fredag, mars 29, 2024

Nav: Hadii uu ilmahaagu uu kusoo noqon waayo iskuulka, waxaa lagaa jarayaa lacagta ilmaha.

Sanad walbe marka la gaaro xiliga xagaaga ee iskuuladu ay fasaxa yihiin, waxaa bilaabata dood ku saabsan caruurta ajaaniibta ah iskuulka aan kusoo noqon marka uu fasaxu dhamaado. Integrerings- og mangfoldsdirektoratet(IMDi) oo ah hay-ada qaabilsan dib u dajinta iyo isdhexgalinta dadka soo galootiga ah iyo mujtamac weynaha ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto in caruur badan aysan kusoo noqon iskuulada, marka uu soo dhamaado fasaxa iskuulada. Warbixin lasoo saaray sanadkii 2014 ayaa  lagu ogaaday in waalidiinta uga badan ee caruurta uga soo tago wadanka dibadiisa ay ka yimaadeen wadamada Soomaaliya, Paakistaan iyo Ciraaq.

978x (1)Waaxda waxbarashada ee kommunaha Oslo ayaa sidoo sheegtay in sanadkii hore ay ka shaqaynayeen kiiska 50 caruur ah oo aan iskuulka kusoo noqon, kadib markii ay waalidiinta dhalay uga soo tageen ama geeyeen wadan kale. Akhtar Chaudry oo ah madaxa laanta IMDI ee Oslo ayaa sheegay inuu ka warqabo ilaa 45 caruur ah oo ay waalidiintii dhalay ay wadanka dibadiisa uga soo tageen, sanadkana uu ka cabsi qabo in arintaas oo kale ay dhacdo. Wuxuu intaas ku daray in caruurta qaarkood wadamo kale loo geeyo si ay usoo bartaan dhaqanka iyo luuqadooda hooyo, balse ay jiraan sababo kale oo caruurta wadanka dibadiisa loo geeyo. Chaudry oo ahaan jiray mid kamid gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka Norwey ayaa asal ahaan kasoo jeedo wadanka Pakistan, waana siyaasi ka tirsan xisbiga SV.

SSiciidaid Amin oo ah siyaasi soomaali ah kana tirsan isla xisbiga SV ayaa isna dhankiisa sheegay in  caruurta qaar oo sameeyay dhibaatooyin badan ama kamid noqday kooxo qaldan,  ay waalidiintii dhalay ay u celiyaan wadankoodii hooyo si ilmaha loo dhaqan celiyo, una usoo bartaan  dhaqanka wadanka uu waalidkii ka yimid. Said Amin ayaa sidoo kale qiray in marka ay caruurtu dib ugu noqdaan Norwey aysan la jaan-qaadi karin ama la socon karin waxbarashada iskuulka, arintaasna ay tahay nasiib daro. 

Iskuulada Norwey ayaa hadii aysan caruurtu kusoo noqon iskuulka ku wargaliya NAV, si ay u ogaadaan meesha uu ilmuhu joogo iyo sababta uusan iskuulka ugu soo noqon. Waxay sidoo kale sheegeen in ilmaha aanan joogin Norwey, iskuulkana aan imaan uusan xaq u laheyn in waalidka dhalay ilmahaas uu helo lacagta waalidku ay ilmaha ku qaataan ee  loo yaqaan barnetrygd. Iskuulada ayaa sidoo kale sheegay in inta badan caruurta ay kusoo noqdaan iskuulada, marka ay NAV joojiso lacagta la siiyo waalidka ilmahaas, maadaama barnetryd ay tahay ilaha dhaqaale ee ugu waaweyn ee waalidka ilmahaas. 

Xigasho(Kilde): nrk(les saken på norsk her)

Halkana ka akhri warbixinta ka hadlayso caruurta wadanka dibadiisa looga tago oo ay soomaalidu u badantahay

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x