torsdag, mars 28, 2024

Bergen: Waalidiin soomaali ah oo internetka ka bilaabay olole ay uga soo horjeedaan in dowladu ay gabdhaha yar-yar gudniin ka baarto, iyada oo aan ogaysiin waalidiinta

Qaar kamid ah waalidiinta soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan ayaa barta internetka ka bilaabay olole ay sheegeen inay uga soo horjeedaan xadgudubka iyo faquuqa goonida ah oo ay hay-adaha dowladu kula kacaan gabdhaha yar-yar ee soomaalida ah. Xadgudubkaas oo ku saabsan in hay-adaha dowladu ay gabdhaha yar-yar ka baaraan inay gudanyihiin, iyada oo aan lala tashan ama la ogaysiin waalidkii dhalay. Ololahan ayaa ah mid ay waalidiintu ku doonayaan saxiixyada dadka ay sida gaarka ah arintan u taabanayso, si banaanka loo keeno baaxada iyo saameynta ay arintana leedahay.

Waalidiintan ololaha bilaabay ayaa ah kuwo dhalay caruur ay hay-adaha dowladu ka baareen inay gudanyihiin, iyaga oo aan lasoo ogeysiin. Waxayna sheegeen inay ka warqabaan in ugu yaraan 152 gabdhood oo soomaali ah ay hay-adaha dowladu baaritaan ku sameeyeen, waalidiintii dhaleyna aan fasax la waydiisan ama lagala tashan. Sida uu tvga qaranka Norwey sheegay 2 bilood kahor, dhamaan gabdhahaas la baaray waxaa laga waayay mid la guday iyada oo Norwey degan. 

Halkan ka akhri warbixintan NRK [adsenseyu1]

Ololehan oo ay waalidiintan ka bilaabeen barta caanka ah ee Opprop.net ayay sheegeen inay rabaan kaga cowdaan arintan oo ay u arkaan dhibaato iyo xadgudub ay hay-adaha dowladu kula kacaan gabdhahan yar-yar iyo waliba waalidiintoodaba. Waxayna intaas ku dareen in arintan ay dhaawac maskaxeed iyo mid jir ahaaneedka u keeni karto nafsadooda, maadaama ay dareensanyihiin in si gooni ah loo faquuqay. 

Mid kamid waalidiinta howshan abaabulay oo xiriir la soo sameeyay NorSom News ayaa ka codsaday dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey inay kala qaybqaataan ololahan, ayna saxiixooda ku biiriyaan si arintan dhaawaca weyn u ah dadka soomaaliyeed wax looga qabto. Aabahan oo dhalay gabar yar oo gudniin laga baaray isaga oo aan la ogaysiin ayaa noo sheegay in dareenkii xanuunka lahaa ee uu ka qaaday arintaas, uu u go-aansaday inuu howshan bilaabo si waalid kale oo soomaali ah uusan ula kulmin dhibtii uu isagu la kulmay. Wuxuuna sheegay inuu rajo weyn ku qabo in ololehan uu wax weyn ka badali karo qaabka loola dhaqmo waalidiinta soomaaliyeed ee caruurta ku haysta wadankan.

in Ilaa hada dad gaarayo 52 qof ayaa saxiixooda iyo codkooda ku biiriyay olahan, qofkii raba inuu codkiisa iyo saxiixiisa ku biiriyo, waxa uu uga qaybqaadan karaa halkan:

Stigmatisert av myndighetene/ Underskriftskampanje

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x