torsdag, april 25, 2024

Denmark: Iskuul kutaalo Denmark oo ardeyda ukala qaybiyay dhalad iyo soo galooti

Maamulka dugsi sare oo kuyaalo wadanka Denmark, ayaa amray in ardeyda iskuulkaas dhigata loo kala sooco kuwa daanish-ka dhaladka ah iyo kuwa ajaanibta ah. Iskuulkan oo lugu magacaabo Langkaer ayaa wuxuu ku yaala gobolka Århus ee dalkaasi. Dugsigan ayaa ku dhaqaaqay talaabo ah in loo kala qeybiyo sadex fasal oo ardeyda dhigataa ay leeyihiin magacyadooda dambe ( magagaca waalidka) Jensen iyo Hansen, halka ardeyda kale aan heeysan magacyada daanish-ka meel la iskugu leexiyo, si ay noqdaan 50-50 oo siman.

Maamulaha iskuulkaas Yago Bundgaard oo u waramayey wargeyska lugu magacaabo Jyllandsposten, ayaa sheegay in talaabadaasi uu qaaday kadib markii uu arkey in ardeyda dhaladka Danishka ay iskuulka ku yaraanayaan, kuwii soo galana ay sanad kabacdi iskuul kale u badalanayaan.  
Wuxuu sheegay in sanadkii 2007 ardeyda ajaaniibta ah ee iskuulka dhigataa ay ahaan jireen 25%, hada sanadkan 2016 ay noqdeen 80%.  Hadii ardeyda dhaladka la dhex geeyo fasal ay ku badanyihiin ardey ajaaniib ah, waxaad ku adkaanayso inay sifiican iskuulka uga soo baxaan, sidaas darteed ayay iskuulkan uga baxaan oo mid kale u badashaan.

[adsenseyu1]

Wasiirada arimaha soo galootiga ee dalka Denmark Inger Støjberg, ayaa  barteeda facebooka soo dhigtay qoraal ay ku muujinayso taageerada ay u heyso talaabada uu qaaday maamulaha iskuulkan, iyada oo sheegtay inay go-aan sax ah ay tahay in ardeyda dhaladka danishka ah la geeyo fasal ay ka heli karaan dhamaan waxyaabaha ay xanbaarsantahay nolosha dhalinyarnimo ee dhaqanka dadka danishka. Waxayna hadalkeeda raacisay in go-aankan uusan aheyn mid faquuq ama midabtakoor ah, balse ay tahay go-aan ay xal bidi karaan maamulayaasha iskuulada ay ku badanyihiin ardeyda ajaaniibta ah.

Wasiirada waxbarashada wadankaas ayaa ayadu ka gaabsatay inay taageero u muujiso ama dhaleeceyn u jeediso maamulaha iskuulka, balse ka codsatay inuu la yimaado sharaxaad lagu qanci karo. Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay inay qalad noqon karto in ardeyda loo kala qaybiyo jinsiyado iyada oo aan la eegin waxyaabaha kale ee saameyn kara nolosha ardeyda ee iskuulka. 

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa la dagaalama midabtakoorka ayaa talaabada maamulaha iyo iskuulkiisa ku tilmaamey mid midabtakoor iyo fuquuq ay ku dheehantahay ah.  Nanna Krusaa, oo ah qareen ka tirsan machadka xaquuqda aadanaha, ayaa tilmaantay in kala sooc lugu sameeyo ardey iskuul ay iyaddu qiimeynteedu muujineyso mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Talaabada uu ku dhaqaaqay maamulka dugsigaasi, ayaa waxaa ay abuurtay guux dhinacyo badan leh. Ninka lugu magacaabo Niels Egelund oo ah Macalin wax ka dhiga jaamacadda Århus, ayaa dhinaciisa sheegay in talaabo ceynkaas ah ku dhaqaaqi lahaa haddii uu isagu ahaan lahaan maamule. Inkastoo sida uu ku doodayo hadalkiisa u muuqan karo mid laga dheehan karo cunsurinimo, hadana wuxuu farta ku fiiqay in ardeyda deenish-ka eeysan iskuuladoodu ka noqon kuwa laga tirada badan yahay.

-Denmark waxaa ay ka mid tahay dalalka sida weyn looga dhex arko cadaadiska xagga cunsurinimada leh ee lugula kaco ajaanibta, iyada oo wax ka badan ka duwan wadamada Norwey iyo Sweden. 


En videregående skole i Danmark samler etnisk danske elever i egne klasser, mens tospråklige elever må gå i rene innvandrerklasser. Prøveprosjektet har vakt sterke reaksjone..les mer på norsk/dansk her:

Xigasho/kilde: NRK, JyllandPosten [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x