuu codsado shaqadii aniga la iisoo diidey. Isla maalintiiba waxaan ogaaday in uu shaqadii helay, laakiin waa su-aale maxaa isaga shaqada loo siiyay oo aniga la iigu diiday. Aniga ayaa shaqada uga khibrad badnaa isaga, wax badana ka aqoon badnaa, laakiin markii danbe ayaan xasuustay in farqiga noo dhaxeeya uu yahay in isagu uu yahay norwiiji ana aan ahey ajnabi.

Baaritaan la sameeyay 2012 ayaa lagu ogaaday in hadii magacaagu uu Ahmed yahay, jaaniska ah in intervju laguugu yeero uu 25% ka yaryahay hadii magacaagu uu ahaan lahaa Eirik. Xitaa adiga oo leh aqoonta iyo khibrada uu Eirik leeyahay.

In magac, dhalasho ama midab dartiis suuqa shaqada laguugu faquuqo, waa arin laga yaq-yaqsado, ayna ahayd inaysan ka dhicin wadan dimuqraadi ah oo hormarsan sida Norwey oo kale. Waana dhibaato bulsheed oo aad u weyn, waxaana siyaasiyiinta wadanka la gudboon inay arintan si dhab wax uga qabtaan.

Mudo badan ayaa laga warqabay in cunsurinimo ay kajirto suuqa shaqada wadanka, laakiin dadka norwiijiga ah badankii ma jecla inay maqlaan arintaas. Balse arintaas sabab uma noqon karto in indhaha laga qarsado xaqiiqada ah in dadka ajaaniibta ah ay ku adagtahay inay shaqo helaan.

Hadii aan  rabno in si dhab ah ay bulshadu isku dhexgasho, ayna u wada noolaato, waa in dhalinyarada iyo dadka ajaaniibta ah ay suuqa shaqada ka helaan fursad shaqo oo dhab ah.  Waxaan rabaa inaan ku noolaad mujtamac ay dadku u simanyihiin fursadaha noloshada, iyada oo aan lagu xireynin midab, dhalasho, diin amaba jinsi.


Jeg var bedre kvalifisert til jobben enn vennen min. Jeg fikk avslag, men har var etnisk norsk – og fikk den…Les mer på norsk : 

Xigasho/kilde: Aftenposten.no, Aftenposten-Papiravis( 27-09-2016, side 24)

[adsenseyu2]

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz