torsdag, april 25, 2024

UDI: Ninkaagu hadii uu reer jabuuti yahay, adigana reer jabuuti ayaa tahay

Bartamihii sanadkii hore ee 2015 ayay laanta socdaalka ee UDI-du sheegtay inay ku dabo jirta xaqiijinta dhalashada dad soomaali ah oo 100 gaaraya, kuwaas oo ay sheegtay inay ka shakisantahay dhalashadooda. Waxayna UDI-da sheegtay in dadkaas badankoodu ay ka yimaadeen wadamada dariska la ah Soomaaliya, sida Jabuuti , Ethopia, Kenya iyo waliba Tanzania. Su aalaha dad badan is waydiin jireen ayaa ah, sidee ayuu ku dhashay shakigan ay UDI-du u qaaday dadkan ay sheegtay inay ka beensheegeen asalkooda iyo hab ama qaab noocee ah ayay ku xaqiijin doonaan arintaan.

[adsenseyu1]

Dadka ay UDI-du dabagalka ku haysay waxaa kamid ah Muniiro Cusmaan oo mudo dhowr iyo toban sano ah ku noolayd wadankan Norwey, ahna hooyo haysato caruur yar-yar. Muniiro oo u waramaysay laanta afka soomaaliga ee idaacada codka mareykanka, ayaa sheegtay inay rabeen inay u baxaan sommerferie ugu baxaan Afrika, si ay usoo arkaan ninkeeda waalidkiisa, maadaama uu aabihiin xanuunsanayay. sidaas darteedna ay la xiriirtay laanta socdaalka oo gacanta ku haysay passportka mid kamid caruurteeda oo wadankan ku dhashay, balse aan wali helin sharciga dhalashada wadankan. Si ay u waydiiso sababta ay wali u haystaan sharciga wiilkeeda yar. Muniiro ayaa sheegtay inay labo isbuuc kadib ay waraaq ka heshay laanta socdaalka ee UDI-da, waraaqdaas oo lagu sheegayo in iyada laga shakisanyahay dhalashadeeda, maadaama walaalkeed xaga hooyo ah oo xiriir xaga facebooga ah la sameeyay dad reer jabuuti. Hadii ay mudo labo isbuuc ah ku keeni waydo cadeyna arintaas beenin kartana, lagala noqon doono sharciga dhalashada wadanka, isla markaana wadanka laga saari doono.(Codka Muniiro, hoos ka dhagayso).

Warbaahinta NorSom News ayaa isku day-day inay xiriir la samayso Muniiro si aan macluumaad dheeri ah uga helno arintan la yaabka leh oo ay UDI-du sida fudud ugu cuskanayso inay sharciga dhalashada wadankan ay kala noqoto, qof wadanka degenaa mudo intaas le-eg wadankan degenaa. Nooma suurtagalin inaan helno Muniiro. Balse Mid kamid ah dadka aadka uga agdhow, xiriirka joogtada ahna la leh Muniiro, ayaa noo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ee gabadhan loogu dhaganyahay ay tahay in ninkeedu uu reer jabuuti yahay, Isla markaana ay UDI-du ku eedaysay in ayadna ay Jabuuti ka timid, isla markaana ay  ka beensheegtay dhalashadeeda. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x