Waxaa maalintii shaley ahayd lasoo bandhigay tirada guud ee dadka Norwey iska soo dhiibay lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2016, iyo inta qof ee heshay ama loo diiday sharciga magangalyada. Isku dar dad gaarayo 2250 ayaa Norway magangalyo weydiistey lixdii bilood ee ugu horeeyay sanadkan.

Shanta wadan oo ay dadka ugu badan ee magangalyo doonka ah ay ka yimaadeen sanadkan waa Siiriya, Afgaanistaan, Ereteriya, Ciraaq, iyo Soomaaliya. Waxaa muuqato in inta-badan dadkii sanadkan Norway magangalyada waydiistay ay heleen diidmo, marka laga reebo magangalyo-doonayaasha ka yimid wadamada Siiriya iyo Ereteriya. Dadka ugu badan ee diidmada helayna waa dadka ka yimid wadamada Ciraaq, Afgaanistaan iyo Soomaaliya. 

[adsenseyu2]

Dadka gaarayo 109 qof oo Soomaaliya ka yimid ayaa lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan iska soo dhiibey Norwey, waxaana sharciga helay 15%(shan iyo toban boqolkiiba). Waxayna u dhigantaa qiyaas ahaan 16 qof. Liiska lasoo saarey sifiican uma qeexayo in dadka intiisa kale ay diidmo heleen ama aan wali loo soo jawaabin.

Liiska dadka kale ee Norwey iska soo dhiibay sanadkan, jawaabtana helay waxay u kala baxaan sidatan:

Siiriya: 269 qof :  waxaana sharciga helay helay 88% oo u dhiganta qiyaastii 237 qof oo kamid ah 269 qof ee isdhiibay.

Ereteriya: 145 qof: Waxaa sharciga helay 94% oo u dhiganta qiyaastii 144 qof. 

Soomaaliya: 109 qof: Waxaa sharciga helay 15% oo u dhiganta 16 qof.

Ciraaq: 145 qof: waxaa diidmo helay 94% kamid ah, oo u dhiganta 144 qof.

Afgaanistaan: 239 qof: waxaa diidmo helay 77% kamid ah oo u dhiganta qiyaastii 184 qof.

Listhaug: Norwey haku soo soo hungoobin.

Laanta socdaalka ee UDI-da ayaa dhankeeda sheegayso in guud ahaan dadka isa soo dhiibay sanadkan ay u badanyihiin kuwo heli doona diidmo, sidaas darteed ay hada isku diyaarinayaan inay dajiyaan system fududeynaya in dadka sharciga loo diido, dib loogu celiyo wadankoodii ama meelihii ay ka yimaadeen.

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi listhaug ayaa sheegtay in dadka ugu badan ee Norwey iska soo dhiibo hada ay xaq u laheyn inay helaan magangalyo, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dadka aysan isku soo lugeyn Norwey, maadaama aysan wax mustaqbal iyo nolol ah aysan ka heli doonin halkan.

Dad badan oo kasoo jeedo wadamada qaar, xaqna aan u laheyn inay magangalyo helaan ayaa nolol fiican u raadinayo naftooda iyo tan caruurtoodaba. Waan fahansanahay dareenkooda, laakiin waxaan kula talin lahaa inay nolol fiican u raadsadaan wadan kale oo aan Norwey aheyn.  Waa muhiim in fariintaas ku saabsan inaysan Norwey sharci ka heli doonin ay gaarto dadka, inta aysan deyn is gelin ama iibin guryahooda iyo wixii kale oo ay hanti ahaan u heysteen.

Hadalka Listhaug ayaa kusoo aadayo xili ay safar ugu muqantahay xarunta qaramada midoobey ee New York. Halkaas oo uu ka socdo shir ku saabsan xakameynta iyo wax ka qabashada xaalada qoxootiga caalamka. Waxaana safarkeeda ku weheliyo reysulwasaaraha Norwey Erna Solberg. 

Sadex isbuuc kahor ayay dowlada Norwey sameysay kaamam  xabsi ahaan ah oo lagu xareeyo dadka sharciga loo diiday ee la rabo in wadanka laga saaro. Waxaana dadka halkaas lagu xiray kamid ah caruur aad u yar-yar oo la socdey waalidkood oo sharciga loo diiday, wadankana laga saari rabay.  Waxayna arintaas xadgudub ku tahay sharciga qaramada midoobey ee dhigaya in caruurta yar-yar aan la xiri karin wax ka badan 24 saac.

Saxaafada Norway qaarkood ayaa qoreysa in Erna iyo listhaug ay New-York ay u aadeen, si ay wax ka badal ugu sameeyaan qaar kamid ah xeerarka qoxootiga caalamka, gaar ahaan kuwa la xiriira caruurta aan qaangaarin ee magangalyo doonka ah. Waxaana ay arintan kusoo aadeysaa kadib markii dowlada Norwey lagu eedeeyay inay xero xabsi ahaan ugu heyso caruur magangalyo doon ah, oo qaarkood ay ka yaryihiin 10 sano.

Xigasho: VG-(papiravis(20-9-2016, side 16).[adsenseyu2][adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz