fredag, mars 29, 2024

Hakeem Jamac Teland: Taariikhda Wiil soomaali-norwiiji ah ku guuleystay 43 biladood oo dahab ah

-Isku dar ilaa hada waxaan ku guulaystay 43 biladood oo dahab ah.

Dhowr balamood oo naga baaqdey kadib, ugu danbeyn waxaan maanta ku soconaa guriga Hakeem Jamac Adam Teland, oo kuyaalo afaafka danbe ee magaalada Bærum. Hakeem waa 18 jir soomaali ah oo dhawaantan magaciisa aad looga hadalhayay dhamaan warbaahinta Norwey ee ka faalooda arimaha sportiga. Gaar ahaan waxa uu magaca Hakeem si weyn u qabsaday warbaahinta wadankan, kadib markii uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dhalinyaro-norwiiji ah oo tartanka doon wadida caalamka(VM), bilad kaga guulaysto.

Da´diisu hada unbey 18 sano gaartey, balse waxaa mar hore loo caleemo saaray inuu yahay halyeey sporti, magac iyo maamuusna usoo hoyay wadankan Norwey iyo waliba magaalada uu kasoo jeedo ee Kristiansand. Hakeem hooyadii waa norwiiji, aabihiina waa Soomaali, waxa uuna ku korey magaalada Kristiansand ee koonfurta wadanka Norwey.

Waxaan marka hore raali galin ka bixinay qadar 20 daqiiqo ah oo aan kasoo dib dhacday waqtigii aan balaney, wadada oo baabuurtu ku badneyd owgeed. Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib, waxa uu Hakeem na geeyay xarunta kooxda uu ka tirsanyahay oo aan wax badan ka dheereyn guriga uu deganyahay. Nasiib daro, halkaas cid kooxda katirsan ama macalinkii kooxda midna ma joogin, oo waxaan ku qasbanaaney inaan dib ugu soo noqono gurigiisa. Gurigiisa oo meel walbe ay ku xardhanyihiin sawiro isaga iyo qoyskiisa ah, iyo bilado sharafeed kala duwan oo la gudoonsiiyay intii uu ku gudo jiray tartamadiisa ciyaareed. In cabaar ah markii uu nagu soo wareejiyay gurigiisa ayaan ugu danbeyn raadsaney meel aan salka dhulka la helno, si aan u gudo galno wareysiga dhumucdiisa.

Waxaan ku koray magaalada Kristiansand oo aan degenaa ilaa aan kasoo guuray sanad kahor. Markii aan yaraa waxaan xiiseyn jiray tartamo kala duwan oo ay kamid tahay dabaasha, kubada cagta, orodka, iyo waliba tartankan doon wadida(doonta usha lagu wado). Tartamadaas waxay ii ahaayeen kuwo hoppy ah oo aan sameeyo xiliyada fasaxyada, laakiin markii aan soo gaaray 10 sano ayaan dareemay inuu igu jiro awood sporti oo wax badan ka badan tan dhamaan saaxiibadii aan la tartami jirey. Waxaan wixii intaas ka danbeeyay xooga saarey tartanka dabaasha iyo doon wadida, aniga oo marmarna ka qaybgali jirey tartamada orodada. Sidoo kale waxaan cagta wadada guuleysiga, aniga oo isla sanadkaasba ku guuleystay kaalimaha koowaad ee tartamo badan oo aan ka qaybgalay, gaar ahaana doon-wadida oo aan u muuqdey inaan xiiso gaar ah u hayay.

skjermbilde-2016-09-10-kl-15-34-4112 sano markaan jirey ayuu magaceydu si weyn uga dhex muuqdey warbaahinta lokalka ah ee deegaanka aan ku noolaa, iyaga oo qiray inaan leeyahay awood iyo hibo gaar ahaaneed oo xaga tartanka doon wadida ah. Waxaa sanadkaas magaceygu uu noqday magac uu afka ku hayo qof walba oo deegaanka ku nool, gaar ahaaneed dadka wax ka qora ama xiiseeyo ciyaaraha.

Sanadadii ka danbeeyay waxaan joojiyay tartamadii badnaa ee aan ka qeybgalayay, si aan awoodeyda ugu soo koobo labo ama hal tartan. Waxaan igu adkaatay inaan doorasho qaato, maadaama aan tartamada dhamaantood ku wada fiicnaa, laakiin ugu danbeyn waxaan go-aansaday inaan xooga saaro tartanka dabaasha iyo kan doon wadista.

Halkan ka daawo Hakeem oo 12 jir ah oo  la gudoonsiinayo bilad sharafeed. 

[adsenseyu1]

11371034_1496526990641058_1257471110_nWaxaan ku guuleystay oo aan kaalinta koowaad ka galay, tartanka doon wadida dhalinyarada 18-ka ka yar ee Norwey oo dhan, waxaan hadana ku guuleystay tartanka doon wadista dhalinyarada ee wadamada Nordica oo dhan. Hadana waxaan usii gudbey tartamada doon wadista wadamada yurub oo dhan, oo aan isna kaalinta labaad ka galay. Mar kale ayaan hadana ku wada guuleystay dhamaan tartamada aan ka qayb galay oo dhan, aniga oo markana ku guuleystay kan qaarada yurub oo dhan. Isku dar waxaan ku guuleystay 43 biladood oo dahab ah.

 

 

 

Hakeem-på-pallenBishil July ee sanadkan 2016 ayaan markii ugu horeysay ka qaybqaatay tartanka doon wadista  dhalinyarada ee caalamka oo dhan ah, oo sanadkan ka dhacayay wadanka Belerus. Waxay ii ahayd xusuus gaar ah inaan ka qaybqaato tartanka oo ka qaybgalayeen dhalinyaro ka socoto 45 dowladood oo caalamka ah. Intaan la galin tartanka ayaan waxaa marka hore la qabtay  3 tartan oo  is reeb-reeb ah, inta aan la gaarin tartanka kama danbeysta. Dhamaan kulamadii is reeb-reebka ahaa, waxaan kusoo baxay kaalinta koowaad, aniga oo muran la-aan u gudbay tartanka kama danbeysta.

Jawigu waa mid wax badan ka duwan kii aan la qabtay ee Norwey ama Nordica. Qof walba oo ka qaybgalayo tartanka kama danbeysta, waxaan guul aheyn kama gadanto. Nin walbaa wuxuu banaanka la imaanayaa wixii awood iyo xeelad kujirtey. Aniga laftirkeyga waxaan banaanka soo dhigay wixii awood iyo xirfad igu jirtay, laakiin ma aanan galin kaalinta koowaad ee waxaan galay kaalinta 3-aad. Waxaana sidaas ku noqdey qofkii ugu horeeyay ee norwiiji ah ee bilad kaga guuleysta, tartankaad doon wadida dhalinyarada ee caalamka.

Inkasta oo aanan galin kaalinta koowaad ama labaad, hadana waxaan aad ugu farxey inaan bilad heer caalami aan helo. Runtii farqi weyn ayaa u dhaxeeyo, marka aad bilad adoo wado aad guriga timaado iyo markaad adoo faro maran aad soo noqoto. 

[adsenseyu1]

 

-Af Soomaaliga ma aqaano, laakiin inaan soomaali ahay waan ku faanaa.

Ku dhawaad 20 daqiiqo oo aan ka hadleynay taariikhda nololeed hakeem ee dhanka sportiga, ayaan damacney inaan jaleecno qaybaha kale ee noloshiisa. Waxaan waydiinay bal inuu af soomaaliga yaqaano, Somalia uu u safrey ama uu soomaalida xiriir la leeyahay.

Maya, af soomaaliga ma aqaano sababtoo ah lama soo korin cid ku hadasho af soomaali. Run ahaantii waxaad tihiin dad tirada yar ee soomaalida ah, oo aan la kulmey. Aniga iyo wiil kale oo walaalkeey ah oo isna aabihii uu soomaali yaheyba, waxaa nasoo korisay ayeeyday.  Aabahey oo magaciisa uu yahay Adam Jamac xitaa maanta dadka kama aqaano, waayo waxaa iigu danbeysay aniga oo aad u yar. Waxaan heystaa oo kali ah sawirkiisa, waxaana la ii sheegay inuu Norwey yimid sanadadii sideetamaadka, isaga oo Sivilingeniør ka baran jiray mid kamid ah jaamacadaha Norwey. Sidoo kale qoyskeyga xaga aabe qof kama garanayo, wax xiriir ah oo aan Soomaaliya la leeyahay ma jirto.

 

ksbu6sliyddjsu6e1hbrownslvu0ckkw0yfsirz1yeig

Waxaana nolosheyda inta badan aan la noolaa ayeeyday oo aniga iyo walaalkeyba noo aheyd hooyo iyo aabe. Ayeeyday waa qofka kali ah ee aa nolosheyda heerka aan maanta taagnahay isoo gaarsiisay. Waxay ii ahayd macalin, aabe, hooyo, tababare iyo waliba dhiiri-galiye. Waxay rabtey inay u guurto wadankan Spain, laakiin aniga darteey ayay iyada oo da¨ah u baaqatay, si ay noo koriso.  Maanta halkaan iguma iina soo booqateen, oo magaceygu iyo anigaba meel ma gaari laheyn, hadii aysan jirin laheyn ayeeyday oo ah qofka abaalka ugu weyn aan u hayo nolosheyda.

Marka uu halkas marina ayuu Hakeem fadhiga ka boodey, waxa uuna qolkiisa jiifka kala soo boodey sawirka kaliya ee uu noo sheegay inuu aabihii ka heysto

Inkasta oo aanan af soomaaliga aqoon, ama aan soomaalida ama Somalia aan xiriir la laheyn, hadana waxaan ogahay in dhiigeydu uu soomaali yahay. Waana wax aan aad ugu faanay, uguna faraxsanahay. Waxaan aad u xiiseeya inaan daawado tartamada Mo Farah oo aniga ii ah halyeey aan aad ugu daydo, waayo wuxuu mar walbe oo aan arko isaga oo ku guuleystay bilad dahab ah oo heer caalami, waxaa anigana i galo dareen ah in biladaas oo kale aan mar uun qoorta la ii suri doono.

-Hadafkeygu waa tartanka olymbikada ee Tokyo sanadka 2020.

Hadafka ugu weyn ama yoolka kali ah ee higsanayo afarta sano ee socoto, waa tartamada olymbikada ee ka dhici doono Tokto Japan, canada 2020. Waxaan rabaan inaan tartankaas ka qaybqaato, aana guulo kasoo hoyo. Si ay taas u dhacdana, waa inaan hada aan bilaabaa tababar aan kala go laheyn. Waxaan sidoo kale ka qaybgali doonaa tartamo kale oo kala duwan, laakiin dhamaantood waxay iisii ahaan doonaan wado maris, si aniga oo dhan walba ka diyaarsan aan u aado Tokyo sanadka 2020.

Hada waxa kaliya ee aan qabto waa inaan iskuul, tababar, cunto iyo jiif. Waxaan usoo guuray sanad kahor magaalada Bærum, si aan u dhigto iskuulka sare ee sportiga Norwey, si aan u siyaadsado aqoon sporti oo dheeraad ah. Waxaan sidoo kale ka tirsanahay koox aan la tababarto, tartamadana aan magaceeda uga qaybgalo.

Taageero la-aan dhaqaale:

Waxaan rabaa inaan 100% xooga saaro sportiga, si ay taas u dhacdana waa inaan helo cid i taageerto dhaqaale ahaan. Waxaan jiro shirkado norwiiji ah oo hada wax xoogaa i taageero dhaqaale ahaan, laakiin walina iguma filno si aan meel isaga dhigo fakarka dhaqaale, oo aan uga soo jeesto kan ciyaaraha. Sidaas darteed hadey jiraan shirkado raba inaan magacooda xayaysiiyo, ayagana ii fidiyo taageero dhaqaale, aad baan usoo dhaweyn lahaa. Runtii tartanka doon wadida ee Norwey ma ahan mid caan ah, marka la bar-bar dhigo kan wadamada kale ee caalamka. Sidaas darteed hadii aadan aheyn qof weyn oo caan ah, waxaa adag inaad hesho shirkado ku taageero dhaqaale ahaan. Laakiin waxaan filayaa hadii aan mar kale kaalin fiican ka galo tartan kale oo caalami ah, inay jiri doonaan shirkado i taageero shaqaale ahaan.  

Shirkadii raba inay taageero dhaqaale u fidiso Hakeem ama qofkii raba inuu ku taageero hamigiisa ciyaareed, waxa uu kala xiriiri karaa halkan: SPONSOR.ME/Hakeem Teland


 

Norges best junior-padler, (Halvt norske, halvt somaliske)Hakeem Teland (18) Fra Kristiansand.
«Jeg padler kun for gull, og målet mitt er å bli verdens beste padler»

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x