fredag, april 19, 2024

Aabe soomaali ah oo lagu xukumay sideed sano, kadib dhaawac uu u geystay gabadhiisa

Aabe soomaali ah oo 31 jir ayaa maanta maxkamada Oslo ay ku xukuntay sideed sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu dhaawac weyn gaarsiiyay gabar yar oo uu asagu dhalay. Hooyada dhashey gabadha  ayaa sidoo kale ay maxkamadu ku xukuntay 10 bilood. 

Sida laga hor akhriyay maxkamada maanta, waxaa aabahan la sheegay inuu jug ama nabar gaarsiiyay gabadhiisa, taas oo sababtay in uu dhaawac gabadha yar kasoo gaadho maskaxda iyo qaybo madaxa kamid ah. Waxayna maxkamadu sheegtay aabahu uu xanaaq iyo caro kala duldhacay gabadha yar, kadib markii ay ku dhacday hurdo la-aan iyo xanaaq uu ka qaaday in xaaskiisu ay guriga ka baxday, iyada oo aan horey usii wadan gabadha yar.  Dacwad oogaha dowlada ayaa markii hore codsaday in aabahan lagu xukumo 9 sano, laakiin maxkamada ayaa xukunka ka dhigtay 8 sano.

Thomas Randby oo ah qareenka difaacayay aabaha ayaa warbaahinta u sheegay in aabuhu uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamada. Qareenka ayaa sidoo sheegay in aabuhu uusan ku qanacsaneyn sida ay maxkamadu u qiimeysay cadeymahii lasoo bandhigay, isaga oo raaciyay in maxkamadu ay iska indho-tirtey sharaxaadii uu ka bixiyay qaabka ay wax u dhaceen. Aabahan ayaa horey isaga fogeeyay eedeymahan loo soo jeediyay, isaga oo sheegay in gabadha uu ku dhacay xusulkiisa/jiqilkiisa xili ay wada hardeen joodari dhulka yaalo.

Halkan ka akhri qoraalkii aan horey uga qorney arintan.  [adsenseyu1]

Maxkamada ayaa sidoo kale gabadha yar u ansixisay inay hesho lacag magdhow ah oo isku dar gaarayso 10,5 milyan. Waxaana la sheegay in lacagtan lagu taakuleyn doono gabadhan oo xaaladeeda caafimaad ay tahay mid laga deyrinayo.

Hooyada dhashey gabadha yar ayaa sidoo kale lagu xukumay 10 bilood oo xarig ah. 4 bilood oo tobankaas kamid ahna, waxaa ku xiran shuruud. Iyada oo sidoo kale laga jarey 115 habeen oo ay xabsiga horey ugu qaadatay bilowdii dhacdadan.  Waxaana hooyada lagu eedeeyay inaysan gabadha yar ula cararin dhakhtarka, kadib markii uu dhaawaca soo gaaray.

Hooyada ayaa maxkamada ka horsheegtay in subaxaas ay dhibtu dhacday, ay ku maqneyd balan ay ku laheyd xafiiska NAV ee Sagene Oslo. Markii ay guriga timid oo ay damacday inay gabadha yar isbitaal geysana, uu aabuhu ka hor istaagay isaga oo ka cabsi qaba in barnevernka ama boolisku ay arinta ogaadaan.

Maxkamada ayaan u garaabin sharaxaada hooyada, iyada oo sheegtay in hooyadu ay heysatay fursado badan oo ay gabadha dhakhtarka ama legevaktaha ku geyn kartey. Waxayna maxamadu sheegtay in hooyada ay gabadha isbitaalka geyn kartey, dhowr mar oo uu aabuhu banaanka ku maqnaa. 

Qoyskan soomaalida ah ayaa degenaa xaafada Sandaker ee magaalada Oslo. Aabaha ayaa Norwey degan 11 sano, isaga oo heysto dhalashada wadankan, halka hooyaduna ay Norway timid 2013. Waxayna hooyaduu dhigataa iskuul luuqada ah. 


En mann (31) er dømt til åtte års fengsel i Oslo tingrett for å ha påført sin fire uker gamle datter kragebeinsbrudd, kraniebrudd og omfattende varige hjerneskader. Barnets mor (25) er dømt for å ikke ha tatt med den livstruende skadde jenta til legevakta før etter halvannet døgn. Hun dømmes til ti måneders fengsel, men seks av disse gjøres betinget. Hun får fradrag for 115 dager i varetek. Foreldreparet kommer opprinnelig fra Somalia…Les mer på norsk her:

Xigasho/Kilde: NRK, VG, Dagbladet.

[adsenseyu1]

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x