fredag, mars 29, 2024

Labo wiil oo soomaali ah oo guulo waaweyn kasoo hoyay tartan ciyaareedka orodka fudud ee Bislet Stadion

 

Ahmed Sadiq(Bidix) Abdirahman biixi (Midig)

Waxaa shalay oo arbaco ahayd ku qabsoomay garoonka ciyaaraha fudud ee Bislet Stadion, tartanka orodada fudud ee la ciyaaro xiliga xagaaga. Waxaana tartankan kasoo qaybgalo xagaa walba dhalinyaro boqolaal gaarayso oo ka kala yimid dhamaan daafadaha Norwey, iyaga oo raba inay tijaabiyaan inta uu dhanyahay awooda orodkooda. Sidoo kale waxaa tar-tankan goob joog ka ahaa macalimiin iyo agaasimayaal ka socdo kooxo badan oo raba inay xushaan orodyahanka ay isleeyihiin wuu idin anfici doonaa mustaqbalka.

Dhalinyarada sanadkan ka qaybgashay tartanka waxaa kamid ahaa sadex wiil oo soomaali ah. labo kamid ah waxay ku buuxiyeen dhamaan shuruudihii laga rabay inuu la yimaado qof walbe oo raba inuu ka qaybgalo tar-tarka, halka wiilka sadexaadna uu nasiib u yeelan waayay sanadkan,  inuu u gudba tartanka orodka. Labada wiil ee orodka ka qaybgashay ee soomaalida ah waxay kala ahaayeen Ahmed-Saadiq Deeq Abdiyare iyo Abdirahim Dahir. 

Ahmed-Saadiq oo ka qaybgalay tartanka orodka dhererkiisu yahay 200 mitir iyo kan 400 mitir, waxa uuna ku guulaystay kaalinta koowaad tartanka 400 mitir, halka tartanka 200 mitirna uu galay kaalinta labaad, waxaana kaalinta koowaad looga qaaday wax ka yar labo ilbiriqsi.

Abdirahim Dahir oo asagu u tartamayay tartanka orodka dhererkiisu 800 m iyo kan 1500 m ayaan nasiib u yeelan inuu dhamaystirto oradkiisa sanadkan, maadaama uu dhaawac lugta uu soo gaaray kadib markii uu orday boqolkii mitir ee ugu horeeyay ee tartanka 800. Waxaana isaga oo aad u murugaysan la fadhiisiyay tarabuunka, maadaama uusan sii wadan karin orodka. Dhaawaca ayuu Abdirahim sheegay inuu ahaa mid uu horey u qabay, balse uu u malaynayay inuu ka bogsooday. Marka uu bilaabay xawaaraha orodkiisa ayuu durbo bilaabay inuu dhutiyo, tartankana ka haro. Abdirahim ayaa horey dhowr jeer uga qaybgalay tartanka orodka 800 ee horyaalka Norwey oo dhan, waxa uuna mar ka galay kaalinta labaad, mar kalena kaalinta sadexaad.

Dadaal, gaari doontide.

Inkasta oo tartankan xagaaga uusan aheyn mid rasmi ah, hadana waxay labadan wiil muujiyeen dadaal, hami iyo geesinimo aad u weyn. Waxay tababar iyo isdiyaarin ku jireen sanadkan oo dhan, iyaga oo leh hami ah inay ka miro dhaliyaan hadafkooda ah inay horumar ka gaaraan tartanka orodka ciyaaraha fudud. Labadooduba waxay NorSom News u sheegeen inay rabaan inay marka koowaad ku guulaystaan tartamada Norwey, kadibna ay usii gudbaan kuwo caalamka. Labada wiilba waxay ka tirsanyihiin hal koox oo orodada ah, sidoo kale waxay noo sheegeen in habeen iyo maalin walba si joogto ah, ay ugu jiraan tababar iyo almiito ka baxsan kan ay la qaataan kooxda. Sidoo kale waxay noo sheegeen inay tababar iyo aqoon kororsi ay u aadi doonaan wadanka Ethopia, halkaas oo rajeynayaan inay kusoo tababartaan dhulka buuraleyda ah ee Ethopia. (Hoos ka daawo waraysiyada aan ka qaadnay dhalinyaradan).

Garoonka uu ka dhacayay orodka maanta waa Bislet Stadion, waxa 15 daqiiqo u jiraa xaafada ay soomaalidu ku badanyihiin, ganacsigana ay ku haystaan ee Grønland. Marka laga reebo dhowr wariye oo warbaahinta soomaalida ka socotay, majirin dad soomaali ah oo joogay garoonka, dhiirigalin iyo taageerana siinayay labadan wiil ee dhalinyarada ah. Halka dhamaan ciyaartoyda kale ee aan soomaalida aheyn, ay garab taagnaayeen ugu yaraan 50 qof oo isugu jiro qaraabo iyo asxaab, lana garab taagnaa taageero af iyo gacanba ah.  Labada wiilba waxay qireen in arinta taageero la-aanta ay kamid tahay waxyaalaha mararka qaarkood dib u hakiyo guulahooda.

Ahmed-Sadiq iyo Abdirahman Dahir waa dhalinyaro dadaalayso, lehna hadaf cad oo ah inay guulo waaweyn ka gaaraan tartanka orodka wadankan Norwey iyo kan caalamka. Sidaas darteed waa muhiim in bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ay garab siiyaan, niyad-dhis iyo taageerana isugu daraan marka ay ka qabgalayaan tartanada ciyaaraha. Ugu yaraan hadaanan wax kale u qaban karin, waa inaan garoonka usoo xaadirno si ay u dareemaan in garbahooda la joogo.

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x