Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dowlada Norwey, Silvie Listhaug ayaa shalay mar kale ku celisay in xaalada xaafada Grønland ay ku socoto meel halis ah, ayna u baahantahay wax ka qabasho deg-deg ah. 

Shaley barqadii ayay socdaal shaqo ku dhex martay jidka dheer ee Grønland, iyada oo sheegtay in xili habeen mugdi ah aysan nafteeda ku aaminteen inay Grønland soo marto. Socdaalkeeda shaqo waxaa ku weheliyay gudoomiyaha gudiga degmada magaalada Oslo Raymond Johansen. Reymond oo ka tirsan xisbiga AP ayaa sheegay inuusan qabin fikirka Listhaug, uuna wax dhibaato ah oo la sheegi karo uusan ku arkin xaafada Grønland. Hadii ay jiraan cid qabto cabsi xaga amniga ah ka qabto halkan, waa booliska shaqadiisa ayuu Reymond hadalkiisa raaciyay. 

[adsenseyu2]

Listhaug ayaa sidoo kale sheegtay inay jiraan afartameeyo(40) dhalinyaro soomaali ah oo si weyn uga qeybqaato falal danbiyeedyada ka dhaca xaafada Grønland. Dhalinyaradan oo ka kooban labaatameeyo U.K u guuray bilowgii sanadkii 2000, hadana wadanka dib ugu soo noqdey, iyo labaatameeyo kale oo ay iyagu soo xero galiyeen. Dhalinyaradan U.K kasoo guuray ayay Listhaug sheegtay inay la yimaadeen dhaqamo cusub oo kriminalitet ah iyo falal danbiyeedyo adag oo ka duwan kuwii horey loogu yaqaanay inay xaafada ka dhacaan. Listhaug ayaa hadalkeeda raacisay inay il gaar ah ku hayaan afartankaas dhalinyarada soomaalida ah, ayna rabaan inay tiradooda dhimaan, mid kastana si gaar ah ula tacaamuli doonaan.

Silvi ayaa sheegtay in dowlada, booliska iyo waliba Oslo-kommune ay arintan iska kaashan doonaan. Sidoo kale waxay hadalkeeda raacisay in muhiimada ay tahay in xaalka xaafada Grønland uusan noqon sida xaafado kuyaalo magaalooyinka wadanka Sweden qaarkood. 

Hadalka listahuag ayaa kusoo aadayo xili maalin kahor ay sheegtay inay 10 milyan ay u qoondeysay in wax looga qabto xaalka xaafada Grønland. Tobankaas milyan ayay sheegtay in ku dartay qorsha miisaaniyad-sanadeedka 2017.  Gudoomiyaha gudiga degmada Oslo Reymond ayaa sidoo kale sheegay in 10 milyan ay ayaguna u qoondeeyeen in wax looga qabto xaalka xaafada  Grønland, sidaas darteedna lacagta Grønanland loogu talo-galey waxay noqonaysaa 20 milyan. Ilaa hada ma cada wax lacagta lagu qaban doono iyo sida loo isticmaali doono. 

Xaafada Tøyen oo ah xaafada dariska la ah Grønland ayaa ayadana heshay lacag gaarayso 25 milyan. 

Reymond iyo Listhaug ayaa wada qirayo in xaalada xaafada Grønland aan lacagtan kali ah aan  wax looga qaban karin. Reymond ayaa sheegay in inta badan dadka dhibaatooyinka ka geysto xaafadan ay deganyihiin xaafadaha kale ee magaalada.

-Faaduma Cali Madar iyo Baashe Muuse meel ku sheega?

14489513_1470557369637333_2079892052_oWaa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo aan la iska indho tiri karin in xaalada guud ee xaafada Grønland ee ka danbeyso xaalada xaafadaha kale ee Oslo. Daroogada banaanka lagu iibiyo, shaqo la-aan baahsan oo gaareyso ilaa 30% oo xaafada kajirto, dad badan oo degan guryaha dowlada, dadka saboolka ah oo xaafada ku badan(cadaan iyo soo galootiba)  iwm.

Laakiin dhankale waxaan hubaal ah in Grønland uu kajiro ganacsi iyo horumar baahsan oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan dad ajaaniib ah, soomaaliba ha u badnaadaane. Waxaad Grønland ka helaysaa waxyaabo badan oo magaalada ama wadanka intiisa kale ay adagtahay in laga helo. Maqaaxiyo, Dukaamo dharka, electronica, qudaarta iyo hilibka, xafiisyo hay-ado iyo shirkado iwm.

Grønland Waa xaafad multikulturell ah oo ay daganyihiin dad badan oo daafaha caalamka ka yimid, soomaaliduna waxaa lagu tiriyaa inay yihiin dadka tiro ahaan ugu badan ajaaniibta ee xaafada hada degan. 

Waxaa muuqato in Listhaug ay iska indho tireyso horumarka ganacsi ee kajiro xaafada, iyada oo xooga saareyso arimaha ku saabsan falal danbiyeedyada ka dhaca xaafada. Balse ogow Listhuag waa siyaasi, shaqadeeda ayayna wadataa. Shaqadeedu waa inay muujiso in dowlada ay ka tirsantahay iyo xisbigeeda FRP ay shaqo adag hayaan, ajaaniibta falal danbiyeedka geystana ay gacan adag ku qabanayaan.

Taa badalkeeda waxay soomaalidu doorteen oo codkeeda ku aamineen labo siyaasi oo xubno ka ah golaha deegaanka ee Oslo. U jeedada guud ee loo doortay waxay ahayd inay dadka codkooda siiyay ee soomaaliyeed ay  dareenkooda gaarsiiyaan golayaasha ay xubnaha ka yihiin.

Hada waxa laga hadlayo waa Grønland, xaafad ay soomaalidu ku badantahay. Dhalinyarada ay Listahuag sheegtay inay xaafada amaankeeda khal-khal ku hayaan waa soomaali, waxaana dadaalka loogu jiro in arintan wax laga qabto qeyb ka ah golaha deegaanka Oslo oo ay noogu jireen labo xubnood. 

Faaduma Cali Madar iyo Baashe Muuse soo ma aheyn inay arintan hormuud ka noqdaan oo aysan marti ka noqon?. Ama ugu yaraan ay codkooda ku biiriyaan dadkaas tirada badan ee xaafada wax ka qabashadeeda ka arinsanayo. ?

Tani ma ahan markii koowaad in arin soomaalida saameyn ku leh ay kasoo dhex muuqan waayaan dadkii aan codkeena ku aaminey. Marar badan oo arintaas wax laga waydiiyay, waxay sheegeen inaysan awood iyo saameyn ku laheyn waxyaabaha ay dowlada go-aansato maadaama ay ayagu yihiin xubno gole deegaan. Balse hada waxaa laga hadlayaa waa Oslo iyo Grønland.

Qaarkood ayaa hada ah musharaxiin u taagan xilka xildhibaanimada golaha baarlamaanka ee Norwey, waa maahmaahdii soomaaliyeed ee dhihi jirtey:

«Ninkaad waxaraha ku aamini weydo, geel raacso oo ku aamin.»


 Et 20-talls unge menn fra det miljøet flyttet til Storbritannia tidlig på 2000-tallet. De er kommet tilbake med andre holdninger og langt tøffere kriminalitetsatferd enn man tidligere har sett i dette området. Ytterligere 20 er rekruttert inn, slik at miljøet er på 40 personer. Nå må vi sørge for at det blir færre av dem. Det må lages et opplegg rundt hver av dem….les mer på norsk her: 

Xigasho/kilde: ABC nyheter.

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of