Torbjørn Røe Isaksen (H): Wasiirka waxbarashada Norway
Wasiirka waxbarashada Norwey Torbjørn Røe Isaksen , xisbiga Høyre

Wasaarada waxbarashada wadankan Norwey ayaa sanadkii hore soo saartay sharci cusub oo ku saabsan maqnaanshaha ardeyda ee dugsiga sare ee Norwey. Sharcigan cusub oo dhaqan-galkiisu uu ka bilaabanayo sanad dugsiyeedkan 2016/2017, ayaa dhigaya in hadii ardeyda uu xiisada ka maqnaando 10% aanan la siin doonin shahaado, xitaa hadii uu imtixaanka maadada uu ku baaso.

Tusaale ahaan: xiisada xisaabta waxay sanadka koowaad ee dugsiga sare ka koobantahay 140 xiisadood. Hadji uu ardeyga macno la-aan ku maqnaado 14 xiiso oo kamid ah 14o-kaas xiisadood , ma uu helayo shahaado maadadaas ah si kasta oo uu ugu baaso imtixaanka kama dambeysta ah.

Hadii uu ardeygu xiisada uga maqnaado xanuun darteed, lana yimaado warqad ka timid dhakhtarka, looma xisaabanayo maqnaansho. Sidoo kale hadii uu ardeygu ku maqnaado howlo shaqo oo la xiriira iskuulka, ama xisbi siyaasiyadeed oo kujirto, looma xisaabanayo maqnaansho hadii uu keeno warqad cadeyn ah.

Waxaa iyadna xusuusid mudan in hadii uu ardeygu uusan helin karakterka(natiijada) maado kamid ah maadooyinka uu dhigta, uusan heli doonin shahaado dugsi sare(Vitnemål), sidaasna ay ku noqon karto sanad ama labo sano oo ardeyga kaga khasaartay maqnaanshaha uu ka maqnaa hal maado.

Tusaale ahaan: hadii aad dugsiga sare(videregående) ku dhigatay 24 maado, oo aad 23 kamid ka haysatid karakterka 6(100%) iyo 5(90-95%), aadna ku dhacdid maadada 24-aad, ma helaysid shahaado dugsiga sare sanadkaas, ilaa aad dib usoo qaadato aadna ku baastid imtixaanka maadadaas. 

Wasiirka waxbarashada Norwey Torbjørn Røe Isaksen ayaa sanadkii hore sheegay in sharcigan ay usoo rogeen si meesha looga saaro maqnaanshaha tirada badan ee ardeygu ee ka maqanyihiin xiisadaha iyada oo aan lala xisaabtameyn. Isaga oo sidoo kale sheegay in hadii uu ardeygu wax badan ka maqanyahay xiisada iskuulka, uusan si fiican ugu baasi karin imtixaanka maadada, taas oo aakhirka keeni karta in uu ardeydu ka dhaco iskuulka.

Dalada ay ku mideysanyihiin ururada ardeyda wadanka ayaa arintan si aad ah uga soo horjeesatay, iyaga oo ku dacwoonaya in imaanshaha iskuulka aysan ka turjumeyn ku fiicnaanta ardeyda ee xiisadaha maadooyinka qaarkood. Waxayna sheegeen in ardey badan ay iskood wax isku baraan, iyaga oo aan xiisada imaanin. Balse hadalkaas ardeyda looma garaabin, oo wasiirka ayaa sharcigan meelmariyay sanadkii hore, isaga oo dhaqan galkiisana uu ka bilaabanayo sanad dugsiyeedkan 2016/2017

Warbixino kala duwan iyo baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ardeyda soomaalida ay yihiin kuwo uga badan ee sabab-la aanta uga maqnaado xiisadaha iskuulka dugsiga sare iyo kan dhexe. Sidaas darteed waxaan aad ugala talineynaa waalidiinta soomaalida ah ee ku dhaqan Norwey, inay la socdaan maqnaanshaha iskuulka ee ilmahooda. Ogow mustaqbalkaagu wadankan ma ahan passport guduud ah oo aad qaadatid, ayuuto afar gacmood ah oo aad gashid iyo guryo dabaqyo ah oo aad ka dhisato Nairobi. Mustaqbalkaaga dhabta ah ee wadankan waa kan ilmahaaga ay ku leeyihiin wadankan. Mustaqbalka ilmahaagana waa kan iskuulkiisa.

Fadlan warkan gaarsii oo la qaybso dhamaan ardeyda soomaalida ah ee dhigata dugsiyada sare ama waalidiinta dhalay ardey dhigata dugsiga sare.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no [adsenseyu1]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz