torsdag, mars 28, 2024

Sylvi Listhaug: waxaan ku fakarayaa inaan siyaasada isaga baxo

Wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka dowlada Norwey Sylvi Listhaug ayaa maanta soo saartay war aan laga filaneyn, kaas oo ah inay qiimeyn ku sameyn doonto kusii jiritaankeeda siyaasada. Waxayna sheegtay in ay siyaasada iyo shaqadeeda ay galisay waqti muhiim ah oo ay la qaadan lahayd qoyskeeda, gaar ahaan caruurteeda. Listhaug oo 39 sano jir ah ayaa siyaasada kusoo gashay dhalinyaranimo, iyada oo jagooyin kala duwan oo hoose kasoo qabatay xisbiga ay ka tirsantahay ee FRP, inta aan sanadkii 2013 loo magacaabin wasiirka kaluumaysiga. Dhamaadkii sanadkii 2015 ayaa laga badalay jagadaas, iyada oo loo magacaabay wasiirka soo galootiga. 

Way adagtahay in aad noqoto siyaasi aktiv ah oo ay saxaafadu mar walbe wax ka qorto, isla markaana aad ahaato hooyo haysato caruur yar-yar. Cunugeyga oo shan sano jir ah ayaa maqlay isaga oo leh: hooyadey mar walbe shaqo ayay kujirtaa. shakina kuma jiro in marka aad maqasho ereyo noocaas oo kale uu ku galayo fikir ah inaad dib u qiimeyn ku samayso kusii jiritaankaada siyaasada. Sidaas darteed, waxaan rabaa in aan si fiican uga fakaro go aankan inta lagu jiro xiliga sommerka, maadaama uu yahay go aan weyn oo saameyn ku yeelan doono nolosheyda iyo tan waliba qoyskeyga. Waxaan ka fakari doonaa in aan isku soo sharaxo jagada baarlamanka wadanka marka la gaaro sanadka 2017. 

Sylvi ayaa mudadii yareyd oo ay xilkan haysay noqotay qof ay mar walbe saxaafada wadanku iyo kuwo aduunkaba hadal hayso, iyada oo ay ka hadlaan talaabo walbe oo ay qaado, maadaama lagu bartay go aan qalafsanaan, iyo iyada oo aan u aabo yeelin fikirka dadka kale, balse samayso waxa ay ayadu u aragto inay sax yihiin. Mudo kooban ayay shacbiyad aad u badan ku dhex yeelatay xisbigeeda xagjirka ah ee FRP, iyada oo dhan kalena colaad ay u qaadeen dad badan oo u arka inay Listhaug ay sawir qaldan ka bixinayso wadankan Norwey iyo dadkiisaba. Waxay sheegtay in naceybkaa iyo hadalheynta badan ee magaceeda lagu hadal hayo saxaafada ay dhaawac u gaysan karto koritaanka iyo mustaqbalka labadeeda cunug.

fc3226fa-e8be-448b-a270-365483f5efd8Gudoomiyihii hore ee xisbiga FRP Carl I. Hagen ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xidig usoo baxaysay xisbigooda ay dib u eegis ku sameyn doonto kusii jiritaankeeda siyaasada iyo xisbigaba. Wuxuuna sheegay in Sylvi ay ahayd qofka uu u dooran lahaa inay hogaamiso xisbiga FRP, Siv Jensen marka ay xilka ka dagto kadib.  Carl I. Hagen oo xisbiga FRP hogaamin jiray mudo badan, ayaa sida Sylvi Listhaug oo kale siyaasi fikir adag, aadna u neceb soo galootiga, gaar ahaan kuwo muslimiinta ah. Inkasta oo uu hada yahay howlgab(pensjon), hadana waxa uu wali yahay hogaamiyaha ruuxiga ah ee xisbiga FRP. 

Saxaafada wadanka qaarkeed ayaa saaka qorayay in Sylvi Listhaug ay ka cabsi qabto marka la gaaro doorashada sanadka 2017,  ay dib ugu soo noqon waydo jagada wasiirnimo, loona dooran waayo xildhibaanimo. Sidaas darteedna ay arintan ka tahay hor-dhac iyo xeeladaysi, hadii ay lacala soo noqon waydo.

Xigasho: Aftenposten

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x