onsdag, april 24, 2024

Captanka kooxda Waryaa Stars fc: Waxaan ka doorbidayaa in dhiigeygu uu dhulka ku dhamaado inta aan arki lahaa kooxdeyda oo laga badiyay

Foto: Siciid dheere/NorSom News

Kooxda waryaa stars ee koobka Norwey-cupka ku mataleysay Soomaaliya ayaa maanta badiyay labo kulan oo isku xigo, iskana xaadiriyay wareega sideeda ee dhalinyarada 15 ilaa 16 jirada. Waryaa stars ayaa saaka aroortii sadex iyo eber(3-0) uga badiyay kooxda Frigg Oslo FK, iyadana maanta duhurnimadiina hal iyo eber(1-0) ku macasalaameeyay kooxda Austrheim IL. Kooxda Waryaa stars ayaa ilaa hada inta uu koobka uu socday waxaa laga dhaliyay hal gool, iyaga iskudarna dhaliyay 14 gool.

Dhalinyaradan ayaa maanta ciyaartoodii danbe  oo ay ku badiyeen hal iyo eberka ciyaariyay kubad ku dhisan ama kubada ama ninka(Hadey kubadu i dhaafto, qofka kubada wato ayaan i dhaafeyn), iyaga oo diiday in weeraryahanada kooxda kale Austrheim ay usoo dhawaadaan gooshooda. Waxaa kooxda ka muuqday dhisnaan koox ahaaneed, kalsooni xad dhaaf ah iyo hami sare oo  ay ku hamiyeen inay badiyeen afarta kulan ee u dhiman isla markaana ay sidaas koobka ku qaadaan.  

[adsenseyu1]

DSC_0252Kaptan kooxda Hassan yare ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray sanka, halkaas oo  dhiig badana uu ka daatay xili lagu jiray kulankii danbe ee maanta. Maamulka ciyaarta ayaa hassan kula taliyay inuu fadhiisto, maadaama uu dhiig badan ka socdo, balse Hassan ayaa diiday inuu ka baxo garoonka, isaga oo ku adkeestay inuu dhamaysto ciyaarta maadaama hadii uu garoonka ka baxo uu arkey in kooxda durba laga keeni karo goolka ay ciyaarta ku hogaaminayeen. Hassan ayaa NorSom News u sheegay:

Waxaan ka doorbidayaa in dhamaan waxa dhiig igu jiraba uu dhulka ku wada daato, inta aan banaanka ka daawan lahaa kooxdeyda oo laga badiyay,iyo calankeyga oo laga reebay calamada sii surnaan doono garoonka uu tartanku ka socdo.

Macalinka kooxdan ayaa sidoo kale ka codsaday soomaalida degan Norwey, gaar ahaan Oslo inay garoonka usoo xaadiraan oo dhiirigalin siiyaan dhalinyaradan, maadaama hada laso o gaaray wareegyadii ugu danbeeyay ee koobka, iyada oo ciyaarba ciyaarta ka danbeyso ay kooxuhu sii adkaanayaan.

Kulanka xiga ee kooxdan ayaa dhici doona maalinta barito ah, saacada 09:00 AM, waxa uu ka dhici doonaa garoonka Ekeberg ee lixaad. Hadii ay kulankaas badiyaan, waxa ay isla baritaba la ciyaari doonaan koox kale saacada: 13:30.

Halkan kala soco natiijoonka kooxdan: Norweycup.no

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x