fredag, april 19, 2024

Abdullahi Allason oo si weyn uga soo horjeestay mamnuucida hijaabka iskuulka

Cabdulaahi Allason oo ah siyaasi soomaali ah oo katirsan xisbiga AP, kana mid ah golaha deegaanka ee magaalada Kristiansand ayaa si weyn uga soo horjeestay go-aanka ku saabsan in xijaabka laga mamnuuco iskuulada caruurta Norwey. Allason ayaa sheegay in go-aankan uu salka ku hayo fikir aan qayb ka qaadan karin isku soo dhaweynta bulshada, kuna saabsan (anaga iyo iyaga).

Allason ayaa sheegay in ay qalad tahay in hijaabka laga mamnuuco iskuulada, iyada oo aan la qaadin talaabooyin kale oo caruurta ajnabiga ah ay uga mid noqon karaan mujtamac weynaha Norwey. Isaga intaas ku daray in hadaba ay jirto farqi weyn oo u dhaxeeyo dadka wadanka ku wada nool, ayna noqonayso dhibaato aan laga kabsan karin hadii dadka qaarkii loo she ego inaysan iskuulada imaan karin, sababtoo ah waxaa wadataan xijaab. Allason ayaa tusaale usoo qaatay in ay hadaba jirto in caruurta qaarkeed aysan ka qaybgalin xafladaha dhalashada(Bursdag) ama kuwa dabaal-dega christmiska , laakiin aysan taas micnaheeda aheyn in lasoo rago sharci sheegaya in caruurta aan ka qaybqaadan xafladahaas lagu qasbo inay imaadaan. 

[adsenseyu1]

Xildhibaankan reer Kristiansand oo mudo badan ka shaqaynayay howlaha isku soo dhaweynta bulshada ayaa intaas ku daray in waxa ugu muhiimsan ay tahay in waalid walba uu sameeyo waxa uu isleeyahay wax u fiicanyihiin ilmihiisa. Isaga oo intaas ku daray in hadii la rabo in lagu guulaysto isku soo dhaweynta bulshada la siiyo qof walba ikhtiyaar iyo fursad oo go-aan uga gaaro waxa u fiican isaga.

Hadalka Cabdullahi Allason ayaa kusoo aadayo maalmo kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Norwey ay soo jeediyeen in xijaabka gabi ahaanba laga mamnuuco iskuulada caruurta Norwey, waxaana xildhibaanada go-aanka soo jeediyay kamid ahaa kuwo ka tirsan xisbiga Allason uu ka tirsanyahay ee Ap.

Helene Bjerke Fredheim oo ah siyaasi ka tirsan FRP, lagana soo doorto deegaankaas ayaa iyadna sheegtay in wax lala yaabo ay tahay in Allason uu si cad uga soo horjeedo soo jeedin ka timid xisbiga uu isaga ka tirsanyahay ee AP. Waxayna intaas ku dartay in FRP uu awalba dagaal ugu jiray sidii xijaabka looga mamnuuci lahaa iskuulada, hadana ay ku faraxsanyihiin in xisbiyada kale ay kusoo raacaan.

Helene ayaa sheegayso inay jiraan caruur ajnabi ah oo xijaabka iska tuura marka ay iskuulka joogaan, iyaga oo gashta marka ay iskuulka ka baxayaan. Taasna ay u sameynayaan cabsida ay ka qabaan waalidiintooda oo ku qasbayo xirashada xijaabka. Sidaas darteedna ay muhiim tahay in ilmaha aan lagu qasbin inuu kusii dhexjiro system uusan rabin inuu qayb ka ahaado..

Cabdullaahi Allason ayaa ugu danbeyn u sheegay wargayska Lokalka ah ee Fædrelandsvennen in dadka soo galootiga ah ay kasoo qaxeen wadamo iyo deegaano qofka loo yeerinayo waxa uu xiran karo iyo waxa uusan xiran karin, ayna wax lagu xumaado tahay in meeshii ay nolosha iyo nabada usoo raadsadeen ay ugu imaadaan sharci kale oo u sheegaya waxa aysan xiran karin iyo waxa ay xiran karaan. Allason ayaa sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in ikhtiyaar la siiyo waalidka  si ay go-aan uga gaaraan in ilmahooda uu xijaabka iskuulka ku xirto iyo inuu iska daayo. Isla markaana la adkeeyo in iskuulka uu ahaado meel dadka dhan ka dhaxeeyo.

Xigasho/kilde: Fædrelandsvennen papir-avis( 12-08-2016, side 4) [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x