tirsdag, mars 19, 2024

Sheekadii passportka oo mar kale soo cusboonatay iyo 77.000 qof oo khatar ugu jiro in loo diido galitaanka iyo visaha wadamada qaarkood

77.000 qof oo ajnabi ah ama dad tiro ahaan le eg dhamaan dadka degan magaalada Fredrikstad oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Norwey, ayaa khatar ugu jiro inay dhibaatooyin kala kulmaan garoomada diyaaradaha ee wadamada qaarkood. Inkasta oo booliska Norwey ay badaleen sheekadii muranka weyn dhalisay ee ku saabsaneyd in passportka dhalashada(norsk pass) ee dadka ka yimid 31 wadan loogu qoro (ukjent) meesha dhalashada, hadana waxaa soo badanayo dadka ka cabanayo in ay baaritaano dheeraad ah ay  kala kulmeen garoomada diyaaradaha ee wadamada qaarkood. Waxay sheegeen in si ka duwan sida dadka kale loo baaro, maadaama uu passportkooda aysan ku qorneyn meesha ay ku dhasheen, arintaas oo keeni karto shaki xaga aqoonsigooda ah.

Safaarada mareykanka ayaa sidoo kale wargayska klassekampen u xaqiijiya in qofkii passportkiisa aysan ku qorneyn meesha uu ku dhashay, loo diidi karo in uu helo  Visaba Mareykanka( ogolaanshaha galitaanka mareykanka).

Dadka lasoo korsoday(adoptert) ayaa la siiyay fursad passportkooda loogu qori karo meesha dhalashada, hadii ay keenaan warqad cadeynayso magaaladii laga soo adopt-gareystay ama laga soo kaxeeyay markii ay yaraayeen.  Arintan ayaana dhalisay dood cusub oo ku saabsan in qaab cadaalad ah aan loola wada dhaqmin dadka ajaaniibta ah ee aan wadanka ku dhalan.

Tusaale ahaan qofkii lasoo korsoday ee ku dhashay India, waxaa loogu qorayaa magaalada dhalashada, hadii uu keeno warqada cadeynta magaalada laga soo kaxeystay. Laakiin qofkii si caadi ah ugu dhashay India, waxaa loogu qorayaa oo kali wadanka uu ku dhashay ee India, iyada oo aan lagu qorin magaaladii uu India kaga dhashay. Waxaa intaas dheer in qof walbe uu lasoo korsoday uusan keeni karin warqad cadeyn karta magaalada uu ku dhashay, maadaama laga yaabo inay kasoo wareegatay mudo 40 sano kor u dhaafi karto.

[adsenseyu1]

Booliska ayaa horey u sheegay in arintan ay u arkeen xal lagama maarmaan ah, inta laga helayo xal kale. Iyaga oo sheegay in wadahadalo kula jiraan folkeregisterka(diiwaanka dowliga ah), iyaga oo raadinayo qaab kale oo lagu xaliyo dhibta dadkan kasoo wajahday in meesha ay ku dhasheen loo diiwaan galiyo.

Ururka la dagaalanka fuquuqa ay hay-adaha dowladu kula kacaan dadka shacabka ah(OMOD) ayaa arintay si aad ah uga soo horjeeday ilaa bilowgii, iyaga ku tilmaamay inuusan aheyn xalka saxda ah ee looga hortagi karey dhibtan. OMOD ayaa sidoo kale codsaday in boolisku ay dib uga noqdaan go-aankoodi ku saabsanaa in qofka ku dhashay 31-daas wadan loogu qoro wadanka uu ku dhashay oo kaliya, iyada aan loogu qorin magaalada uu ku dhashay. Waxay sidoo kale cadeeyeen inay xiriir lasoo sameeyeen dad baaritaan dheeraad ah kala kulmay garoomada diyaaradaha wadamada qaarkood. 

Xigasho/kilde: Klassekampen.no [adsenseyu1]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x