lørdag, april 20, 2024

Koox matalaysey qaranka Somalia oo ku guulaysatay koob loo qabtay ajaaniibta magaalada Bergen

Foto: ODD NERBØ

Koox matalaysay qaranka Soomaaliya ayaa markii labaad oo xiriir ah ku guulaysatay koob kubada cagta ah oo loo qabto ajaaniibta ku dhaqan magaalada Bergen. Kooxdan ayaa koobka qaaday, kadib markii ay 5-4 ku garaaceen kooxda kale ee matalaysay qaranka Ghana.

Koobkan sanadlaha ah ee loo qabto ajaaniibta magaalada Bergen ayaa waxaa soo qaban-qaabiyo ururka dalada ajaaniibta gobala Hordaland. Waxaana qabashadiisa la bilaabay sanadkii 1998. Kooxaha Chili iyo Ghana ayaana ahaa kuwa ugu guulaha badan, inta aysan kooxdan matalayso Soomaaliya aysan meesha qabsan. Waxaana sanadkan kasoo qaybgalay 7 kooxood oo matalayay wadamada Ghana, Somalia,  Syria, Chile, Gambia, Eritrea og Etiopia

Taageerayaasha kooxda Soomaalia. Foto: ODD NERBØ
Taageerayaasha kooxda Soomaalia.
Foto: ODD NERBØ

Macalinka hogaaminayay kooxda Soomaaliya oo ah wiil dhalinyaro ah, magaciisana la yiraahdo Abdi Najib Mohamme ayaa wargayska Bergen Tidende u sheegay in ay ku faraxsanyihiin guusha ay gaareen, wuxuu intaasku daray in aysan guul ma ahaane wax kale kusoo talo galin. Macalinka kooxda Ghana ee koobka laga kor qaaday ayaa isna sheegay in kooxdiisa ay u ciyaareysay si adag, balse kooxda Soomaaliya ay ahayd tan ugu ciyaal fiicneyd, ayna mudnaayeen in ay qaadaan.

Abdi Najib Mohammed ayaa sidoo kale BT u sheegay in dhalinyarada ajaaniibta ah ee leh hibada kubada cagta aysan kooxaha waaweyn ee ka dhisan magaaladaas ka helin fursad iyo jaanis ay ku soo bandhigaan awoodooda xirfadeed. Wuxuu sheegay in ajaaniibtu ay badanaa ciyaaraan kubad qaab ahaan ka duwan tan norwiijiga, oo ku dhisan farsamo iyo teknikk.

 

Xigasho/Kilde: BT( les saken på norsk her)

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x