torsdag, mars 28, 2024

Cilmi-baaris: caruurta soomaalida iyo ajaaniibta kale lama geeyo goobaha caruurta caafimaadka maskaxdooda lagu baaro

Cilmibaaris cusub oo dhawaan soo baxday ayaa tibaaxayso in caruurta ajaaniibtu oo ay soomaalidu kamid tahay aanan looga faa-iideyn adeegyada laga bixiyo goobaha caruurta caafimaadkooda maskax-ahaaneed lagu baaro(barne- og ungdomspsykiatrien, (PUB).  Waxayna sheegeen ilmaha aan ku dhalan Norwey ama labadiisa waalidba ay ka yimaadeen wadan kale, aysan inta badan ka faa-iidaysan adeegyada ay bixiyaan xarumahaas.

Waxaana cilmibaaristan sameeyay machadka koriinka oo ah qayb kamid ah machadyada hoos taga Høgskolaha Oslo iyo Akershus. Cilmibaarayaasha shaqadan qabtay ayaa sidoo kale sheegay in markii hore ay ka shaki qabeen jiritaanka arintan, iyaga oo baaritaanka kadib ogaaday in ay arintan tahay xaqiiqo u baahan in lagu xisaabtamo, maadaama la socoshada caafimaadka ilmaha inta uu yaryahay ay tahay arin laga maarmaan ah. 

Cilmibaaristan ayaa lagu soo bandhigay shir looga hadlayay caafimaadka soo galootiga qaarada Yurub oo bishii Juni ka dhacay machadka caafimaadka ee Høgskolaha Oslo iyo Akershus. Waxaa shirkaas lagu soo bandhigay cilmibaaris noocan oo kale ah oo sanadkii 2002 lagu sameeyay wadanka Holand, iyada labada cilmibaarisba ay isku waafaqeen jiritaanka in caruurta soo galoootiga aan lageynin goobaha lagu baaro caafimaadka maskax-ahaaneed ee caruurta. 

Baahida ay caruurta ajaaniibta ah u qabaan in la baaro caafimaadkooda maskax-ahaaneed ayaa lamid ah ama ka badan baahinada ay caruurta norwiijiga u qabaan arintan. Cilmibaaris kale oo iyadna goor hore kasoo baxday isla machadkan ayaa sheegayso in ajaaniibtu, gaar ahaan caruurta ay dhaleen ay maskax ahaan ka caafimaad yar-yaryihiin bulshada inteeda kale. 

[adsenseyu1]

Caruurta da´doodu ay u dhaxayso 0-9 sano ayaana ugu badan kuwo aan helin adeegyada caafimaadka maskax ahaaneed oo ay u baahnaayeen. Waxaana la ogyahay in dhibaatada maskax ahaaneed ee uu ilmuhu la kulmo marka uu jir inta u dhaxayso 1 ilaa 6 sano ay tahay mid saameyn weyn ku yeelato noloshiisha danbe. Caruurta ay waalidkood ka yimaadeen wadamada Somalia, Pakistan, Poland, Srilanka iyo Irak ayaana ugu badan kuwo aan la geyn goobaha lagu baaro caafimaadka maskaxda caruurta. 

Cilmibaaristan oo soo baxday mudo kahor ayaa ay hada warbaahinta wadankan Norwey aad u hadalheysaa, maadaama uu wiilkii soomaali-norwiijiga  ahaa ee ingiriiska dadka ku laayay la sheegayo inuu maskax ahaan u xanuunsanaa. Sidoo kale weerarkii lagu dilay sagaalka qof ee ka dhacay Germanka isbuucyo kahor, ayaa waxaa fuliyay wiil Iiraani ah oo maskax ahaan ujirinaa.

Bulshadeena soomaaliyeed ee wadankan ku dhaqan waxay shaki weyn ka qabtaa goobaha ay dowladu gacanta ku hayso ee lagu baaro caafimaadka ilmaha guud ahaanba. Inaga oo aaminsan in hadii ilmaheena ay wax ka qaldanyihiin ay Barnevernku nasoo dhexgalayaan ama waxaan ka baqnaa in sirta qoyskeena ay banaanka imaato. Waana mid kamid ah sababaha keenayso in caruurteena aanan badanaa geynin goobaha caafimaadka, ilaa nalooga yeero ama ay danta nagu qasabto ma ahaane. Shakiga aan ka qabno systemka dowliga ah ee wadankan ayaa ah mid u baahan baaritaankiisa gaarka ah, maadaama wax badan ay inaga iyo caruurteenaba ay na seegaan inta aan isleenahay yeysan gaaladu ku ogaane wax ka qarso. 

XIGASHO/KILDE: HIOA, BARNEHAGE.NO 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x