onsdag, april 17, 2024

Wiil soomaali ah oo laga ceyriyay koox kubada cagta ah, kadib markii ay hooyadii diiday inay iibiso bakhtiyaa-nasiib(lodd)

Foto: Tom Gustavsen/Romerikes Blad.

Isbuucii hore ayaa wiilkan soomaaliga ah laga ceyriyay tababarka dhalinyarada kooxda Strømmen iyada oo aan loo sheegin sababta. Hooyadii oo lagu magacaabo Shamira Mahamed ayay maamulka kooxdu  u direen waraaq e-post ah oo loogu sheegayo in wiilkeedu uusan ka qaybqaadin karin tababarka kooxda, ilaa laga bixinayo lacag dhan 787,05 oo kooxdu sanad walbe laba jeer ay kasoo uruuriso baqtiyaa-nasiib(lodd) la iibiyo. 

Hooyada dhashay wiilkan ayaa sheegtay in arintan ay tahay mid aan loo qaadin karin, maadaama lacagta xubinimada kooxda iyo tababarkaba ay bixiyaan kommunaha. Hooyada ayaa wargayska localka ah ee Romerikes Blad u sheegtay: in wiilkeedu uusan marki hore ka warqabin sababta tababarka looga saaray ilaa ay iyadu warqadan heshay.  Waxayna arintan ku tilmaantay mid aad looga xumaado, maadaama uu wiilkeedu aad u jecelyahay kubada cagta, isla markaana ay tahay wax aad u xiiseeyo ciyaaristeeda xiliyada firaaqada. 

Shamira Mahamed ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ka qaybqaadan karin iibinta baqtiyaa-nasiibka(lodd), maadaama aysan ku banaaneyn shareeco ahaan diinteeda, Iyada oo intaas ku dartay in iibinta baqtiyaa nasiibku uu yahay qayb kamid ah khamaarka. Diinta islaamkana ay mamnuucday in qofku uu ka qaybqaato wax kasta oo ku lug leg khamaarka.  Waxay iga codsanayaan inaan sameeyo wax aan la ii ogoleyn sameyntooda ayayna hadalkeeda ku dartay hooyadan oo Norwey timid 11 sano kahor.  Hooyadana ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay ku dhaqaaqdo sameynta wax kasta oo arintan lagu xalin karo, maadaama uu wiilkeedu kubada cagta aad u xiiseeyo.

[adsenseyu1]

Waxaan diyaar u ahay inaan ka qaybqaato dugnadka( iskaa wax u qabso), walibana aan sameeyo dugnad dheeri ah si aan u kabo lacagta kooxda ka dhiman, ee kasoo gali laheyd iibinta baqtiyaa-nasiibka. Waan ogahay in dad kale oo muslimiin ah ay iibiyaan baqtiyaa nasiibka, laakiin aniga kaligey unbaa hor istaagi doono ilaahay markii aan dhinto. Kaligey unbaa ka jawaabi doono su aalaha iiga imaan doono waxyaabihii aan doortey inaan sameeyay nolosheyda. Sidaas darteedna waa doorasho aan aniga uun la i waydiin doono.

Berit Thorbjørnsrud oo ah macalimad taariikhda iyo diimaha ka dhigto jaamacada Oslo ayaa sheegtay inaysan horey u maqlin arinta Shamiro oo kale, laakiin ay ku saxsantahay in khamaarka guud ahaan uu yahay wax la mamnuucay shareecada islaamka. iyada oo intaas ku dartay in baqtiyaa nasiib loo iibinayo in wax looga qabto dadweynaha, loo fasiro khamaar ay tahay arin fasiraadeeda la adkeeyay. Berit ayaa hooyadan ka codsatay inay arinta ula tagto dadka aqoonta dheer u leh, muhiimaduna ay tahay in lana sameeyo wixii u fiican wiilkan 1o-sano jirka ah.

Wargayska Romerikes Blad ayaa xiriir la sameeyay waalidiin kale oo ka cabanayo arintan baqtiyaa-nasiib iibinta. Waalidiinta qaarkood ayaa sheegay in khamaarku uu yahay wax xaaraan ah shareeco ahaan, isla markaana ay tahay in maamulka kooxdu uu arintaas qadarin iyo xurmo ku siiyo waalidka dhalay ilmaha, oo aan lagu qasbin ama ilmahooda laga saarin tababarka kooxda. 

Morten Teigen oo ah maamulaha kooxda dhalinyarada Strømmen ayaa sheegay sidoo xaqiijiyay in wiilkan tababarka looga saaray, maadaama uusan bixin lacagtaas kooxda kasoo gasha iibinta baqtiyaa-nasiibka. Morten ayaa sheegay in baqtiyaa ay u iibiyaan si hoos loogu dhigo qarashaadka kooxda, waana sharciga kooxda in qofkii aan bixin lacagtaas kooxda laga saarayo tababarka.

Maamulaha kooxda ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeyso oo uu maqlo in baqtiyaa nasiibku uu yahan xaaraan diinta islaamka. Isaga oo sheegay in maamulka kooxda ay arintan dib uga fariisan doonaan. Morten ayaa sidoo kale u sheegay RB in Hadii la bixiyo lacagta xubinimada kooxdu uu wiilkan kusoo noqon karo tababarka kooxda.

Xigasho/kilde: Romerikes Blad [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x