Marita Johnsen iyo labadeeda gabdhood

Marita Johnsen waa gabar 22 jir norwiiji ah oo degan magaalada Kristiansand ee wadankan Norwey. Waana hooyo kali ah oo haysato laba caruur ah, waxayna qoraalo ku saabsan waayaheeda nololeed kusoo daabacdaa bogeeda shaqsiga ah oo ay ku leedahay internetka ee lykkeligsommamma. Marita ayaa shalay bogeeda internetka kusoo bandhigtay qoraal murugo leh oo ay kaga sheekeenayso sida mid kamid ah labadeeda gabdhood oo uu aabaheed soomaali yahay iyo qoyskiisuba ay inkiraad ugu sameeyeen gabadhan yar, oo asalkeedu soomaali yahay. Iyaga oo ku andacoonayo in gabadhan aysan ku dhalan wado sharci ah oo waafaqsan guurka islaamka. 

Waxay sheegtay in maalintii ciida ay gabadheeda u qaaday meel xaflad ciid ay soomaali ku qabsanayso, si gabadheeda yar ay wax uga barato dhaqankeeda soomaalinimo iyo kan diinteeda islaamka. Balse markii ay meesha tagtay ay ogaatay in cida soo qabanqaabisay xaflada ay yihiin qoyskii gabadheeda. Waxay qoraalkeeda ku sheegtay in qoyska gabadheeda ay si xun ula dhaqmeen oo aysan soo dhaweyn. Waxayna intaas ku dartay in markasta oo uu hormarayo qof katirsan qoyska gabadha uu si xun oo naceyb uu kujiro uu usoo fiiranayay. 

Wax badan ayaan iswaydiin jiray sida waxa dhacay ay ku dhaceen, waxaana u maleyn jiray in ay tahay is afgaranwaa dhexdeena ah, lagana gudbi doono oo uu xaalku fiicnaan doono. Balse waxaa ii cadaatay in aysan wax kasoo fiicnaaneyn. Hadii ay wax isbadali lahaayeen, mar hore ayaa arintan xal loo heli lahaa, xaalkuna wuxuu noqon lahaa mid sidan ka duwan.

Shalay ayaan ogaaday sababta aysan xiriir ula soo sameyn gabadha ay dhaleen ama habaryarta/eedada iyo ayeeyada ay u yihiin. Inkastoo aan si uun u fahmay sababta, hadana waxay ahayd arin aad uga yaabay. Waxaana igu cuslaatay dareenkeeda, maadaama ay ii muuqatay waxa ay gabadheydu mutaysan doonto. Iyo dareenka ah in aad leedahay famili aan ku jecleyn, dareenka ah aad leedahay famili aan ku daneyn.

Aniga wixii danbi ah ee aan galay waxa uu noo dhaxeeyaa aniga iyo ilaahay, cid aan dhaawac ama xumaan u gaystana ma ay jirto. Sida ay hooyo walbe uga fakarto mustaqbalka iyo dareenka ilmaheeda, ayaa waxaa wel-wel igu hayo waxa ay mudan doonto gabadheyda yar. Marar badan ayaa isku dayay inaan is adkeeyo oo aan kasoo qaado wax aan dhicin. Mar badan ayaa raali galin ka bixiyay waxyaalo aanan u baahneyn inaan raali-galin ka bixiyo. Dhulka ayaan is dhigay oo sumcadeyda iyo sharafteyda ayaan dhinac isaga tuuray, wax walbana waan isku dayay. Maxaa ii dhiman oo aan sameeyaa, maxaan kale oo aan sameeyaa. Intee awood le eg ayaan ku isticmaalaa dad aan ka fakareyn gabadhooda yar, oo iyaga uun iska fakaray. Waxaan rabaa in aan marka ay gabadheydu  waynaato aan u sheego in aan wax walbe isku dayay.  

Marita oo qoraalkeeda sii wada ayaa sheegtay in ay ayadu danbiga gashay, ilaahayna ay u tukutay, wax badan ay danbi dhaaf waydiisatay. Balse aysan fahmeyn wali sababta ay qoyska gabadheeda oo wali ku mashquulsan sharaftooda yo sumcadooda aysan marnaba dib usoo eegin gabadhan yar ee aan galin wax danbi ah.  (hoos ka akhriso qoraalka marita oo dhamaystiran).

Mid kamid ah akhristayaasha NorSom News ayaa markii hore noo soo gudbiyay qoraalka Marita iyo gabadheeda yar oo xalay ilaa maanta wax badan lagu hadalhayay baraha bulshada ee deegaankaas. Kadib ayaan xiriir la sameynsay Marita, si aan u xaqiijino in sheekadu ay tahay mid xaqiiq ah. Marita ayaa fasax noo siisay in aan qoraalkan taabanayo dareenka qof walbe oo akhriyaa aan u gudbino bulshada soomaaliyeed ee Norwey oo ay gabadhan yar ka dhalatay dhiig ahaan iyo dhalasho ahaanba.  Waxayna noo sheegtay:

Anigu ma ihi qof dhamaystiran oo bari ah marka la eego xaaladan, aniguba qalad waan sameeyay. Laakiin lagama hadlayo qofkee ayaa qalad sameeyay iyo qofkee sax sameeyay. Waxa laga hadlayaa waa gabar yar oo aan galin wax danbi ah, una baahan xiriirka qoyskeeda muslimka ah. Waxa laga hadlayo waa in dhibaatooyinka shaqsi ahaaneed dhinac la iska dhigo, oo loo soo jeesto sidii loo sameyn lahaa waxa saxda ah ee ku haboon meesha ay hada sheekadu taagantahay

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada soomaaliyeed ee dagan Magaalada Kristiansand in ay la socdaan, kana warqabaan Marita iyo gabadheeda yar ee soomaalida ah. 

Halkan ka akhri qoraalka Marita oo dhamaystiran, af Norwiijina ku qoran:  lykkeligsommamma.blogg.no

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

11 Comments På "Gabar norwiiji ah oo ka cabanayso qoys soomaali ah oo ku inkiray gabar uu wiilkoodu dhalay"

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
nadar
Guest

Waan ka xumahay wlhi gabadha yar maxey cuqdad ugu berayan waa saqiir wax dhib ma geysan somalida Norway jogta wa iney xiririyaan yey naga dhumine gabadhena somaliyed we love you our little princess

Feysal
Guest

Waan ka xumahaay wax meshaa ka dhacay wlhi waa arin murug leh insha allha xal beey ku dhama neesa

bihi
Guest
bihi

taasi waa mushkiladda , sida loo fahmo wacyiga dhaqan dhaqaale ee diinta, ilmaha yar muxuu ka og yahay diin gabadhan cadaanka ahna maxaa muslim ka galay, soomaalise maxay ka taqaanay, soomaali baa oroday dalkoodii bay ugu tageen waxay samayn lahaayeen bay sameeyen, markii masuuliyad iyo caruur timidna waxaa lagu cararay islaam kuma ay dhalan iyo katarobadhaa, dadka qaar insaanimada xataa ma dareemi karaan. siday doontaba ilaahay khayr ha ka dhigo.

Deqo
Guest
Deqo
Gabdha. Yarta ah denbi. Ma gelin. Mana. Wanaagsana. In. . Lagu naco. Wax ayna. Iyada masuul ka aheeyn . Waxana. Wanaagsan. In gabdha yar Familka. Ay ka dhalatey. Ay. Soo dhaweystan. Oo. Ay. U. Muujiyan. Walidnimo. Buuxda. Iyo. Kalgacal. Cuqdad. Iyo naceybna. Aan la Tusin. Somali Oo Dhan. Ayana. Gabdhas. Yar. Ehel. U ah. AbahIi. Dhaleynaa. Waxa laga rabaa inuu. Mar buu Qalad gale. Inusan. Qalad kale. Ka gelin. Gabadhisa Yarta. Ah. Oo masuuliyadiii. Abenimo. Ka. Soo baxaa
Mohamed nur
Guest
In reality we somalis are the worst people on th face of the earth. We have done what we have done in our beloved country ,killing each other raping maiming and destroying everything. We came here to the west unfortunately we are creating havoc every where. When committ a sin whatever it may be we make escapegoats that muslims . If we were true muslims we would have never done such a thing now the young Norwegian mother and here daughter are both innocent , the so called somali father has to take the full resposibilityand take good care of… Read more »
Aden Hassan
Guest
Aden Hassan

Haa, arrintaani waxalala yaabo maaha! Soomaalidu dad sidaas udulqaad badan maaha xitaa hadday dibadda ubaxeen. Waxaa lagayaabaa in arrintaani aykukoobantahay ooqura aabbaha gabadha, oon diyaar u ahayn inuu naag caddaana ilmokadhalo, waayo ilmokale oo uuleeyahay ama Gabar kale oo Soomaaliya oo uurabo inuu hadda guursado. Middakale, waxaa lagayaabaa in gabadha caddaankaa ay wiilka jeceshahay, oo marmarssiiyo uun kadhiganayso gabadha yar. Soomaalida carruurtooda caadigaa ayaaba lagaqaadaaye, waa maxay middaan lagadabowadaa?

Ali
Guest
Ali

Skal sitte he og synes synd pa ei kvinne som gar rundt og sier at hu muslim en dag og netse dag apner sine legger dagen etter pa. Jeg kjenner henne ikke men ville bare sporre om hu kan sende nummere hennes nar jeg trenger og kose saa kunne jeg tenkt og ringe henne.

Mojamed
Guest
Mojamed

I feel for those babies most be hard to know when they grown up that their mom was a hoe that love fucking around and cheating on her husbands most

abdirahman ali odasuge
Guest

waxan dhacay gabadha aya gar laa siisinin ninka ay leedahay waa somalia caruur yar igu iinkaaray wax war ah kama heyno daadka norska ah waa daad been badan. Cunuga ayr maxa dhiig DNA ah loo qaadi wayay loo cadan wayay in uu wada dhaalen maxas keenay wiilka somaliga ay leedahay wuu iga dhalay in ay reerkisa wajiga ay uu badalan gabadha soamliyey yaa laa fuduudan ee arinta ayaar wax haa loo ogado

Ridwaan Hassan
Guest

Somalida qaar ilaah amarkiis ayaga oo waxba diin ka aqoon ayee diinta marmarsiyo ka dhiganaayaan ee ku gambanaayaan waxa laga xishoodo iyo waxa kale xitaa makala garanaayaan

AWIL DEBEY
Guest

det er u akseptabelt ,at han nektet sin datter , en nydelig jente som er opprinelig fra somalia
selv at han nektet sin datter ,vi somaliere vi må passe på familie og kontakt minst ,tror situasjonen blir bedre fordi saken er nå populær ,jeg tror marita er veldig god person og god menneskelighet ,marita du er ikke alena , dine uttalelse rystet mange somaliere og jeg en av de

wpDiscuz