lørdag, april 20, 2024

Dad soomaali ah oo jawaabta codsiga sharciga dhalashada Norwey sugayo mudo ku dhow 2 sano

Bilowgii sanadkan aan kujirno ee 2016 ayay laanta socdaalka ee UDI-du sheegtay inay wax ka badashay xiliga uu qofka sugayo jawaabta codsiga sharciga dhalashada wadankan. Xiliga jawaabta dadka kayimid Soomaaliya oo waagii hore ahaan jiray 12-bilood ayay sheegtay inay ka dhigtay 16-bilood, balse waxaa soo badanayo dadka soomaalida ah ee aan wali jawaabta ka  helin UDI-da,  iyadoo la dhaafay xiligii 16-biloodka ahaa.

Gabar magaceeda kusoo gaabisay Ifrah oo xiriir lasoo sameysay warbaahinta NorSom News ayaa sheegtay inay jawaab ka sugayso UDI-da mudo dhan 19 bilood, ayna 3 bilood kor u dhaaftay xiligii loo qabtay. Gabadhan ayaa sheegtay inay Norwey iska dhiibtay iyada oo kayar da-ahaan 18-sano, sidaas darteena ay passportka guduudka wadanka codsatay shan sano kadib markii ay heshay sharciga magangalyada. Xiliga 12-biloodka wuxuu ku ekaa bishii November ee sanadkii 2015, balse markey wacday UDI-da ayaa la ogaysiiyay in xiligaa jawaabta uu isbadalay, isla markaana laga dhigay 16-bilood. Ifrah ayaa intaas ku dartay in gabdho ay saaxiibo yihiin oo ka yimid wadamada Afghanistan iyo Ereteriya oo ay isku mar sharciga wada  xareysteen ay jawaabta ku heleen mudo 10-bilood gudahood ah, halka iyadana ay sugayso 19-bilood.  Waxayna intaas ku dartay inay codsigeedii in laga soo jawaabo iska daayee, aanba wali loo dhiibin qof saksbehandler ah oo ka shaqeeyo, arintaas ay u aragto faquuq gaar ah oo dadka soomaalida ah ay UDI-da ku hayso.

Sidoo kale waxaa dad ilaa 7 qof gaarayo, intooda badana degan Oslo ayaa iyagana noo cadeeyay inay jawaabta sugayaan mudo ka badan 16-ka bilood ay UDI-du qabatay.  Hadii aad gasho webka rasmiga ah ee UDI-da waxaa ku qoran in qofka ka yimid Soomaaliya loogu soo jawaabi doono mudo 16 bilood ah, halka kan ka yimid Siiriya, Afghanistan iyo Ereteriyana ay jawaabta ku helayaan mudo 10 bilood.

[adsenseyu1]

Warbaahinta NorSom News oo xiriir la sameysay laanta socdaalka ee UDI-da ayaa waydiisay waxa sababay in xiliga jawaabtu uu intaas gaaro. Waxayna noogu jawaabeen in marka laga shaqeynayo codsiyada dadka ka yimid soomaaliya ay qaadato waqti ka badan kan dadka kale, maadaama aysan Soomaaliya dowlad laheyn mudo 25 sano ka badan, isla markaana ay adagtahay in si dhaqso ah loo wado helo dhamaan documentiyada iyo cadeymaha qofka looga baahanyahay. UDI-du ayaa sheegtay in daahitaanka jawaabta aysan aheyn wax ku gaar ah soomaalida ama ajaaniibta qaarkeed, balse aytahay wax ay sababtay codsiyada magangalyada tirada badan oo ay UDI-da soo gaaray sanadkii 2015. Waxay intaas ku dareen in dadka  codsigeeda ka xareeyay Oslo ay badanaa jawaabtu kasoo daahdo, maadaama ay Oslo ka dad badantahay gobalada kale ee wadanka. UDI-da ayaa waxay intaas ku dartay in ay inta awoodooda ah ay isku dayayaan inay lasoo dhaqsadaan jawaabta, balse ay dadku fahmaan arintan. 

2353300_hc4df906d16c6ba68171f_v1359573494_250x450Xildhibaan Baashe Muuse oo isna aan xiriir la sameenay ayaa isna dhankiisa noo sheegay in uu fikir-ahaan aaminsayahay in soo daahitaanka jawaabta iyo  inuu qofku soomaaliya ka yimid aysan isku xirneen. Wuxuuna kula taliyay dadka xiliga jawaabtu ay la dhaafto xiligii ay UDI-du balanqaaaday inay qoraan warqad dacwo ah, oo ay ku codsanayaan in jawaab laga siiyo codsigooda ama loo sheego sabab fiican oo uu qofku ku qanco. Baashe ayaa kula taliyay dadka ay kasoo daahday jawaabtu inay isdajiyaan oo aysan wel-welin, maadaama ay Oslo badanaa ka mashquul badantahay magaalooyinka kale ee wadanka, isla markaana ay si caadiga ahba ay badanaa jawaabtu kasoo daahdo dadka degan Oslo.

 

 

 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x