torsdag, mars 28, 2024

Harstad: Aqalka boqortooyada Norwey oo casuumaad-sharafeed u fidiyay wiil dhalinyaro soomaali ah

Xuseen Cabdi Yuusuf oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah oo degan magaalada Harstad ee woqooyiga wadankan Norwey ayaa casuumaad sharafeed ka helay aqalka boqortoooyada Norwey. Qoyska boqortooyada Norwey oo u dagaaldegayo sanad-guuradii 25-aad ee kasoo wareegatay markii loo caleemo saaray boqortinamada wadanka, ayaa xaflada sanadguuradooda ku casuumay dad kala duwan oo howlo muhiim ah u qabtay bulshada, Xuseen Cabdina waxa uu kamid noqday dadka helay casuumadaas gaarka ah. 

13579839_532481993619350_1067207686_oXusen oo wadanka Norwey degenaa mudo kooban oo sadex sano ah, ayaa ah imaamka masjidka kali ah ee kuyaalo magaaladaas Harstad. Isaga oo sidoo kalena ka shaqeeyo kaam ay kujiraan caruurta da´da yar ee wadanka iska soo dhiibay.  Waxa uuna aad uga dhexmuuqdaa ka shaqeynta arimaha la xiriira dhalinyarada ee deegaaskaas uu deganyahay. Xuseen ayaa sheegay inuu wadanka ka shaqo bilaabay isaga oo joogo 9-bilood oo kali ah.

NorSom News ayaa Xuseen waydiisay sababta uu u malaynayo in isaga looga soo dhexsaaray boqolaalka qof ee ajaaniibta ah,  looguna fidayay casuumaad sharafeedkan. Waxa uuna noogu jawaabay:

Aniga walaal wax gaar ah oo aan sameeyey oo specielt ah majiraan, aan ka eheyn intaas aad qorteen, laakiin markii aan dadka iyo siyaasiyiinta magaalada weeydiyey waxey ii sheegeen in ay tahay casuumaad ay helaan dadka magaalada ay degenyihiin howlo muhiim ah kaqabta oo kaliya.

Xafladan casuumaad sharafeedka ah ayaa dhici doonto kowda bisha sagaalaad ee sanadkan. Waa wax lagu  faano in qof soomaali ah oo wadanka degenaa mudo yar oo sadex sano ah, howl uu qabtay darteed loogu casuumo aqalka madaxdooyada Norwey, Xuseena waxaan leenahay Hambalyo. 

[adsenseyu1]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x