torsdag, mars 28, 2024

war deg-deg ah: 19 jir soomaali-norwiiji ah oo loo qabtay weerar dad mindi lagu laayay magaalada London

War daqiiqado kahor kasoo baxay booliska magaalada London ayaa sheegaya in qofkii xalay geystay weerarka mindida loo adeegsaday uu ahaa wiil soomaali norwiiji ah, da-diisuna ay tahay 19 sano jir. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay haweenay 60 jir, halka ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof oo kale. Wiilkan oo ay xalay boolisku ka qabten goobta uu falka ka dhacay ayaa markii hore la geeyay isbitaal lagu daweeyay, kadibna loo dhaadhiciyay xabsi kuyaal magaalada,  iyada oo hada lagu soo oogay dacwad dil ah oo uu gaystay.

Booliska London ayaa sheegayo in ilaa hada aysan heyn wax cadeyn ah oo sheegi karo in wiilkan weerarka gaystay uu kamid ahaa kooxo xagjir ah. Waxayna intaas ku dareen in ay ka cabsi qabaan in wiilkan uusan maskaxiyan(mental) dhamaystirneen, arintaas ay udub dhexaad u noqon doonto baaritaanka falka weerarka ah. Wararka qaar ayaa sheegayo in wiilkan uu Norwey ka guuray sanadkii 2002,  ilaa mudadaasna uu degenaa wadanka ingiriiska. 

Haweenayda weerarka ku dhimatay ayaa kasoo jeedo wadanka Mareykankanka, halka dadka ku dhaawacmeyna ay kasoo jeedaan wadamada U.K, Israel, Australia iyo U.S.A. 

Wasaarada arimaha dibada Norwey ayaa sheegtay in booliska London uu kusoo wargaliyay arintan, ayna si hoose ula socon doonaan wixii kusoo kordha baaritaanka. 

Wixii warar dheeraad ah oo kusoo kordha arintan, dib ayaan kasoo galin doonaa. 

Xigasho/kilde: Aftenposten, NRK, VG, Dagbladet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x