Qoyskan oo in mudo ah dagenaa guryaha dowlada ee kommunaha Lillehamar ayaa lagu wargaliyay inay guriga isaga guuraan oo guri kale gataan ama kireystaan, maadaama uu aabaha qoysku helay shaqo joogto ah, isla markaana uusan ku jirin xaalad dhaqaale oo adag. Ilaa iyo sanadkii hore ayay familkan sheegeen inay kujireen guri raadis, balse aysan wali helin guri kiro ah oo ay degaan.  

17 guri oo banaan ayay qoyskan sheegeen inay arkeen, laakiin loo diiday in laga kireeyo. Mararka qaarkood toos ayaaba loogu sheegaa oo waxaa la dhahaa soomaali ma rabno inaan guriga soo dajino, halka mararka kalena si dadban loogu sheego inaan la rabin in guriga laga kireeyo. Raali naga ahaada, guriga hada ma kireyn karno, gurigii waa la  idinka hor kireystay, soomaali ma rabno inaan guri ka kireeno iyo dib ayaan jawaabta idinka soo siin doonaa ayaana kamid ah waxyaabaha loogu jawaabo. 

Aabaha Qoyska oo u waramayay wargayska lokalka ah ee Gudbrandsdølen Dagningen ayaa sheegay in arintan ay ku hayso wel-wel badan maadaama aysan wali helin guri ay degaan. Wuxuu intaas ku daray inuu si joogto ah ugu shaqeeyo kommunaha lillehamar,  isla markaana uu awoodo, diyaarna u yahay inuu 12 000 NOK ka bixiyo guri sadex qol ah. Qoyskan ayaa ka kooban aabe, hooyo iyo laba gabdhood oo waaweyn oo ay dhaleen. Mid amid ah gabdhihiisa ayaa sidoo kale baratay, kana shaqayso caafimaadka, wuxuuna aabahan sheegay in aysan dhib ku qabin lacagta kirada ah bixinteeda, laakiin aysan helin cid ay guri ka kireystaan.

Wargayska warbixinta ka qoray qoyskan ayaa sheegay in dhibta familkan haysato lagu xalin karo inay lacag deyn ah ka qaataan bankiga, ayna iibsadaan guri milkiyad ah oo ay iyagu leeyihiin. Laakiin aabaha familkan ayaa sheegay inuusan rabin inuu qaato lacag ribo ah, maadaama ay tahay arin shareeco ahaan xaga diinta islaamka aan banaaneyn . Sidaas darteedna ay doorbidayaan inay helaan guri  kiro ahaan ay u dagaan.

Aabaha qoyska ayaa sidoo sheegay in uu rabo inuu sii degenaado magaalada lillehamar oo uu inta mudo ah kunoolaa, magaaladana uu ku dhex yeeshay saaxiibo isugu jiro ajnabi iyo norwiijiba. Sidoo kale wuxuu sheegay in mid amid ah gabdhihiisa oo caruur yar-yar haysato ay magaalada dhinac ka degantahay, sidaas darteedna uusan rabin inuu u guuro magaalo kale. 

Dhibta bulshada soomaaliyeed ka haysato guryaha kuma koobna qoyskan oo kaliya. Meel walbe oo ay bulshadeeba soomaaliyeed ay ka joogto Norwey, waxay ka cabataa in hadii loo aqoonsado soomaali ahaan, aan guryaha laga ijaarin. Warbixin iyo cilmibaaris ay laanta tirakoobka ee SSB iyo hay-ada cilmibaarista bulshada ee PRIO midba si gooni ah usoo saareen, ayay ku sheegeen in bulshada soomaaliyeed ay dhib gaar ah ku qabaan suuqa kireynta guryaha gaarka loo leeyahay. Waxayna sababaha ugu waaweyn ee arintaas keenayso ay ku macneeyeen:

  1. qoysaska soomaalida oo dhala ilmo badan, iyo guryaha Norwey ee kuyaalo magaalooyinka waaweyn oo aad u yar-yar.

  2. caruurta oo aan banaanka loo saarin wax badan isla markaana guriga dhexdiisa ku ciyaara. Waxayna sheegeen in caruurta soomaalidu ay inta badan waxyeelo gaarsiiyaan daaqadaha iyo albaabada guriga gudahiisa iyo banaankiisaba. 

  3. Dariska oo marar badan cabasho ka gudbiya qaylada qoysaska soomaalida ee xiliyada danbe ee habeenkii. 

  4. Milkiilayaasha iska leh guryaha gaarka loo leeyahay oo aan rabin inay guryaha ka kireeyaan cid caawimaad ka hesho dowlada, isla markaana doorbidayo inay ka kireeyaan cid shaqaysato oo kirada iskood isaga bixin kara.

  5. Soomaalida oo aan rabin inay guri iibsadaan oo systemka ribada diin ahaan u diidaya. 

XIGASHO/KILDE: GD.NO  

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of