fredag, april 19, 2024

Qareenka guud ee Norwey: Ninkii booliska ahaa ee xabada ku dhuftay gabadha soomaalida ah Grønland, waxa uu sameeyay wax sharci ah

Qareenka guud ee dowlada Norwey ayaa maanta soo saaray war qoraal ah oo ku cadeynayo in ninkii booliska ahaa xabada ku dhuftay gabadha soomaalida ah sanadkii 2015,  uu sameeyay wax laga maar-maan ah oo sharciga waafaqsan. Waxa uuna sheegay in marka uu ninka booliska ah sameynayay falkan uu ahaa mid qasban. Falkan ayaa dhacay kadib markii ay boolisku heleen telefoon loogu sheegayo in qof dumar ahi ay mindi ku dili rabo ilmo yar. 

Kooxda booliska Norwey u qaabilsan baarida iyo xukumida danbiyada ka dhaca askarta ka tirsan booliska(Spesialenheten) ayaa ayagana dhankooda kowdii bisha juni ee sanadkan soo saaray warbixin ay ku cadeynayaan in ninkan uusan galin wax danbi ah, maadaama uu ku qasbanaa arintan. Waxa ayna sheegeen in ninkan uu u cabsanayay naftiisa iyo nafta dadka kale ee meesha joogay. 

Halkan ka akhri qoraalkooda: Askarigii xabada ku dhuftay gabadha soomaalida ah Grønland oo la sheegay inuusan qalad galin

Qareenka matalayay gabadhan soomaalida ah ayaa racfaan u diray qareenka guud ee dowlada Norwey, isaga oo ka codsaday in keyska gabadha oo ay Spesialenheten ay laaleen aan halkaas lagu xirin ee dib loo baaro. Balse qareenka guud ee Norwey ayaa maanta sheegay inuu ku waafaqsanyahay Spesialenheten in ninka booliska ah uu sameeyay wax sharci ah, oo qasbanaa marka uu xabada ku dhufanayay gabadhan 18 september 2015. 

Booliska ayaan ilaa hada kala cadeyn su aalo badan oo ay dadku, gaar haan soomaalida Norwey ay iswaydiinayeen:

Bilowgii dhacdada waxay warbaahinta u sheegeen oo meel walba ku faaftay in gabadhan ay mindi nafta uga jari rabtay wiil yar oo goobta ku sugnaa, balse gadaal danbe ayay hadana ka sheegeen in wiilka yar uusan khatar ku jirin ee ninka booliska ah uu ahaa midka khatarta kujiro.  

Markii ay gabadha xabada ku dhufteen kadib, ma aysan sugin baabuurta gar-gaarka deg-dega ah oo xaqiijin kartay, macluumaad dheeri ahna ka bixin kartay sida ay wax u dhaceen, balse waxay gabadha si qaabdaro ah ugu qaadeen mid kamid ah baabuurta booliska. 

Iyada oo uu jiro muran ku aadan sababta uu xabada u riday ninkan booliska ah, ayuu si caadi ah usii watay shaqadiisa ilaa ay soomaalidu mudaharaad weyn ku codsatay in ninkan shaqada laga fariisiyo ugu yaraan ilaa inta uu baaritaanku socdo. Shaqada lagama fariisin ee meeshii uu ka shaqeyn jiray ayaa laga badalay, asaga oo sii watay shaqadiisa boolisnimo. 

Xigasho: Aftenposten 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x