lørdag, april 20, 2024

Liibaan Vs Abdisalaan: Markii ugu horeysay taariikhda oo labo ciyaaryahan oo soomaali ah ay isaga hor imaadaan horyaalka koowaad ee kubada cagta Norwey

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 16-07-2016, waxaa garoonka Haugesund stadion ee magaalada Haugesund, ka dhacday ciyaar si weyn loo wada sugayay oo u dhaxaysay kooxda Viking oo ka dhisan magaalada Stavanger iyo kooxda Haugesund. Waxayna ciyaartan kusoo idlaatay 4-1, oo ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Haugesund. Ciyaartan ayaa noqonaysa mid taariikhda u gali doonta jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, maadaama ay ahayd markii ugu horeysay ee taariikhda labo wiil oo soomaali ah oo u kala safan laba kooxood oo Norwiiji ah ay isaga hor yimaadeen horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta wadankan Norwey. Cabdisalaam Ibrahim Cadaay oo ah halbowlaha khadka dhexe ee kooxda Viking iyo liibaan Abdi oo weerarka uga ciyaara kooxda Haugesund.

Liibaan Cabdi oo 27 sano jir ah ayaa afar maalin kahor(12-juli-2016) kusoo biiray kooxda Haugesund, waxa uuna kulankan ahaa kii ugu horeeyay ee uu u saftay kooxdan. Liibaan oo ciyaarta kusoo galay badal daqiiqadii 57-aad ayaa 29 daqiiqo kadib dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxdiisan cusub (Goolasha ciyaarta hoos ka fiirso). Haugesund ayaa isbuucii hore iska dirtay macalinkeedii hore ee Mark Dempseys, waxaana kursiga macalinimo ee kooxda si kumeel gaar ah u hayo Andrea Loberto oo ahaa tababare ku xigeenkii hore ee Dempseys. Loberto oo asalkiisu talyaani yahay ayaa go aansaday inuu ciyaarta soo galiyo Liibaan Cabdi oo afar maalin uun kahor kusoo biiray kooxda. Waxa ayna u muuqataa in Loberto uu ku liibaanay go-aankaas, maadaama uu Liibaan soo bandhigay ciyaar heer sarayso iyo hamuun uu qabo inuu dhaliyo goolal badan.

Horyaalada wadamada Ingiriiska, Portugiiska, Hungary iyo Turkiga ayuu liibaan horey uga soo ciyaaray. Waxayna warbaahinta Norwey liibaan uga yeeri jireen laacibka norwiijiga ah ee la xaqiray, maadaama isaga oo ka ciyaaro horyaalo waaweyn oo heer caalami ah, aan waligiis looga yeerin xulka qaranka Norwey. Macalinkii hore ee xulka Norwey Egil Olsen Drillo ayaa wax badan warbaahintu ku eedeyn jireen inuu si ula kac ah indhaha uga qarsan jiray qaab ciyaareedka Liibaan Cabdi oo wax badan ka ciyaar fiicnaa laacibiin badan oo xulka qaranka Norwey ugu ciyaar jirtay, qaab 4.5 ahaan ah. Liibaan oo caraysnaa in aan waligiis looga yeerin xulka qaranka, ayaa kadib markii uu dhaliyay goolka afaraad lasoo baxay funaanad ay ku qorantahay (ukjent) oo ka dhigan lama yaqaan. Warbaahinta Norwey qaarkeed ayaa qoraysay inuu liibaan rabo inuu hada isbaro jamaahiirta kubada cagta ee Norwey, maadaama markii hore laga xaqiray in boos laga siiyo xulka qaranka wadankan. Warbaahinta NorSom News ayaa isku day-day inaan xiriir la sameeno liibaan, laakiin noorma suurtagalin, 

 

Halkan ka daawo ciyaarta: Viking Vs Haugesund. Abdisalaam Vs Liibaan

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x