fredag, mars 29, 2024

Eedaymihii loo soo jeediyay Hassan Kheyre oo beenoobay

Hassan Kheyre iyo boqorada Norwey Sonja oo booqasho ku marayo xerada dhadhaab  Foto: Erlend Aas / Scanpix

Bartamihii bishii maarso ee sanadkan aan kujirno ayaa waa soo shaac baxay eedaymo ay kooxda la socoshata cunaqabateynta hubka qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Ereteriya, ay usoo jeediyeen Hassan Kheyre oo ah madaxa shirkada  Soma Oil and Gas. Eedaymahaas oo ku saabsanaa in Hassan uu xiriir la leeyahay kooxo xagjir ah oo ka dagaalamo gudaha Soomaaliya, oo ay kamid tahay Al shabaab. 

Hassan Kheyre oo haysta dhalashada wadankan Norwey, kana mid ah aqoonyahada jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey, ayaa inta uusan u wareegin Soma Oil and Gas ahaa madaxa laanta hay-ada gargaarka Norwegian Refugee Council(NRC) ee geeska afrika.  Kheyre ayaa iska fogeynayay dhamaan eedaymahaas ay usoo jeediyeen kooxdan ka tirsan qaramada midoobey, isaga oo ku eedeeyay isla kooxdan inay wadaan olole ay rabaan in ay isaga magaciisa waxyeelo ku gaarsiiyaan. 

Kooxda cunaqabateynta hubka ayaa maanta soo saartay warqad ay ku cadeynayaan in ay soo gabagabeeyeen baaritaankii ay ku hayeen Hassan kheyre, kadib markii ay ku waayeen wax cadeyn ah oo sheegaya in uu hassan xiriir la lahaa kooxaha xagjirka ee ka dagaalamo Soomaaliya. Waxayna warqadan ka timid Christophe Trajber oo kamid ah isuduwayaasha Somalia-Eritrea Monitoring Group. Sidoo kale wasiirka amniga qaranka soomaalia, Cabdirizaaq Cumar ayaa u cadeeyay wargayska Dagbladet in ay soo gaartay warqadaas sheegaysa in Hassan uusan lug ku laheyn eedaymaha loo soo jeediyay. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay waday baaritaan gaar ah oo ku saabsan eedaymahan, isla markaana ayaguba dhankooda ay hassan ku waayeen wax cadeyn ah oo xoojin karo arintan loo soo jeediyay.

Hassan Kheyre ayaa  dagbladet usheegay inuu ku faraxsanyahay, soona dhawaynayo soo xiritaanka eedaymahan, isaga oo intaa raaciyay in markiiba horeba aysan jirin sabab lagu bilaabo karo eedayntan oo ay kooxdan haysatay. Waxa uu kaloo sheegay in ay sharaf dhac u tahay qaramada midoobey in shaqsiyaad ka tirsan hay-ad hoos tagta qaramada midoobey in ay si khaldan u adeegsadaan awoodooda, isla markaana ay u isticmaalaan waxyeelada magaca dadka kale. Hassan ayaa sidoo kale sheegay in calaamad su aal la saari karo jiritaanka gabi ahaanba hay-adan, lana joogo waqtigii ay qaramada midoobey dib u eegis ku sameyn lahayd hay-adan iyo hab dhaqankeedaba.

Eedaymahan loo haystay Hassan kheyre iyo eedaymo kale oo loo haystay shirkada SOMA ayaa waxa si weyn u hadal hayay dhamaan warbaahinta caalamka, gaar ahaan kuwa U.K maadaama madaxda shirkadan uu kamid yahay Michael Howard oo horey u ahaa gudoomiyaha xisbiga Conservative Party ee wadankaas. Waxa uu sidoo Michael Howard xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada wadankaas, isaga oo soo noqday wasiirka arimaha gudaha, wasiirka deegaanka iyo wasiirka shaqada. Eedaymaha loo haystay SOMA ayaa ku saabsanaa in ay lacag xad dhaaf ah oo laaluush ahaan ah ay siiyeen qaar kamid ah madaxda wasaarada tamarta dowlada Soomaalia.

 

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x